Sign in to follow this  
General Duke

President of Somalia Uganda hod a joint press conference

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi iyo Madaxweynaha Ugandha oo Wadajir Uga

hadlay Arrimaha Soomaaliya

 

Cabmuuse.jpg

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 16/05/07

 

madaxweynaha Somaliya Cabdullahi Yusuf wuxuu uga mahad naqay madaxweynaha Dalka Uganda Ciidamada Ugandha oo hawl lagamamaarmaan ah ka qabanaya dalka Soomaaliya ,Madaxweynaha dalka Soomaaliya wuxuu dalka Ugandha uga tacsiyeeyey Ciidamada reer Uganda oo iyagoo xilkooda gudanaya lagu dilay dalka Soomaaliya :

Wuxuuna yiri: "Waxaan aad uga xumaaday markii askari reer Uganda ah uu geeriyooday isaga oo xaafiiskayga ka daafacaya niman asalraac ah ,mana illoobayno waxa aay noo qabteen Ciidamada dalka Uganda"

 

Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yusuf wuxuu ku Martiqaaday Dhigiisa Museveni in uu Booqasho Rasmi ah ku yimaado jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Uganda waxaay Fulisay ballanqaadkeedii kaddib markii 9-kii March 2007 aay noqotay dawladdii ugu horreysay oo Afrikaan ah oo Ciidan usoo dirta dalka Soomaaliya .

madaxweyne Cabdullahi oo arintaan ka hadlaya wuxuu yiri:"Daw ma aha in Uganda ku kaliyeeysato hawsha nabad-ilaalinta Ciidamada Afrika "AMISOM.” wuxuuna intaas raaciyey in la jabshay asalraacii dawladduna ka shaqaynayso imminka in uu tabbogalo Shirka dibuheshiisiinta oo lagu wado in uu dhaco bartamaha bisha soo socota ee June iyadoo doorasho laga samayndoono dalka Soomaaliya bisha Oktoobar ee 2009.

 

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Beeniyey in dawladdiisu xayirayso kaalmooyinka lasiinayo dadka soo barakacay .

Dhanka kale Madaxweyne Museveni oo isna ka hadlayey shirkii jaraaid oo labada madaxweyne Wadajirka u samayneeyeen wuxuu sheegay in uu kala shaqaynayo Madaxweyne Sanadeedka Qaaradda Afrika oo ah madaxweynaha Ghana Mudane Kufuor sidii loo soo dhammaystiri lahaa Ciidamada Afrika oo loo qondeeyey in aay dalka Soomaaliya Yimaadaan.

 

Madaxweyne Museveni isagoo hadalkiisii sii ambaqaadaya wuxuu yiri:"Waxaan ku tallabsanaynaa in aanu kaalmo u fidino walaalahayaga Soomaaliyeed sidii aay dalkooda burburay iyo ciidamadooda iyo hanaanka maamul u dhisan lahaayeen".Madaxweyne Museveni wuxuu sheegay in ciidamadiisu dalka soomaaliya u tageen in aay nabad sameeyaan mana aha kuwo ilaalinaya nabadda sababtoo ah ma jirto nabad la ilaaliyo.

Madaxweyne Museveni wuxuu ka Codsaday Madaxweyne Cabdullahi in uu dhammaan qaybaha Bulshada oo dhan oo aay ku Jiraan Maxkamadaha Islaamka in aay kamid noqdaan dawladda Soomaaliya.

 

Museveni wuxuu yiri:"Iskahorimaadkii Hubaysnaa waa dhammaaday waxaana la soo gaaray xilligii la isugu imaan lahaa madal dibuheshiisiin si loo dhammeeyo dhibaatada dalka Soomaaliya ."

 

 

 

 

 

Museveni wuxuu ku booriyey Madaxweyne Cabdullahi in uu u oggolaado Qabaailka Soomaaliyeed in iyagu soo xushaan xubnaha wakiilka ka noqonaya oo shirweynaha qaran uga qaybgalaya si aan Qabiilna looga tagin.

 

Madaxweyne Museveni wuxuu sheegay in uu u magacaabay Professor Sam Turyamuhika iyo Ngoma Ngime in aay xagga Siyaasadda arrimaha Soomaaliya kala Taliyaan iyagoo isku xiraya arrimaha Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan iyo Dawladad Uganda.

 

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya wuxuu Qasriga Madaxweynaha dalak Uganda kula Kulmay Marwo Khadiijo oo ah aafadii uu ka Geeriyooday Jeneraal Caydiid iyo saddexdeedii ilmood .

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/lahi iyo Museveni oo saxafda la hadley

16 May 16, 2007 - 5:01:57 PM

 

Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya iyo Ugandha ayaa magaalada Kampala ee dalka Ugandha ka soo saaray war murtiyeed ku saabsan arrimaha dalka Soomaaliya, iyagoo shir jaraa'id ay si wada jir ah u qabteen ku sheegey in loo bahan yahay ciidamo nabad ilaalin oo ka socda dalalka Africa.

 

Madaxweyneyaasha ayaa waxay ka codsadeen dalalka Africa ee horay u balan qaaday iney ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan ka dhabeeyaan balanqaadkooda.

 

"Waxba ma tareyso inaan fikrada Qaramada Midoobay ee ah in la sugo inta nabada laga soo celinayo balse waa in naf badan loo hura oo la tagaa Somalia si nabadgelyada loo soo celiyaa, si Soomaaliya cagaheeda dib isu taagto, sida lagu sameeyay dalka Burundi oo kale oo ciidamo loo diray iyadoo ay ka jireen dagaalo laguna guuleystay" ayuu yiri Musaveni Madaxweynaha Ugandha oo sheegay in loo baahan yahay ciidamo sida ugu dhaqsiyaha badan loogu diro Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in la dhiso qeybaha kala duwan ee ciidamada dalka Soomaaliya.

 

Hadalkaan labada Madaxweyne ayaa waxyar ka horeeyay kadib markii Bam dhulka lagu aasey lala beegsadey ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen shan askari.

 

Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this