Sign in to follow this  
Liibaan

Ciidamada Daraawiishta oo hada ku sugan meel u jirta 35 kilmiter Ceerigaabo

Recommended Posts

Liibaan   

Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo kusii Jeeda Ceerigaabo

 

(Dhahar}15.04-7

Warar aanu ka helnay degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxa ay tibaaxayaan in Ciidamada maamulka hargeisa ayaa guul darro aad u lixaad leh ka soo gaadhay dagaalka ay isku dayayeen inay ku qabsadaan deegaamo katirsan puntland

 

Wararka halkaas naga soo gaadhaya ayaa waxa ay sheegayaan in dhulka Sanaaga ah ee ku yaala dhulka fog ee ay ka midka yihiin Carmaale, Biyo guduud iyo kuwo kale oo ceerigaabo 35 km u jira ay hada si buuxda gacanta ugu hayaan cidmada Puntland.

 

Dagaalkii dhacay ayaa waxaa lagu waramayaa in ay ku gacansareeyaan Ciidamda Puntland, iyadoo ciidanka somaliland ay cagaha wax ka soo dayeen ka dib markii ay dagaal culus la galeen Ciidamada Puntland oo iyagu tan iyo markii ay ka baxeen Dhaharba ku sugnaa aagaas.

 

Dhinaca kale waxaan si dhab ah loo ogaan Karin khasaaraha rasmiga ah ee uu gaystay dagaalkaas.

 

warar hadeer nasoo gaadhayna waxay sheegayaan in ciidamo xoogan iyo wafuud aad u farabadan ay kasoo baxeen magaalada xeebta ahe ee boosaaso kuwaas oo wada gurmad iyo saanad ciidan waxayna haatan kusoo jeedaan deegaanka dhahar

 

Widhwidh Online Kala Soco Wixii Soo Kordha News Desk...Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this