Castro Posted January 13, 2007 ^ Allah yicizak, atheer. No wonder you're a lot calmer than many of us. You must have a stash of these gems you could return to whenever the world around you spins counterclockwise. One of these days you'll have to share your library. Dad badan ayaa ka faaiidaysan lahaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haaraahur. Posted January 13, 2007 Xiin walaal Xigmad lagu qoray luuqad aad fahmayn dhibkeeday leedahay. Marka anagaan afsoomaali iyo afcarabi ku dhiban noo naxaariiso oo af ingiriis inoogu turrjun waayo waan kula danqanaynaaye. Gabaygaan waa la ii turjumay aad baan ugu bogay waana soomaali! SHAN GEESLE Cali Xuseen Xirsi Calanyahow shanta gees lihi Ilaahay guul ha ku siiya oo Cadowgaagu ha guura oo Gurigaa lagu saaray, Weligaa ku gabow! Galabtii lagu taagay, Guddidii soconaysay, Qaar baa gowska qaniinayoo Gadaal kuu dhugan waayayoo Gardarray ku socdaanoo Daday meel ku garaacdiyo Gumeysi bay baratee, Haddii laysku gadoodo, Quruun guudka madow iyo Gaalay kaama rogto! Maraakiibtan gudeysiyo Dayuuraadka ka guuxiyo Geeshash kuu diriraayiyo Gaadh naftaada ilaashiyo Aamminka rag gunaaxayoo Goobtii laysku dileystiyo Goofafaa ka samaysa, Guullaan kuu baryayaaye, Geesahaaga ka buuxi! Intaasi wayga gargaare, Waxa aan gocanaaya oo Gebigaaga ku fiican Haddaan laguu geli haynnin, Anigu kuu gabyimaayoo Soomaali baan ged aqaan oo Guubaabo iiga dhammatay oo Geesi kuu diriraaya iyo Gacal baanad lahayn. Gafuurtaagga qabiilkiyo Iyadoo is gubeysiyo Geel ay qaaddo ha joogto'e, Iney kuu garbo yeesho Ay giijiyaan xadhiggaaga Marna taa garanmayso. Sacabkaa la garaaciyo Orodkaa la gucleeyiyo Feestadaa gudaheenniyo Farxadda lagu guuley, Gamba kuuguma taallo Garaadkaa ka hallaabayoo Labadooda gacmood bay Midba geed ku xidheen, Gabgabtooda ha eegin! Intey kuu guntanayso, Shisheeye isku gudbeyso Baarkii laysku guraayay, Yaa gabdhaa ula dheeli? Fatuuraadka guduudan Qaar go'aa ka caddaadiyo Kuwa aad goray mooddiyo Qaar gadaasha u dhuubanoo Ka dheereeya gamuunka oo Aan la gaadhi karaynnin, Yey ku gaardiyayaane, Gobey hay lala eego, Ayaa kuu gurmanaaya? Doqon looma gargaaro oo Ra'yigaan geli haynninoo Wax badan baan gogoshayda Ciilkoodii gam'i waayaye, Ilaahay baa ku gargaariye Gurboodka haatan kacaayiyo, Nasriga Guulle ka sug! DALKAN Cali Xuseen Xirsi Dalkan Reer Hargeysa iyo Xamar, labada daawaysay Dulligii rag baa uga guntaday, oo dagaallamaye Dadaal baannu haynnaa hadduu, Eebbe nala doono Wixii dibadda jira saaddambaa, laysu soo dumiye. Ma dubaaxsho doqonkii xunoo, dumarku dhaamaaye Wankoo cadaawuhu dubtee, xaqa u diidaayo Dulmigey qabaan kii maqlaa, wuu danqanayaaye Xaggayaga daruurtiyo markay, Dayrtu ka hillaacday Hiil baa damcayseen cadow, aannu diriraaye Daahniinka waxa noogu wacan, idinka diimoone Daa'imo ninkii dhalay beryuu, daalandaliyaaye Weli daamankaa noo adkayn, gows dambeeddada'e Cirku waa daruurado'e ma shubin, dhibici daadkiiye Miinaa la duugaye intey, kala dillaacayso Dayuurado lalaayiyo intaan, aarmi dirranaynno Dabbaabado wax laayiyo intaan, Denishki keeneyno Militari dagaal badan intaannu, isula dooneynno Idinkoo dacwiga Uunada u, diraya mooyaane Ha daalinna dugaagtaa mar waa, kala durkaysaane! Afartaa intaan "Deel" ka deyey, ma idin deeqsiiyey Meesheydin doonteen sidii, daabac ma u saaray Ma dawaarshay weligeyba waa, kaan dalayn jiraye. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Castro Posted January 14, 2007 Originally posted by xiinfaniin: ^^I have one for Zenawi: Ninkii ey rabbeeyaa fadaro aano waw yahaye’e Shaydaan ixsaan lagama helo eray xun mooyaane’e Xiinow, are you sure you didn't drop a "y" from these verses? Ninkii Yey rabbeeyaa fadaro aano waw yahaye’e Shaydaan ixsaan lagama helo eray xun mooyaane’e Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted January 14, 2007 ^^ @Castro! I am positive adeer. ps..i will be back..IA! Quote Share this post Link to post Share on other sites