Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ex Bugland Minister to be Sued

Recommended Posts

Dad ukala dhashay Dalalka Germany iyo Somalia gaar ahaan deegaanada maakhir Coast ayaa ka wada wadamo ka mid ah midowga yurub dacwado ka dhan ah C/laahi Siciid Samatar wasiirkii Aminiga ee Maamulkii Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde Muuse) oo ka talin jiray Puntland 4tii sano ee la soo dhaafay .................................

 

C/laahi Siiciid Samatar oo ahaan jiray wasiir awood badan xiligii xukuumadii Cadde Muuse ayaa lagu eedaynayaa lacago uu ka dhacay Cusbataal ay lahaayeen Muwaadiniin udhalatay Dalka Germany iyo Dad Somali ah oo ka soo jeeda gobolada Sanaag Iyo Boosaaso cusbataalkaas oo laga hirgalin lahaa xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, dacwada ayaa la sheegay inay hada ka bilaabatay dalaka Italy, Belgium iyo Britain dalalkaas oo uu dhamaantood sharciyo ku leeyahay C/laahi Siciid Samatar .

 

Sida ay Warbaahinta Afnugaal.com usheegeen qaar ka mid ah dadka dacwada wada C/laahi siciid Samatar wasiirkii hore ee Aminiga Puntland ayaa awood wasiirnimo u adeegsaday sii daynta dad loo xidhxidhay dhicitaanka cusbataalkaasi la doonayey in laga hirgasho boosaso ka dib markii maxkamad kutaala magaalada boosaaso ay dadkasi ku riday xukuno kala duwan ka dib markii danbigaasi ku cadaaday .waxaana ay sheegeen in wasiirku si toosa iyo si dadban ba uga qayb qaatay dhicitaanka hantida lagu dhisi lahaa cusbataalkaasi.

 

Qaar ka mid dadka ku eedaysan inay dhaceen dhaqaalihii cusbataalkaasi ubaxsaday magaalada Dubai ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta ka dib markii uu C/laahi Siciid Samatar usameeyey Passaports-ka Ertrea iyo Kan Djibouti waa sida ay hadalka udhigeene, eedaysanayaashaas oo iyana ku jira dacwada hada loo gudbiyey qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub.

 

Dadka Somalida ah ee dacwadan qaybta ka ah ayaa sidoo kale ku eedaynaya wasiirka Amniga Puntland inuu dad si xooga kaga raray tuulada laag oo ma saafo ka yar 30km ka xigta boosaaso dhinaca qardho isagoo adeegsanaya awood ciidan iyo tan Maamulka Puntland halkaas oo uu soo dejiyey dad ay isku hayb yihiin waa sida ay hadalka udhigeene . Waxaana ay intaasi ku dareen in C/laahi Siciid samatar uu kala soocay dadka ku wada dhaqan magaalada Boosaaso isagoona waliba qayb ka ahaa ololihii daabacaada lacagaha shilligka Somalia taas oo galaafatay nolosha dad badan oo ku nool Puntland iyo Koonfurta Somalia .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this