Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa Somalia: Riiyaale laughs at the Mugged ones yet again

Recommended Posts

Riyale oo shir jaraa'id qabtay

9 May 9, 2009 - 4:03:17 PM

 

Madaxweynaha maamulka la magacbaxay Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta [May 9] shir-jaraa'id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa kaga hadlay qodobo dhawr ah, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyay Xukuumada iyo Asxaabta, Doorashooyinka soo socda, iyo arrimo kale.

 

Waxa kale oo uu si weyn uga hadlay arrimaha siyaasada iyo doorashooyinka oo uu sheegay in waqtigooda la qaban doono iyada oo buu yidhi aan mar kale dib u dhac ku iman doonin. Waxana isaga oo arrimahaasi ka hadlaaya uu yidhi: "Waxaad moodaa inay muddo badan qolo saaxiibaday ahi ay ka hadlayeen TV-yada iyo Warbaahinta, si kooban baan maanta uga hadli doonaa arimahan ugu dambeeyey ee murankoodu taagnaa iyo qodobo kale oo aan is leeyahay markaa in la yara taabto ayey u baahan yihiin.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata, Rayale wuxuu yidhi: " Iyadoo ay 18 May soo socoto oo hadalkayga inta badan waktigaa aan u dhigan doono. Waxaa baryahan mudaba socotay ilaa Sanadkii hore in markastaba ay Xisbiyada Mucaaradka ku eedeeyaan in Xukuumada ay mar kastaba dib u dhigta doorashada iyo anaguba waan is ognahay waxa dib u dhigay, waxaa dib u dhigay Nidaam Cusub oo kii hore ee aan doorashada ku galnay aan ahayn ayaan qaadanay.

 

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in diiwaangelinta ay baajisay in doorashooyink wakhtigooda lagu qabto. Wuxuu intaasi ku daray Madaxweyne Rayale in Xukuumada Somaliland ay mar kasta diyaar u ahayd in doorasho la qabto isagoo sheegay in Dowladu aysan rabin in hal maalin loogu daro.

 

Sidoo kale waxa uu Daahir Rayaale ka hadlay sababta uu u saxeexi waayay go'aankii iyo xukunkii ay soo saareen Guddigii dhexdhexaadintu ee uu uga meeraysanaayo waxana uu yidhi: "Odayadu haday noo yimaadeen kalsooni baanu siinay, odayadii noo yimidse go'aan bay gaadheen heshiiskuna muu ahayn inaanu anagu heshiis kala sexeexano, Go'aan iyagu ay gaadheen bay ahayd. Go'aankaas xukuumadu way soo dhawaysay, waanay aqbashay imikana waan aqbal-sanahay, ninka diidani waxa weeyi ninka murano kale iyo shuruudo aanu qorayn go'aanka daba dhigaya."

 

Md. Rayale si cad uma soo hadal qaadin cidda keentay shuruudahaasi laakinse Xisbiyada Mucaaradka ayaa ka dalbaday Rayale inuu saxeexo heshiiskaasi.

 

Iyada oo maanta dareenka Madaxweyne Rayaale ka muuqday cadho waxa halkaasi ay saxaafadu ku weydiiso su'aalo dhowra kuwaasi oo uu ka jawaabay.

 

Maxamed Jamaal, Garowe Online

HARGAYSA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this