Sign in to follow this  
Qandalawi

DEMBIYO LA YAAB LEH OO KA DHACAY DEEGAANADA MAAMULKA SOMALILAND

Recommended Posts

DEMBIYO LA YAAB LEH OO KA DHACAY DEEGAANADA MAAMULKA SOMALILAND!!

 

Hogaanka howgelinta Booliska C/laahi Fadal Iimaan oo hadal ka jeediyay munaasibad loo sameeyay sanad-guurada 17-aad ee asaaska ciidanka Booliska maamulka la baxay Somaliland ayaa soo bandhigay dhacdooyinkii saddexdii bilood ee Xukuumadda cusubi xilka heysay ka dhacay gobolada maamulkaasi iyo fal-dambiyeedyadii dhacay intii u dhexaysay November 2009 ilaa November 2010, waxaana ka mid ahaa falal la yaab leh oo inta badan aan ka dhicin dhulka ay Soomaalidu degto, kuwaas oo ay ka mid yihiin dad badan oo is daldalay iyo caruur badan oo dariiqyada lagu soo tuuray.

 

“Waxqabadkii ciidanka Booliska ee 100-kii maalmood e ugu dambeeyay muddadaa saddexda bilood ah, waxa ka dhacay gobolada Somaliland 26-dil, waxa ku dhintay 26 qof, waxa la qabtay 21-gacan ku dhiigle, waxaana baxsaday shan qof oo ciidanka Boolisku daba joogo, waxsa dalka ka dhacay 15-kufsi, waxa galay 48 eedaysane, waxa la qabtay 40, waxaana baxsaday 8 kale” ayuu yiri C/laahi Fadal Iimaan.

 

Hoggaanka howlgelinta Boolisku waxa uu sidoo kale soo bandhigay dhacdooyinkii sannadkii u dambeeyay ka dhacay Somaliland ee ay ciidan ahaan diiwaangeliyeen, wuxuuna yiri isagoo arrintaasi ka hadlaya “Sanadkii u dambeeyey ee 2009-kii November ilaa 2010 November, waxa dalka ka dhacay guud ahaan 18,343 kiis, waxa maxkamad la horgeeyay 5015 kiis, waxaa la xukumay 1788 kiis, waxa si gaaban lagu dhameeyey 8584 kiis, waxa beenowday ama caddaan waayay 3511 kiis, waxaana baaris ku jira 1223-kiis.

 

Dilalka ka dhacay Somaliland November 2009-kii ilaa Novbember 2010 waa 81 dil, waa ku dhintay 81, qof waxa la qabtay 64 gacan-ku-dhiigle, waxa baxsaday 17 gacan-ku-dhiigle.

 

Tirada shilalka baabuurta ee sanadkani waxay ahaayeen 1496 shil, waxa ku dhintay 148 qof, waxaana ku dhaawacmay 1279 qof, khasaaraha gaadiidkuna 410 gaari, khasaaraha xooluhuna 182 neef, halka khasaaraha dhismayaashu ahaayeen 1496.

 

Guud ahaan kufsiyada sanadkan ka dhacay gobolada Somaliland waa 186 kufsi, waxa galay 206 eedaysane, waxa la qabtay 162 eedaysane, waxaana baxsaday 144 eedaysane” ayuu raaciyey.

 

Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxa uu sheegay in dhacdooyinka sannadkii tegay dalka ka dhacay ay ku jiraan fal-dambiyeedyo la xiriira carruur la tuuray iyo dad naftooda deldelay, “Tirada carruurta la tuuray waa 8 carruur ah, 2 way dhinteen, 6-na nolol ayuu ciidanku ku qabteen, tirada dadka isdeldelay waa 6 qof, inta dhimatay 6 waa qof.

 

Tirada mukhaadaraadka la qabtay waa 2221 litir oo Khamri, waxaana lagu qabtay 21 eedaysane, kuwaas oo dhamaantood la horgeeyay maxkamadaha kala duwan” ayuu yiri C/laahi Fadal Iimaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War xun sheeg Dayniile ayaad war ka soo xiganaysaa

 

Warbixinta boliska iyo ciwaanka uu u sameeyay isma laha.

 

Bal waakan ee bar bar dhig warbixintii 2007 maxaa isbadalay. Sow nabadgalyada Somaliland sideedii maaha,

 

Xuska Sannad Guurada 14-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska oo ku began 3-Nov-07 ee Sannadkasta ayay Ciidanka Booliska Somaliland ku soo bandhigeen tirade Guud ee dambiyada ka dhacay dalka Sannadkan lagu jiro kuwaas oo tiradoodu gaadhay 17601 kiis.

 

Kiis-danbiyeedyadan oo isugu jira qaar Madani iyo fal-dhagareedyo, ayaa in badan oo ka mid ah dadkii geystay la horgeeyay Maxkamadaha ku shaqada leh ka dib markii gacanta lagu dhigay, sidoo kale ayaa qaar ka mida Heshiis laga gaadhay halka in kale oo ka mid ah dadkii geystay ay u suuro gashay in ay baxsadaan kuwaas oo ay Boolisku tilmaameen in ay ku daba taagan yihiin sidii Cadaalada loo horkeeni lahaa, Warbixin ay Boolisku Sannad walba maanta oo kale ku began Xuska Maalinta Aas-aaska Ciidanka taas oo ay ku soo bandhigaan Waxqabadkooda iyo inta Kiis Dambi ee Sannadkaa dalka ka dhacay.

 

Cabdilaahi Iimaan Fadal oo ah Hogaanka Wacyi Galinta Guud ee Ciidanka Booliska ayaa Warbixinta wax qabadka Booliska ee Sannadkan akhriyay waxaanu haladkiisa ku bilaabay sedan:

 

“Halkan waxaan ka soo jeedinayaa, iyadoo wax qoraal lagu soo koobi karo aanay ahayn Waxqabadkii Booliska Somaliland ee Sannadkan 2007 xaaladii uu soo maray waana sedan soo socda guud ahaan dalka waxaa ka dhacay 17601-kii waxaa Maxkamad la horgeeyay 5234- Dambi, waxa la Xukumay 2132 waxa si gaaban lagu dameeyey ama Heshiis 6363 inta beenowday ama cadaan wayday intaa ka dib waxa uu Fadal ka hadlay Dilalka Sannadkan dhacay oo tiradoodu tahay 83 Dil waxaana la qabtay 55 gacan ku dhiigle halka ay 26 gacan ku-dhiigle ka baxsaday kuwaas oo uu Taliyuhu sheegay in Ciidanka Boolisku ku daba joogaan tirade Dilka ee Sannadkan dhacay ayuu Mr. Fadal tilmaamay in kuwii Sannadkii hore ay ku korodhay tiradoodu 1 Dil, Sannadkii hore ay tirade Dilku ahayd 82.

 

Waxa uu Taliyuhu xusay in laga daadaalka ay Ciidanku sameeyeen tirade gaacanku dhiig-layaash ay qabtee shilalka Sannadkan dhacay ayay tiradoodu lahay 987 kuwaas oo ay ku dhinteen 133 Marxuum, halka ay ku dhaawac-meen 795 Qof shilalka Sannadkan ayuu Fadal sheegay in gaadiid dhan 630 ay ku burbureen, sidoo kale waxa ay sahaydeen 120 Neeg iyo 31 Guri oo wax-yeelo ka soo gaadhay.

 

Tirade Kufsiga ee Sannadkan dalka ka dhacay ayuu Taliye Cabdilaahi Iimaan Fadal tilmaamay in ay ahaayeen 83 Kufsi waxana ay Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen 73 Eedaysane.

 

Taliye Fadal oo faahfaahin ka bixinaya faldanbiyeedyada Kufsiga ay xusay in “Kufsiyeda qaarkood ay geystaan dad tiradoodu gaadhayso 9 Qof ilaa 8 Qof arrntaas oo uu tilmaamay waxaan dhaqan u ahaan jirin dalkan Somaliland, isagoo Bulshadana ku waaniyay in ay ka wacyi galiyaan dhalinyarada ku kacaysaa falalkaa oo Dhaqanka iyo Diinteena midna ogo-shahay aan ahayn” ayuu yidhi Taliye Fadal.

 

Cabdilaahi Iimaan Fadal Hogaanka Guud ee Wacyi Galinta Ciidanka Booliska waxa uu sheegay in Sannadkan la Tuuray 21 Carruura ah oo 8 ka mid ahi dhinteen 13 kalena Boolisku Nolol ku heleen, kuwaas oo Hay’adaha ku shaqada leh gacanta ka galiyeen, sida Xarunta Agoomaha, iyo qaar dad ka faala qaadeen 13 Carruura ah. Laakiin Taliyuhu ma sheegin cid loo qabtay kiiskaa Tuurista Carruurta.

 

Warbixinta Booliska ayaa lagu sheegay in Sannadkan tirade dadka is Daldaley dhan tahay 15 Qof oo 10 ka mid ahi yihiin Ragg halka shanta kale tahay Haween, kuwaas oo Boolisku badbaadiyeen 2 Qof oo ka mid ah 13-tobankii kalana dhinteen.

 

Dhinaca iska horimaanyada ka dhasha rabshada ka dhasha muranka dhulka aya lagu sheegay Warbixintan Booliska in ay ku dhinteen 28 Qof 56 kalena ku dhaawacmeen.

 

Taliyaha Fadal waxa uu sheegay in Ciidanka Boolisku ay ka hawl-galaan shaqaaqooyinka dhulka, la dagaalanka Mukhaadaraadka sida, Khamriga, Xashiishada iyo Maandooriyayaal kale waxaanu xusay in dhibaato ay ka gaadho Ciidanka Booliska mararka qaarkoodna, sababta dhimasho iyo Dhaawac soo gaadha Askarta, waxaanu sheegay in Sannadkan ay laba Sarkaal iyo hal Askari kaga dhinteen shaqaaqooyinkaas oo kii Saldhiga Burco ugu dan beeyay ayuu yidhi Fadal tirade ka dhaawacmay Sannadkan Booliska 47 Askari ooh awl-galadaa ka soo gaadhay.

 

Faysal Maxamed Xasan

 

Reporter Harowo.com - Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dilalka ka dhacay Somaliland November 2009-kii ilaa Novbember 2010 waa 81 dil, waa ku dhintay 81, qof waxa la qabtay 64 gacan-ku-dhiigle, waxa baxsaday 17 gacan-ku-dhiigle.

Dilalka Sannadkan 2007 bdhacay oo tiradoodu tahay 83 Dil waxaana la qabtay 55 gacan ku dhiigle halka ay 26 gacan ku-dhiigle

Almost same

2009-kii November ilaa 2010 November, waxa dalka ka dhacay guud ahaan 18,343 kiis, waxa maxkamad la horgeeyay 5015 kiis, waxaa la xukumay 1788 kiis, waxa si gaaban lagu dhameeyey 8584 kiis, waxa beenowday ama caddaan waayay 3511 kiis, waxaana baaris ku jira 1223-kiis.

3-Nov-07 ee Sannadkasta ayay Ciidanka Booliska Somaliland ku soo bandhigeen tirade Guud ee dambiyada ka dhacay dalka Sannadkan lagu jiro kuwaas oo tiradoodu gaadhay 17601 kiis.

waxba ismay badalin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this