Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 26, 2007 Maamulka Gobolka Banaadir oo Xaflad Lagu xusuusto Ciidamadii Itoobiya ee ku geeriyooday Dagaaladii ka dhacay Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada dalka [ Yaahuu, cabsida ka muuqato dey ] [ Honouring their so-called fallen Xabashi soldiers in Xamar! ] [ Qashinkooda muusikadda u garaacaaye even keensadeen ] 24 Nofeembar, 2007 - Maamulka Gobolka banaadir ayaa xaflad lagu xusuusto Ciidamadii Itoobiyanka ahaa ee ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay Soomaaliya ku qabtay xaruntii shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay labo bilood ka hor. Xafladan oo abaal marino lagu guddoonsiiyay Saraakiishii dagaaladaas ka qeyb qaatay,xubno uu ka mid yahay Safiirka Yeman ee Soomaaliya ayaa ujeedada xafladaas waxay ahayd in xusuus gaar ah loo lahaado askartaas ka geeriyootay Itoobiyanka. Sarkaalka Itoobiyanka ugu dhaqdhaqaaqa Badan ee Jooga Soomaaliya Gabre wuxuu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la xusuusto geesiyaashii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee naftooda ku waayey halgankii lagu taageerayey xukuumadda Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay. Waxaa uu sheegay Gabre in ay askarta Itoobiya ka go’an tahay inay la dagaallaan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo caqabad ku ah nabadda Soomaaliya iyo tan Gobolkaba. Col. Gejon oo ka socday wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya, Asper Agaza, iyo madax kale oo ka kala socotay guddiga nabadgelyada qaranka iyo Gobolka Banaadir ayn ka mid ahaayeen kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir sida Dhagaxtuur, C/fatax Shaaweeye,C/llaahi Xasan Geney Firimbi Laakiin dad badan ayaa is weydiinayaan sababta keentay in Maamulka Gobolka Banaadir xusuusto askar Itoobiyan ah oo geeriyootay iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir marna uusan ka hadlin dadka faraha badan ee Ciidamada Itoobiya ku laayeen Magaalada Muqdisho. Xigasho ------------- I don't care about Xabashadda iyo waxee sameyanayaan because dal ayee xoog ku heystaanee, but kuwa Soomaali isku sheega, xil isku magaacabay meesha fadhiyo u sacabtumaayo la yaabanahay. Goormee xasuus iyo baroordiiq u sameyn doonaan maatida la xasuuqay, gumaaday, la laaye dadweynaha Soomaaliyeed? Wanfankuu...! Shuud. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Castro Posted November 26, 2007 Let's hope they have many more memorial gatherings like these before they leave. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted November 26, 2007 ^ . Indhihi baaba ka soo daadan rabaan. Duf ku baxa idim Alla. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 27, 2007 seen this maalin hore ,,,, was disgusted to even post such crap Quote Share this post Link to post Share on other sites