Jacaylbaro Posted October 27, 2007 Ciidammada Somaliland oo Markii u Horreysay Hawlgallo ka Fuliyey Gudaha Laascaanood Laascaanood (Jam)- Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool, ayaa markii u horreysay shalay subax galay gudaha magaalada Laascaanood, halkaas oo ay ka fuliyeen hawlgal ay ku bannaynayeen qaybo ka mid ah jidadka oo lagu gooyay dhagxaan iyo taayirro, kuwaasoo caqabad ku ahaa isku socodka gaadiidka iyo dadka ee magaalada dhexdeeda. Hawlgalka lagu furayey jidadka magaalada Laascaanood muddadii uu socday, ayaa kooxo dad ah oo u badan u badan haween iyo dhallinyaro ay mudaharaad ku sameeyeen cutubyo ka tirsan ciidammada Somaliland oo fulinayey hawlgalka lagu bannaynayey waddooyinka, haseyeeshee markii tacshiirado rasaas ah ciidammadu dulmariyeen ay kala yaaceen. Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Sool Xuseen, Taarwale oo weriyahaga Gobollada Bari Keyse Axmed Digaale khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay fiidkii isaga oo jooga magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in hawlgalka bannaynta jidadka ay ciidammadu ku guulaysteen, lana qaaday waxyaalihii lagu gooyay waddooyinka, waxaannu intaa ku daray in ciidammadu qabqabteen soddon qof oo ku sheegay kuwii rabashad walayaasha ahaa, waxa uu xusay Taliyuhu in markii ciidammadu dhammeeyeen hawlgalka ay dib ugu noqdeen goobahoodii, balse meelo ka mida jidadkii la baneeyay lagu soo celiyay dhagxaan iyo taayirro. Wararka imanaya Laascaanood qaarkood ayaa sheegay in hawlgalkii ciidamada Somaliland ku bannaynayeen waddooyinka magaalada ay ku dhaawacmeen laba qof oo ka mid ah dadweynaha reer Laascaanood, isla markaana lagu qabqabtay 30 qof, kuwaas oo dhammaantood loo qaaday dhinaca magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Galinkii dambe shalay xaaladda Laascaanood waxay ahayd mid degganayd, iyada oo hawlahii dhaqdhaqaaqa ganacsiguna caadi ku soo noqdeen, kadib iska-horimaadyo iyo rabshado magaalada ka dhacay gelinkii hore. Hawlgallada ciidammada Somaliland ka fuliyeen gudaha Laascaanood iyo rabshadaha ayaa ku soo beegmay xilli ay ku sugan yihiin magaalada wufuud ka kala socda xukuumadda, golayaasha qaranka masuuliyiinta Gobolka Sool ee dawladda Somaliland, kuwaasoo ujeeddadoodu socdaalkoodu salka ku hayso wax-ka-qabashada iyo dejinta xaaladda gobolkaas oo kacsanayd dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay, haseyeeshee waxay weftigaasi u muuqdaan kuwo aan weli kasban kalsoonidii shacabka ama aan isku aragti ka ahayn qaabka iyo habka loo marayo dib u soocelinta deganaashaha iyo xasilloonida Gobolka Sool. Waa markii u horreysay ee ciidammada Somaliland galaan gudaha magaalada Laascaanood tan iyo markii ay gacan-ku-haynteeda la wareegeen laba toddobaad ka hor, kadib dagaal culus oo ay kaga adkaadeen malleeshiyada Puntland oo maamulayey shantii sannadood ee la soo dhaafay. Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites