Sign in to follow this  
Meiji

Forcing people to demonstrate?

Recommended Posts

Meiji   

Banaanbax looga soo horjeeday Dowladda cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

 

Talaado, February 03, 2009(HOL): Banaanbaxyo looga horjeedo Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa maanta waxay ka dhaceen Degmada Marka iyo Deegaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, inkastoo banaanbaxaas ay ka qeybgalay dad la soo dirqiyay oo aan raali ahayn.

 

Banaanbaxyadan ayaa waxaa soo agaasimay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo gacanta ku haya Gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna dadka ka qeybgalay ay isugu jireen kuwo la dhacsanaa banaanbaxa iyo kuwo lagu amray in ay bannaanbaxa ka qeybgalaan.

Culumaa’udiin ka hadlay banaanbaxa ka dhacay Magaalada Marka ayaa sheegeen in ay ka soo horjeedaan Dowladda lagu soo dhisay Jibouti, waxayna sheegeen in aaney aqbali karin in dalka Soomaaliya ay ka taliso dowlad sida ay yiraahdeen aan dadka iyo dalka ku dhaqeynin Shareecada Islaamka.

 

Banaanbaxa ka dhacay Degmada Marka ayaa intii uu socday waxaa dhacday in ay qaar ka mid ah dadkii banaanbaxayay ay ku dhawaaqeen hal-ku-dhigyo ay ku taageerayeen madaxweynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo kadibna dadkii hal-ku-dhigyadaas ku dhawaaqay la kala eryay.

 

Banaanbaxa ka dhacay Deegaanka Aw-dheegle ayaa isna wuxuu ahaa mid ay dadka ku kala qeybsanaayeen, waxaana jiray dad si qasab ah banaanbaxa looga qeybgeliyay, kuwaasi oo sida muuqtaa aan rabin in ay ka qeybgalaan banaanbaxaas.

Degmooyin kale oo ka tirsan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa iyana waxaa laga soo sheegayaa in xoogagga gacanta ku haya oo hoos-taga dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay dhigaan banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan Dowladda cusub ee Soomaaliya.

 

Shalay ayay ahayd markii banaanbax looga soo horjeedo Dowladda cusub ee Soomaaliya uu ka dhacay Magaalada Baydhabo oo dhawaan gacan-ku-heynteeda ay la wareegeen xoogagga dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxayna culumaa’udiin ka hadlay banaanbaxaas ay sheegeen in aan dalka Soomaaliya lagu xukumi karin wax aan ahayn Shareecada Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this