General Duke Posted July 12, 2007 Muqdisho: Maamulka gobolka Banaadir oo maanta diyaariyay goob la dejinayo dad degan dhismayaal sharci daro ah 12. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, xubno ka tirsan maamulka gobolka iyo xubno ka socday shirkadda xawaalada Qaran ayaa maanta si wada jir ah ugu qeybgalay munaasabad lagu diyaarinayey dhul baxaad weyn oo loogu talagalay in la dejiyo dadka iminka degan goobaha sharci darada ah ee muhiimada u leh Qaranka, kuwo degan Tookyada Cabdalla iyo Cawareera iyo tokyada Howlwadaag, deegaano ka tirsan degmada Yaaqshiid iyo kuw degan dhismayaashii hore ee dowladda. Diyaarinta dhulkan oo ay gacan ka geysaneyso shirkadda Qaran Ex-Press oo maanta laga bilaabay qodista ceel biyood ayaa la filayaa in halkaasi ay deegaan u noqoto dadka degan goobaha istiraatiijiga ah. Afhayeenka gobolka Banaadir ahna aggaasimaha warfaafinta Gobolka Maxamed Muxiyaddiin ayaa warbaahinta u sheegay in sababta keentay qorshahani uu yahay baahi la xiriirta sidii ay dowladdu ugu gurman laheyd ama wax ugu qaban laheyd arrimaha nabadgelyada isagoo tusaale ahaan u soo qaatay hadii uu dab ka kaco obasiibooyinkaasi aysan geli Karin baabuurta dab damiska iyo kuwa gurmadka caafimaad sidaas daraateedna uu maamulka gobolka Banadir go’aansaday in la dejiyo dhulkaasi oo ku yaal deegaanka dharkinley oo horay u laheyd wasaaraddii xanaanada xoolaha,dhirta iyo daaqa. Qorshahan ayey dadka ku dhaqan gobolka Banaadir u arkeen inuu yahay mid horumar u ah bulshada oo ka dhabeynaya balan qaadyada maamulka ee ah wax u qabashada dadka ku dhaqan gobolka Banaadir. Dhinaca kale afhayeenku wuxuu kaloo sheegay in ay wax weyn ka qabaneyso arrimaha amaanka oo ay ciidamada dowladdu u sahlanaaneyso iney si dhaqsi ah ku galaan goobahaasi marka la hagaajiyo oo dhisi doono xarumo adeega bulshada sida xarumo caafimaad kuwo waxbarasho iyo xasiiyo nabadgelyo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites