Sign in to follow this  
xiinfaniin

Puntland Chamber of Commerce Plans to Export Livestock to Indonesia

Recommended Posts

Bosaso(AllPuntland)- Xarunta Rugta Ganacsiga ee Puntland ayaa wado qorshe ay ku doonayso in ay xoolo nool ugu dhoofiso dalka Indonesia, markii ay arrintaasi ka soo wada hadleen wafdi ka socda dawladda Puntland iyo Madaxda dawladda dalkaasi, oo ay isla soo qaadeen sida ay suuragal utahay iyo sida loogu baahan yahay Iskaashiga dhinacyadan.

 

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo safar ku tagay dalkaas ayaa la soo kulmay, dhigiisa dalkaas iyo ganacsatada xoolaha ee dalkaas, oo ay ka wada hadleen xaaladaha ganacsiga ee Puntland iyo Indonesia.

 

Si qoto dheer ayuu sheegay Gudoomiyaha rugta ganacsiga ee Puntland in ay uga wada hadleen, sidii xoolaha ka dhoofa dekeda magaalada Bosaso, loo geyn lahaa dalka Indonesia, isla markaasna ay xoolahaasi unoqon lahayeen kuwa balaariya ganacsiga labada dhinac.

 

Heshiis ka hadlaya Iskaashiga labada dhinac ayaa lafilayaa ugu dambeynta in qalinka lugu duugo, kaas oo horumarin doono ganacsiga Puntland, isla markaasna faa’iidooyin badan soo gali doona Suuqyada ganacsiga ee Puntland.

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa dadaal dheer ugalay sidii wax looga qaban lahaa ganacsiga Puntland, wuxuuna sidoo kale socdaalo kala gedisan ku tagay dalal badan oo uu kala hadlay horumarinta ganacsiga Puntland.

 

Mr, Maxamuud wuxuu cadeeyey in ay wadi doonaan dadaalkan, isagoo ugu baaqay dhamaanba Shirkadaha iyo dawladdaha doonaya maalgashiga dhaqaale in ay soo gaaraan Puntland oo ah meel nabadgalyo ka jirto.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this