Jacaylbaro Posted August 20, 2007 Hargeysa(Qaran)-Xaflad lagu xusayay Sanad-guuradii lixaad ee ka soo wareegtay Aaskii Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa caawa lagu qabtay Hotel-ka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Xafladaas waxa ka soo qeyb-galay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE mudane Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo],Shir-gudoonka Golaha Wakiilada, Somaliland, Wasiiro,Madaxa Siyaasada Ee Xisbiga UDUB,Xildhibaano, Ardayda Iyo Maamulka Jaamacadaha Hargeysa Iyo Camuud iyo Dadweyne aad u tiro badan oo ka mid ah xubnaha Iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID. Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng- Faysal Cali Waraabe oo Xafladaas ka hadlay ayaa yidhi “Walaalayaal waxa aan Anigu jeclahay meel dadkeenu aanay hadalka ka miisin in aan ka miiso,dadkeenu wixii taariikh iyo mustaqbal ah kama hadlaan ee waxa markaas taagan oo qudha ayay ka hadlaan ummaddu haddii aanay taariikhdeeda wax ka baran khalad badan ayay samaysaa,Talaabada ay ku socdaan haddii aanay ka faaloon oo aanay wax iska weydiina khalad kale ayay gashaa,waana waxa khaladkeenu u badan yahay”. Faysal Cali Waraabe isagoo ka hadlayay xiligii uu ku dhashay fikirka ah Inuu Xisbi Siyaasi ah Dalka kaga dhawaaqo waxa uu yidhi “Sanadkii 1992-kii ayay nagu dhalatay fikrada ah in aan xisbi abuurno,waxana ay ahayd markii khilaafkii u horeeyay ee SNM soo shaac baxay kaasi oo dadkeenu si weyn uga naxeen,oo xataa cadowgeenii ayaa u qaadan waayay,wada tashi iyo baadhis dheer ka dib ayaanu ku tashanay in aanu Siyaasada ka qeyb-galo si Somaliland u madax-banaanaato oo aan mar danbe dal kale lagu darin iyo in la helo sinaan oo cadaalad iyo diin lagu dhaqo wadankan”. Gudoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu ku adkaystay in Xisbigoodu uu ahaa bud-dhigihii Dimuqraadiyada Somaliland isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Ilaahay mahadii UCID waxa ay ku guulaysatay in aynu Axsaabtii furno oo iyadoo loo hamuun qabo shir beeleed la qabto oo Salaadiintii la badiyay,ayaanu soo afjarnay oo aanu ku dhawaaqnay Ururkii u horeeyay ee mucaarid ah,Sida aad la socotaan waa lagu dhici waayay Ilaahay ha u Naxariistee Cigaal[Madaxweynihii Hore Somaliland] oo nool waa lagu dhici waayay in Axsaab la furtto,Anaga [uCID] ayaa ku dhiiranay oo furnay oo ilaahay guushii naga siiyay kuwii ka soo horjeeday Doorashooyinka”. Eng- Faysal Cali isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa aad la socoteen in Ururkii UDUB la yidhi hadii aydaan kaga noqonin 45 Cisho gudahood wixii dhaca anagu kama masuul nihin waa tii Salaadiintii Somaliland Tuutaha loo galiyay waxana ay ahayd maalintii ay Somaliland ugu xumayd,maalintaas khilaafkii taagnaa dedaal ayaynu ka galay oo wuu dhamaaday”. Gudoomiyuhua UCID waxa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Ururkoodii uu ka mid noqday sadexdii Xisbi Qaran ee Dalka ka hirgalay “Waxa aanu ku guulaysanay inaanu Xisbinimo u soo baxno,Anagoo aan Tolaayeey odhan Qabyaalad qaawan iyo mid shareeran midna kuma aanu xisaabtamin,ilaahay iyo shacbiga Somaliland ayaa na soo saaray iyadoo Jaraa’idka qaar qorayeen soo bixi maayaan ayaanu soo baxnay,haddii alle yidhaahdo fajicisooyin dambana waanu soo wadnaa”.ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Gudoomiyaha UCID isagoo la kaftamayay Xisbiga UDUB ee Madaxweyne Rayaale Waxa uu yidhi “Waxa aan leeyahay qoladan Xisbiga UDUB saacadii way ka dhacday ee Barnaamijyadayada shacbiyoow dhegaysta,cudurkii dalka hayay xisbi ahaan waanu baadhnay oo waxa u horeysa Qaybyaalada iyo jaadka oo aynu six un u cuno,Musuqmaasaqiina wuu inagu fiday oo nin waliba halkii uu madaxda ka ahaa ayuu raamsaday”. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in haddii ay ku guulaystaan talada Wadanka in ay dhisi doonaan Dawlad midnimo Qaran oo loo wada dhan yahay,waxa kale oo uu intaas ku daray inay wax ka qaban doonaan dhinacyada Caafimaadka ,Waxbarashada iyo Dhaqaalaha isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa Dhalinyarada. Wasiirka Dib udejinta Somaliland Abshir Axmed Xasan oo Xafladaas ka hadlay ayaa difaacay siyaasada iyo hogaaminta Xukuumada Somaliland ee uu ka tirsan yahay “Runtii waxa jirta in Ardaydan Jaamacadaha ka qalin jabinaysa iyo horumarka Waxbarashadu samaynayso,may jirteen haddii aanay Nabadgelyo jirin shaki kuma jiro in aynaan gaadhneen halka aynu maanta marayno,haddii nidaam iyo xukuumadi jirina waxba inooma ay hirgaleen”ayuu yidhi Wasiirka Dib u dejintu. Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Xisbiyada Mucaaridka ah waxa laga rabaa in ay ummada u sheegaan in dalka halkaas la soo gaadhsiiyay ay ka sii wadayaan oo aan dib loogu noqonayn wixii la soo maray,waxase maalmahan soo bax-baxaya waxyaabo faro badan oo naxdin leh oo rag badani yidhaahdaan waxyaabo badan oo Shacbigu ka naxayo isla markaana la doonayo in dib loo celiyo ummadda”. “Nin kasta oo damac siyaasadeed ku jiraa waa inuu Dalka halkaas ka sii wadaa laakiin yaanay dhicin Maah-maahda Soomaaliga ah ee tidhaahdo cadyahow ku cunay ama ku ciideeyay waa ayaan daro taasi”ayuu yidhi Abshir Axmed Xasan. Wasiirku waxa uu Xisbiga UCID ku amaanay wax uu ku tilmaamay Mawqifyada Geesinimada leh ee ay qaataan marka ay dalka xaalado ka taagan yihiin,waxana uu ku hambalyeeyay Sanadguuradooda Lixaad. “Uma aynu soo halgamin in aynu fawdo samayno oo aynaan is xukumin oo wax walba hadii aan samaynayo yaan la I qabanin taas muu ahayn macnihii Halganku”ayuu intaas raaciyay Wasiirku. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] ayaa Xukuumada Somaliland ku eedeeyay inay ku guul-daraysatay inay dhalinyarada mustaqbalkooda ay meel ku tiiriso. “Haddii waxa inaga khaldan aynaan toosin inta goori-goor tahay, oo cidii tilmaanta in wax inaga khaldan yihiin,haddii la yidhaahdo khal-khal gelin ayaad wadaa oo xabsiga loo taxaabo waa mushkilad, dadka qaar ayaan loo ogolaan arrimaha qaarkood” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Haddii aynu doonayno inaynu madaxbanaanideena ilaashano,waa inaynu xaqa iyo garta u hiilinaa sidaas aynu cadaalada iyo daryeelka ku helaynaa,ku heli mayno cago-juglayn iyo Hantida Qaranka oo la booboo” “Xukuumada haddii dhaliilaheeda la sheego oo sharciga ku dhaqan la yidhaahdo ma ah ku jiqsiin ee waa toosin”ayuu intaas raaciyay axmed Siilaanyo. Waxana uu Xisbiga UCID ku hambalyeeyay lix sano guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay xisbigaasi. Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirku xigeenka Qorshaynta Axmed Xaashi Cabdi,Madaxa Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax,Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Gobolka Hargeysa Xasan Suldaan Cabdilaahi Suyldaan Diiriye iyo xubno kale Quote Share this post Link to post Share on other sites