Emperor Posted January 27, 2009 Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ku baaqay in la qabto shir dib u heshiisiineed oo la isugu keenayo qeybaha kala duwan ee Soomaalida. Posted: 1/25/2009 10:08:00 AM Shabelle: CASMARA Sheikh Xasan Daahir Aweys oo hogaamiya isbahaysiga dib u xoraynta garabka Casmara ayaa ku baaqay in la qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo la isugu keeno dhamaan qeybaha kala duwen ee bulshada Soomaaliyeed. Gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta garabka Casmara Sheekh Xasan Daahir Aweys oo waraysi dhinaca Taleefanka Siiyay Wabseedka Islaam Online isagoo ku sugan magaalada Casmara ee xarunta dalka Eretria ayaa sheegay in marka Askariga ugu dambeeyay ee shisheeye uu ka baxo Soomaalia ay ku baaqi doonaan Shir dib u heshiisiineed oo ay yeelan doonaan umadda Soomaaliyeed si ay ugu aransidaan doorasahada Barlaman ama gole Shuuro shida ay qabto Shareecada islaamka. Sheikh Xasan Daahir Aweys oo la weydiiyay su’aal aheeyd sida ay garabka Casmara u arkaan kadib markii ciidamada Ethiopia ay ka baxaan dalka Soomaaliya sida uu noqonayo mustaqbalka dalka ayuu sheegay in ay ku baaqayaan in soomaalidu garbaha ay is qabsadaan. Xasan Daahir ayaa tilmaamay in Ethiopia aysan wali ka dhamaanin dalka Soomaaliya hase ahaatee ay ka baxeen Magaalada Muqdisho walina ay ku suganyihiin qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya. Mar sidoo kale la weydiiyay sheekha qilaafka u dhaxeeya iyaga iyo garabka uu hogaamiyu sheikh Shariif Sheekh Axmed ayuu sheegay in garabkaasi ay ka weecdeen aragtidii isbahaysiga markii hore loo aas aasay sidaa dareedna aysan jirin wax ay kala hadlaan. Sheekh Aweys ayaa la weydiiyay in ay ka qeyb galayaan qorshaha lagu doonayo in dowladda midnimo qaran leh oo loogu soo dhiso Soomaaliya magaalada jabuuti,ayuu xusay in dowladaasi ay soo abaabushay dowladda Ethiopia iyaguna aysan ka qeyb qaadan doonin. Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ayuu sheegay in uu fakar ahaan u raacsanyahay xoogaga muqaawamada ee la dagaalamaya isagoo sheegay in ay yihiin kuwa taageeraya dowlad cilmaani ah oo daba ****** u ah ciidamada Ethiopia sida uu hadalka u dhigay. Mar uu ka hadlay sheekha dagaalkii ka dhacay degmada guriceel ee u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljmaaca ayuu sheegay in dagaalkaasi uu u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo kooxo uu ku sheegay in ay dadka dhibaato ku hayeen. Ugu dambayntii ayaa mar la weydiiyay xiliga ay dalka dib ugu soo laabanayaan ayaa waxaa uu sheegay in ay dalka imaanayaan xiliga uu hagaago ammaankiisa islamarkaana laga saaro waxaa uu ugu yeeray gumaysiga kaabaya dowladda cilmaani ah. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageyso wararka 8:00-Subaxnimo maalin walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka. Shabelle Media Network - Source of Somalia News Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 27, 2009 Apparently the good Sheikh is not aware that there is one going on currently in Djibouti. Who agrees with the old man? I bet Oodwayne does and few other secessionists, go on Odwayne tell us why and present your case Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted January 27, 2009 The difference is that we are interested in restoring the Somali state either by A/Y or Sh. Sharif or even a someone from the North West and you on the other hand are stuck in dismembering Somalia not to mention in wearing clansih glasses that make your analysis emotional and worthless. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garyaqaan2 Posted January 27, 2009 ^^^^ lol glasses that make your analysis emotional and worthless. Just add long paragraph that are meaningless I would not but it better then that. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted January 27, 2009 Now lets show some respect to our grown-ups like Oodka. No need for this. Quote Share this post Link to post Share on other sites