Sign in to follow this  
General Duke

Somali leaders Eid comments to the nation

Recommended Posts

Saddexda mas'uul ee ugu saraysa DFS oo hambalyo u dirtay ummadda Soomaaliyeed

 

 

Mas'uuliyiinta ugu sarsarraysa Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa salaan hambalyo ah u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyagoo u rajeeyey ciid wanaagsan iyo mustaqbal ifaya.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen iyo guddoomiyaha baarlamanka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa meelo kala duwan si isku mid ah dadka Soomaaliyeed u rajeeyey nabad iyo nolol wanaagsan.

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo haatan safar ku jooga magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey bash-bash iyo barwaaqo in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan, waxana uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay haystaan fursad ay wakhtigooda kaga faa'iideysan karayaan.

 

Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Baarlamanka oo salaaddii Ciidda dadweynaha kula tukadey magaalada Baydhabo ayaa shacbiga Soomaaliyeed u rajeeyey in ay nabad ku waaraan waxana uu xusay in dad badan iyo meelo badan oo Soomaaliya kamid ah ay dhibaatooyin ka jiraan.

 

Sidoo kale, ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen, (Nuur Cadde) ayaa munaasabadda ciidda awgeed dadweynaha Soomaaliyeed habalyo oo ku soo beegay Ciidda Adxa u diray.

 

Maxamuud Faarax Bile

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabadii ciidul Adxa

Last Updated::2007-12-19 16:16:34

 

Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland Maxamud Muse Xirsi "Gen Cade " oo maanta markii u horaysay bulshada gobolka Karkaar kala qayb galay tukashada salaadii ciida Al -adxa ee maanta si weyn u ga dhacay degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa ka hor inta aan la tukan saladii ---

ayaa khudbad uu madaxweyne Cade halkaas uga soo jeediyay kumanaal kii qof ee ka qayb qaadanaysay tukashada salaada waxaa uu kaga hadlay dhinacyo badan .

 

Waxaa madaxweynuhu ugu horaytnii sheegay in qorshaha safarkiisu uu la xiriiro uu kuur galida xaalada amaanka ee gobolada iyo sidii loo xoojin lahaa nabad gelyada ,waxana uu ku booriyay shacabka gobolka Karkaar in ay maamulka kala shaqeeyaan dadaalka uu ugu jira adkaynta nabad gelyada isla markana meel looga soo wada jeen sado cidkasta oo wada falal ka dhan ah xasiloonida Puntland

 

Madaxweynahaha waxaa uu sheegay inuu dhowaan dib uhayn ku sameeyay golaha wasiirada ayna jiray tagri fal la sameeyay ,madaxweynuhu wax faah faan ah kama bixin cida uu ku eedaynayo in ay sameeysay tagri falkan ,waxana uu rajeeyay in dib uhabayntani ay la iman doonto natiijo wanaagsan

 

Mar madaxweynuhu uu ka hadlayay suxufigii faransiiska ee afduubka loogu haysto Puntland waxaa uu sheegay in suxufigani uu dambiile ka yahay Puntland isla markana uu ku lug leeyahay arrimaha tahriibta ee ka jirta Puntland uuna xiriir la leeyahay kooxaha wax tahriibiya balse ay iyagu markii dame isku rogeen oo qafaasheen . waxana uu sheegay in dadka qafaashay suxufigan danta ay ka leeyihiin ay tahay in Puntland lagu tilmaamo meel dadka lagu qafaasho .

 

Madaxweynaha waxa uu ka hadlay gobolka Sool isaga oo carrabka ku adkeeyay in Puntland ay si dhaqso ah ula wareegi doonto gobolkas ,waxana uu sheegay in duulanka lagu qaaday Sool lagu doonayay in lagu kala dhan taalo dadaalada ay Puntland ugu jirto sidii ay dhaqan gelin lahayd heshiisyadii horumarineed ee la gashay shirkadaha ajnabegi ah .waxana uu sheegay in heshiiyadii ay sidoodi u taagan yihiin aysan waxba iska bedelin .

 

 

Waxa madaxweynaha Puntland uu sheegay in la dhaqan gelin doono furitaanka axsaabta siyaasadee isaga oo carrabka ku adkeeyay in xilliga ay dhamaato mudada doorashada madaxtinimadiisa aan maalin lagu dari doonin balse uu 8-Jan (2009) markalena u tartami doono murshaxnimada madaxtinimada Puntland ,isaga oo sheegay in hadii doorashada uusan ku guulaysan uu qanaaco wanaagsan muujinayo

 

 

Faysal wakaalad

wakaalad@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Originally posted by General Duke:

 

Waxa madaxweynaha Puntland uu sheegay in la dhaqan gelin doono furitaanka axsaabta siyaasadee isaga oo carrabka ku adkeeyay in xilliga ay dhamaato mudada doorashada madaxtinimadiisa aan maalin lagu dari doonin balse uu 8-Jan (2009) markalena u tartami doono murshaxnimada madaxtinimada Puntland ,isaga oo sheegay in hadii doorashada uusan ku guulaysan uu qanaaco wanaagsan muujinayo

 

 

Faysal wakaalad

Warkaa ma la hubaa? Audio plz? Any1?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this