Sign in to follow this  
Dhuujiye

Ururka Xisbul Islaam oo ka jawaabay baaqii xabad-joojinta ahaa ee uu jeediyay Madaxwe

Recommended Posts

Dhuujiye   

Axad, August 23, 2009(HOL): Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah kooxaha dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ahaa in la joojiyo xabbada, lana furo wada hadallo.

 

Afhayeenka Ururkan Shiikh Xasan Mahdi oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inaysan jirin wada hadallo uu ururkoodu la galayo DFKMG ah inta ay dalka ku sugan yihiin ciidamada shisheeye ee AMISOM.

 

"Ma aqbalayno hadalkii Shiikh Shariif ee ahaa in la wada hadlo, waayo dalka waxaa ku sugan ciidamo shisheeye oo aan la dagaalsan nahay, waxaana xalka u aragnaa in wada hadalka laga hormariyo inuu ciidankaas baxo" ayuu yiri Shiikh Xasan Mahdi.

 

Shiikh Xasan Mahdi waxaa uu sheegay in dagaalka ay sii wadayaan, isagoo xusay in mas'uuliyadda khasaaraha ka dhashay ay qaadayso dowladda Shiikh Shariif iyo ciidamada AMISOM ee ay gacanta ka helayaan.

 

"Innagu wax lug ah kuma lihin khasaaraha shacabka gaaraya, haddii aan qayb ka nahayna waxaa laga doonayaa inay shacabku ka hadlaan" ayuu yiri Shiikh Xasan Mahdi oo ka jawaabayay su'aal ahayd inay qayb ku leeyihiin mas'uuliyadda dadka ku waxyeellooba dagaallada socda.

 

Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maalintii koowaad ee Ramadaan oo shalay ahayd ka dalbaday kooxaha kasoo horjeeda inay dagaalka joojiyaan, ayna ku badalaan wada hadal, si looga gudbo xabbad la rido iyo dhiig la daadiyo.

 

Ururka Xisbul Islaam ayaa isna dhankiisa horay ugu baaqay uu dagaallada xoojinayo bisha barakeysan ee Ramadaan awgeed, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay ay sheegeen in ay beegsan doonaan xarumaha Dowladda iyo kuwa Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

Even the christen armies who took part in the 1st world war observed silence on christmas and even played football together.

 

So what the hell is wrong with these people. Ramadan, no war...its a holy month. Foreign forces, so what you have foreign forces pakistanies,chechens , whites etc.

 

At least these forces are african.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this