Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Warlord Sharif Ahmed with AMISOM guns kills more than 15

Recommended Posts

Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah oo galabta lagu garaacay Xaafado ka mid ah degmooyin badan oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

 

Posted: 2/10/2010 3:56:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

 

Inkabadan 10 qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen madaafiic galabta ku dhacday degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir.

 

Madaafiicda oo intooda badan ku dhacday wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay saameysay inta badan ganacsigii ka jiray Suuqa Bakaaraha oo ay madaafiic qasaare geysatay ay ku dhaceen.

 

Todobo qofood ayaa ku dhimatay in ka badan 8 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii madaafiic is xig xigtay ay ku dhaceen qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha sida uu Shabelle u sheegay mid ka mid ah dad iyagu ku sugnaa agagaarka goobta ay madaafiicdu ku dhaceen.

Sidoo kale mid ka mid ah madaafiicdii ku dhaceysay wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in uu ku hubsaday gaadiid BL- ah oo taagnaa isgoyska Bakaaraha halkaasi oo la sheegay in ay ku geeriyootay qof haweenay ah qasaare kalana uu ka dhashay.

 

Madaafiic kala oo aad u fara badan ayaa iyana waxaa ay ku dhaceen isgoyska Janaral Daa’uud kuwaasi oo ay ku dhaawacmeen ilaa sedax qofood waxaana madaafiic kale ay ku dhaceen Xaafado ka mid ah degmooyinka Hodon, Howlwadaag,Wardhiigley Huriwaa, Yaaqshiid, Shibis, Boondheere iyo qeybo ka mid ah degmooyinka C/casiis iyo Kaaraan kuwaasoo iyana aan la ogeyn qasaaraha ay gaysteen.

 

Macadda qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicda galabta ku dhacday degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir iyadoo wali si dhab ah aysan u cadeyn waxyaabaha dhaliyay madaafiicda galabta ku dhacday degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir iyadoona maalmihii u dambeeyay ay jireen abaabulo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay samaynayeen dhinacyada isaga soo horjeeda magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya duqeymo xoogan oo saf ballaaran ay ka bilaabatay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ku hoobanayay xaafado badan waxaana duqeymahan ay yihiin kuwo culus.

 

Madaafiicda loo yaqaan BM-ka ayaa ku hoobanaya degmooyinka Dayniile, Hodan, H/wadaag, Yaaqshiid iyo Huriwaa, waxaana duqeyntan ay tahay tii u horeysay ee si isku mid ah u saameysay degmooyin badan.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaafiicda oo ahaa kuwa nus darsan hal mar uga dhacayay Qoriga BM-ka ayaa waxay ku dhaceen Suuqa Bakaaraha oo ah halka dad fara badan isugu tagaan oo ay ka ganacsadaan.

 

Lama oga qasaaraha rasmiga ee ay geysteen duqeymahaas, waxaase wararka horu dhaca ay tilmaamayaan inuu jiro qasaare soo gaaray shacabka oo madaafiicda ay ugu tageen goobahooda.

 

Duqeymahan ayaa muujineysa xiisadaha dagaal iyo isu hub uruursiga ka jira magaalada Muqdisho, kaasoo dhinacyada isku haaya ay maalmahan si xoogan u wadeen, waxaana dadka Muqdisho hadal hayaan dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo dagaalka loo madlan yahay.

 

La soco wixii ku soo kordha

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

qasaaraha ka dhashay duqeeyntii galabta.

 

iyadoo maanta duqeeyn xoog leh loo geeystay qaar ka mid ah degmoyinka gobolka Banaadir ayaa waxa isa soo taraya qasaraha dadka rayid ah ay u geeysteen duqeeyntii galabta oo lala bartilmaameedsaday qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

wararka laga helyo saraakiisha Gawaarida gurmadka deg dega ah ee galabta qaaday dhaawacyada dadka madaafiic ay waxyeeleysay iyo dad ku nool goobaha madaafiicda lagu garacay ayaa sheegaya i duqeeynta ay geeystay dhimshada ku dhowaad 15 ruux iyo dhaawaca in ka badan 40 ruux oo ahaa dad rayid ah.

 

 

maaafiicda oo ahaayd nooca BM-ka looyqaano oo si daran doori ah u dhaceeysay ayaa la tilmamay in laga soo tuurayey Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya iyo xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ciidamada AMISOM , waxaana madaafiicda ay jawaab u ahayd hobiyaal ay tuureen kooxaha Mucaardaka.

 

Deymooyinka madaafiicda ay ku dhaceen galabta ayaa waxaa ka mid ahaa degmooyinka Dayniile, Hodan, H/wadaag, Yaaqshiid iyo Huriwaa hasa haatee inta badan madaafiicda galabta ayaa waxa ku dhaceen wadada Wadnaha iyo gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha, waxaana duqeyntan ay tahay tii u horeysay ee si isku mid ah u saameysay degmooyin badan,

 

 

Duqeymahan ayaa muujineysa xiisadaha dagaal iyo isu hub uruursiga ka jira magaalada Muqdisho, kaasoo dhinacyada isku haaya ay maalmahan si xoogan u wadeen, waxaana dadka Muqdisho hadal hayaan dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo dagaalka loo madlan yahay

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho; 15 qof oo ku dhimatay duqeyn Muqdisho ka dhacday

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa galabta magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah loo geystay duqeymo xoogan oo khasaare ka dhashay, kuwaasi oo saameyn ballaaran ku yeeshay dad rayid ah.

 

wararka laga helayo goobaha caafimaadka ayaa sheegaya in duqeeynta ay geysatay dhimashada 15 qof iyo dhaawaca in ka badan 40 qof oo rayid ah sida ay xaqiijiyeen dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka.

 

Duqeymahan oo labada dhinac ee isku haaya Muqdisho is weydaarsanayeen ayaa dhawaaqooda laga maqlayey guud ahaan magaalada Muqdisho, waxaana goobaha ugu badan ee madaafiicdaasi ku habsanayeen ka mid ahaa Dayniile, Hodan, H/wadaag, Yaaqshiid iyo Huriwaa oo dadka qaarkiis ay ka barakaceen.

 

marka duqeymahaasi laga soo tago ayaa waxaa jiro cabsi dagaal oo laga baqayo in Muqdisho uu ka dhaco dagaalkii ugu xumaa inta la og yahay.mana jiraan qof mas´uul ah oo ka hadashay dhibaatada maanta Muqdisho ka dhacday.

 

Cali Muxiyaddiin

AllPuntland News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this