Jacaylbaro Posted April 2, 2008 Wafti heer wasiir ah oo uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Axmed Yaasiin oo uu ka mid yahay siyaasiga weyn ee ka soo jeeda gobolka Sool mudane Axmed Cabdi Xaabsade ayaa la filayaa inay maalmaha inagu soo aadan soo gaadhaan goblada Sool,Sanaag,Togdheer,iyo Buuhoodle. Waftigaas oo ay weheliyaan odayaal iyo waxgarad badan oo ka soo jeeda gobalada bariga Somaliland ayaa waxay u socdaan sidii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu naafeeyeen ee ku dhaqan deegaanadaas,iyo weliba u kuurgelida arimaha nabadgelyo iyo horumarineed ee goboladaas. Waftiga ayaa waxay hada ku sugan yihiin gobolka Saaxil oo isna ay abaaro ba'ani ka dhaceen,iyagoo u sii gudbi doona dhinaca Togdheer iyo Sool,kadibna gaadhi doona gobolka Sanaag oo abaaro kululi ka jiraan. Waftiga ayaa waxay kulamo kala duwan la qaateen cuqaal iyo waxgaradka gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,iyagoo ka wada tashaday sida ugu haboon ee abaaraha loo wajahi karo iyo guud ahaanba qaabka goboladaas loo dardar gelin karo hawlaha bulshada oo aad uga liita gobolada kale ee Somaliland. Waftiga ayaa la filayaa inay soo maraan degmada Yagoori si ay u dhameeyaan hawlaha dib u habaynta ciidamada deegaankaas,inta aanay u soo gudbin Laascaanood,oo hada la wado diyaar garowga waftigaas. Waftigaas ayaa waxa la filayaa inay ka mid noqon doonaan wasiiro ka soo jeeda gobolada bariga sida Fu'aad Aadan Cade,Casoowe,iyo Casayr iyo Xaabsade. Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ayaa waxa uu madax ka yahay gudi loo bixiyey gudiga horumarinta gobolada bariga Somaliland,khaas ahaan gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,kuwaas oo dhaqaalo fara badan loo ururiyey,oo shaqaalaha dawlada iyo jaaliyadaha dibaduba ay ka qayb qaateen,lacagahaas oo uu gacanta ku hayo Axmed Yaasiin ayaa la filayaa inay safarkani yahay kii ugu horeeyey ee arimaha bulshada ee goboladaas lagu dhaqaajin lahaa. wararka waftigaas oo dhamaystiran ha fogaan Afnugaal.com Afnugaal News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted April 2, 2008 odayga la taliya, he will have to escape to ceerigaabo like the secessionist before him, wey daqadey bu koleyba la imaan laha ee. Quote Share this post Link to post Share on other sites