Sign in to follow this  
General Duke

After 16 years Mogadishu's veins and arteries are working:

Recommended Posts

After 16 years Mogadishu’s arteries and veins are being unblocked. This is a victory for the Somali people everywhere and will insha Allah lead to the capital regaining ist status.

 

Mohamed Dheere his admin and the locals should be commended for the hard work they are doing.

 

Muqdisho: Maamulka Gobolka Banaadir oo ku guuleystay inuu dib u furo Waddooyin 16-kii sano xernaa iyo burburinta dhul sharci daro u dhisnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho(AllPuntland)- Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa xil iska saaray sidii loo baneyn lahaa waddooyinka sida sharci darada u xernaa iyadoo mudadii lix iyo tobankii sano ee la soo dhaafay qaarkood aan wax gaadiid ah marin.

 

Bilicdii magaalada ay lahaan jirtay ayaa dib u soo noolaatay iyadoo waddooyinka guud ahaan la baneenay walow ay magaalada ka socoto howlo lagu nadiifinayo wadooyinka qashinka daadsanaa iyo carada roobka keenay, waxaana howshaas si iskaa wax u qabso ah ugu howlan haweenka gobolka Banaadir iyo gaadiidka waaweyn oo guddiga gaadiidleyda ay ku tabaruceen maamulka gobolka Banaadir.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Max’ed Dheere ayaa inta badan maalintii socod aan kala go laheyn ku mara wadooyinka iyo suuqyada la burburiyay iyo xaafaddaha magaalada Muqdisho isagoo dadka ku amraya in la burburiyo dhismayaasha wadooyinka lagu dhex dhisay.

 

Arinta ugu muhiimsan ee in la xuso mudan ayaa ah Boqolaal Haween Soomaaliyeed oo u istaagay dib u soo celin bilicdii magaalada Muqdisho iyagoo aan wax dhaqaale ah lagu siineyn, waxayna 12-ka saac ee maalinimo ku jiraan nadiifinta wadooyinka Muqdisho.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howlihi Nadaafadda Mag. Muqdisho Oo Si Xowli Ah U Socda

Muqdisho(Calanka.com) 20-May-2007

 

Howlihii nadaafadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ey u soconayaan si xowli ah, waxaana iminka ey ku fideen howlahan nadaafadeed guud ahaan caasimadda Muqdisho oo laga dareemayo.

 

Bilicda iyo nadaafadda ayaa iminka u muuqata in ey kusoo laabatay caasimadda Muqdisho iyadoo ey sidoo kale iyana si habsami leh u socdaan howlihii burburinta sandaqadaha iyo bushashka magaalada Muqdisho.

 

Waxaa sidoo kale laga bilaabay qeybo ka tirsan xaafadaha Muqdisho diiwaan gali guryaha ah kuwaasoo lagu qorayo nambaro ukala qeybsan sadex nooc oo ka ah Guduud, Cagaar iyo Madow.

 

Guryaha nambarada Guduudka lagu dhigayo ayaa iyagu ah kuwa ganacsiga sida dukaamada iwm halka kuwa cagaarka iyo madowga lagu dhigayo guryaha caadiga ah ee la daganyahay.

 

Waxaa sidoo kale lagu amray cidkasta oo dagan magaalada Muqdisho in ey guryohooda ka hor qaadaan waxkasta oo wadada xiraya ama yareynaya sida dhagxaan guryaha hor taala ama qashin iwm.

 

Jawiga caasimadda ayaa si aad ah uga badalmay kii lagu yaqaanay mudadii 16-kii sano, waxaana shacabka Muqdisho soo dhaweeyeen howsha nadaafadeed oo ey dowladdu siisay mudnaanta koowaad.

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

nadafad.jpg

Howlihi Nadaafadda Mag. Muqdisho Oo Si Xowli Ah U Socda

Muqdisho(Calanka.com) 20-May-2007

 

Howlihii nadaafadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ey u soconayaan si xowli ah, waxaana iminka ey ku fideen howlahan nadaafadeed guud ahaan caasimadda Muqdisho oo laga dareemayo.

 

Bilicda iyo nadaafadda ayaa iminka u muuqata in ey kusoo laabatay caasimadda Muqdisho iyadoo ey sidoo kale iyana si habsami leh u socdaan howlihii burburinta sandaqadaha iyo bushashka magaalada Muqdisho.

 

Waxaa sidoo kale laga bilaabay qeybo ka tirsan xaafadaha Muqdisho diiwaan gali guryaha ah kuwaasoo lagu qorayo nambaro ukala qeybsan sadex nooc oo ka ah Guduud, Cagaar iyo Madow.

 

Guryaha nambarada Guduudka lagu dhigayo ayaa iyagu ah kuwa ganacsiga sida dukaamada iwm halka kuwa cagaarka iyo madowga lagu dhigayo guryaha caadiga ah ee la daganyahay.

 

Waxaa sidoo kale lagu amray cidkasta oo dagan magaalada Muqdisho in ey guryohooda ka hor qaadaan waxkasta oo wadada xiraya ama yareynaya sida dhagxaan guryaha hor taala ama qashin iwm.

 

Jawiga caasimadda ayaa si aad ah uga badalmay kii lagu yaqaanay mudadii 16-kii sano, waxaana shacabka Muqdisho soo dhaweeyeen howsha nadaafadeed oo ey dowladdu siisay mudnaanta koowaad.

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Disaster in Somalia

The situation in the troubled East African nation hardly seemed like it could get any worse. But it has.

 

 

By Rod Nordland

Newsweek

Updated: 7:25 p.m. ET May 18, 2007

 

May 18, 2007 - How bad is it in Somalia? Bad enough that people fleeing the capital have been reduced to renting trees for shelter. It's the sort of thing that happens when drug-addled warlords roam the countryside, imposing taxes of 50 percent on aid recipients. And the sort of thing to be expected of a government whose prime minister, Ali Mohamad Gedi, has publicly accused the United Nations agency feeding the country of spreading cholera along with food deliveries. And that's the internationally recognized government, which enjoys U.S. support, although it is widely unpopular in southern Somalia and the capital, Mogadishu. That's not surprising, since the prime minister is from a clan that's hostile to the clan that dominates the capital, and the president, Abdulahi Yusuf, is from Puntland, in northern Somalia, a breakaway region that is best known as the homeland of Somalia's pirates, who once again are on the prowl, bedeviling aid shipments even further. "Is there actually any hope for the future in Somalia?" said the World Food Program's Somalia country director, Peter Goossens. "I don't know."

 

Sixteen years after the established government fell in Somalia, the East African nation just lurches from one disaster to another, some man-made, some natural, each one deepening the humanitarian crisis. Last year marked more than six years of a record-breaking drought, followed by renewed fighting as the Islamic Courts Union sought to oust feuding clan warlords, which they did, establishing a semblance of order in the unruly capital and most of the country for the first time in a decade and a half. Then the drought ended—only to be replaced by devastating floods, cutting off much of the population from aid deliveries. And by the end of 2006, warfare resumed, with Ethiopia, encouraged by the United States, invading Somalia to oust the Islamic Courts, which were a little too pro-Al Qaeda for U.S. tastes, and prop up the Transitional Federal Government (TFG), an amalgamation of former warlords with little popular support in Somalia, but recognized internationally. Faced with Ethiopian tanks and warplanes, the ICU quickly collapsed and for the first time, the TFG took up office in the capital.

 

This year promises to be no better, and probably still worse. The Courts fought back, particularly in Mogadishu, and the Ethiopians cracked down, killing 2,000 people in the capital (population about 1 million), and sending 365,000 residents fleeing into the countryside; 190,000 of them fled in April alone. It was the biggest exodus from the city in 16 years of conflict, and many thousands more were displaced within, unable to flee or get to their homes. For the first time, residents in Mogadishu had to turn to aid agencies for food aid—something previously only needed in the countryside. There it's even worse, with renewed flooding in this year's rainy season; presently World Food Program food supplies are only reaching 40 to 50 percent of people, and a fifth of those who fled the capital are completely without aid, according to WFP Somalia Country Director Peter Goossens.

 

Read the rest here

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Okay good thing that those peeps (mostly ladies) are cleaning up, however I doubt that they would make any difference. It makes good picture though.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Why would they not make a difference.

1. The roads which have been closed for 16 years are open now.

2. The gun market has been closed down.

3. The security of the capital has changed for the better ..

 

The newsweek article is just rehashing some past history. The war has ended and Mogadishu is going the route of Jowhar, total peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wareegto Kasoo Baxday Xafiiska Gud. G/Banaadir

Muqdisho(Calanka.com) 20-May-2007

 

Wareegto kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho kuna wajahan shacabka reer Muqdisho ayaa lagu sheegay cidii u hogaansami weysa lagu ganaaxi doono lacag fara badan.

 

Wareegtadan oo qeyb ka ah bilicda caasimadda ayaa waxaa lagu sheegay in guri kasta cida dagan ey jarto geedaha ka hor baxay mudadii 16-sano ee dowlad la`aanta isagoo si qaas ah ugu tilmaamay wareegtadan gudoomiyaha geedka loo yaqaan geed Yuhuudka oo isagu ah geed sun ah loona baahan yahay in la cirib jaro.

 

Waxaa sidoo kale ku xusan wareegtadan cid ala cidii gurigoodu dhagax ama ciid u hortaalo laga wareejiyo si eysan u xanibin wadada iyadoo si gaar ah farta loogu fiiqay dadka dagan guryaha saaran laamiyada oo qaarkood laga hor suray biro ama wax yaalo kale laguna bixiyaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

Wareegtadan maanta uusoo saaray mudane Maxamed Dheere ayaa kusoo beegantay xilli uu maanta shir jaraaid ku qabtay xaruntiisa taasoo uu ugu hadlay isku day dil oo sida uu sheegay lala damacsanaa isaga iyo masuuliyiin kale.

 

Masuulkaan ayaa sheegay in ilaaladiisu ey dileen ruuxii geystay falka qaraxa ee lala beegsaday kolonyadooda kaasoo saarnaa geed korkiisa isagoo ku eedeeyay in ey ka danbeeyaan falkan kooxihii Maxkamadaha ey ka awooda roonaadeen.

 

Gudoomiyaha ayaa yiri "Cadowgu waa gabogabo, dhameystirkiisa ayaana ku guda jirnaa hadeer, waxyar ayaana dhiman oo falal burcadnimo ka geysta suuqa Bakaaraha" wuxuuna intaa raaciyay masuulkan in ey dowladdu la wareegeyso gurigii maanta ey ka hor qaraxday bombka ee lala damacsanaa kolanyaduu la socday.

 

Amaanka guud ee caasimadda ayaa ah mid aad u dagan una kala socdaan howlaha sidooda, waxaana marmarka qaar ka dhaca sida suuqa bakaaraha iyo nawaaxigiisa falal qaarijin ah oo ey geysanayaan kooxo soo xirta dharka ciidamada DF, kuwaasoo ey musuuliyiinka gobolka banaadir ey iminka ku howlan yihiin sidii ey wax uga qaban lahaayeen.

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa sidoo kale laga bilaabay qeybo ka tirsan xaafadaha Muqdisho diiwaan gali guryaha ah kuwaasoo lagu qorayo nambaro ukala qeybsan sadex nooc oo ka ah Guduud, Cagaar iyo Madow.

 

Guryaha nambarada Guduudka lagu dhigayo ayaa iyagu ah kuwa ganacsiga sida dukaamada iwm halka kuwa cagaarka iyo madowga lagu dhigayo guryaha caadiga ah ee la daganyahay.

 

Waxaa sidoo kale lagu amray cidkasta oo dagan magaalada Muqdisho in ey guryohooda ka hor qaadaan waxkasta oo wadada xiraya ama yareynaya sida dhagxaan guryaha hor taala ama qashin iwm

Its the Jowhar scenario all over again. Well done Mr Dheere ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howlihii bur-burrinta suuqyada iyo waddooyinka Muqdisho oo weli si habsami leh u socda

 

 

Magaalada Muqdisho ayaa haatan u muuqata mid dib ugu soo noqotay quruxdii iyo bilicdii lagu yiqiinay ka hor 1990kii, iyadoo waddooyinka iyo jidadka mara suuqyadaba ay yihiin haatan kuwo sidoodii hore dib ugu soo noqday.

 

Waxaa gebi ahaanba dhulka la dhigay guud ahaan intii badneyd ee ku yiilay suuqyada magaalada Muqdisho sida Suuqa Bakaaraha, Waddaa km4, Xararyaale, Siinaay, suuqii Sanca, Suuqa Kaaraan, Maanabooliyo iyo waddada Bayxaani ilaa Fagax, iyadoo sidoo kalena maanta loo gudbay suuqa weyn ee xoolaha ee Heliwaa.

 

Gebi ahaanba waxaa la bur-burriyay sandaqadihii ka sameysnaa dhismayaashaasi oo ay ku jiraan kuwo dhagax ahaa, kuwo laamiyeeri ahaa iyo kuwo miisas ah intaba, waxaana sidoo kale la bur-burriyay dhismayaal u muuqda kuwo intii loogu talo galay ka soo hormariyay ee jidka gudaha u soo galay.

 

Qaar ka mid ah dadkii howshaasi ka dhago adeygay ayaa qaarkood xabsiga loo taxaabay, waxaana haatan socda kala huf iyo kala haadin lagu sameynayo dhismooyinka sharci darrada ah oo ay ku howlan yihiin haatan ciidamada militariga iyo kuwa booliiska, inkastoo labadii maalmood ee ugu dambeysay si gooni gooni ah loogu dilay qaar ka mid ah ciidamadaasi suuqa Bakaaraha.

 

Muuse Maxamuud Jiisow

AllSomali.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka gobolka Banaadir oo calaameeyay goobo cusub oo si sharci daro ku dhisanaa mudo dhan 16-sano ah.

May-23-2007-HornAfrik, Mogadishu

 

Xili qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay wali ka soconayaa burburinat dhismooyinka sharci darada ah ayaa Maamulka banaadir waxaa uu bilaabay calaamadeynta dhismayaal sharci daro ah oo kuyaala wadada wadnaha ee Magaalada muqdisho.

 

Wadada wadnaha ayaa Maanta waxaa lagu arkayey Ciidamo koox koox ah oo isagu jira boolis milatari iyo qaar kale oo katirsan Ciidanka ilaalinta deegaanka xamar.

 

Waxaa kale oo maanta Ciidamada dowladda fadaraalka soomaaliya ay calaamadeyntasi ka wadeen isgoyska Bakaaraha KPP iyo waliba kuwa kale.

 

Ciidamada dowladda oo ay horkacayaan Maamulka gobolka banaadir ayaa baryahaanba waxay howlo nadiifin iyo burburin lagu sameynayo goobaha sharci darada ah ay ka wadeen gudaha Caasimada Muqdisho kuwaas oo haatan u muuqda inay wax ka bedeleen muuqaalkii hore ee gobolka banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this