Sign in to follow this  
Sharif_seylaci

Somaliland foreign minister meats with African union chairman

Recommended Posts

Wasiirka Arrimaha Debedda, ee Somaliland ayaa kula kulmay maanta Xarunta AU-da ee Magaalada Addis Ababa Guddoomiyaha Midawga Africa Prof. Alpha Oumar Konare.

 

 

Weftigii uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa kula kulmay maanta Xarunta AU-da ee Magaalada Addis Ababa Guddoomiyaha Midawga Africa Prof. Alpha Oumar Konare.

 

 

 

Kullaankaasi Wasiirka iyo weftigiisu la yeesheen Guddoomiyaha Ururka Africa ( AU) ugu horeynba waxay halkaa ugu gudbiyeen dhambaal ay uga sideen Walaalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, kadib waxay Weftigu uga xog warameen xaaladda guud ee Gobolka, gaar ahaan Somaliland dhinacyada Siyaasadda, Horumarka, Dhaqaalaha iyo Nabadgelyada iyada oo si mug lehna Wasiirka iyo Weftgiiisu uga warameen heerka dhismaha Dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

 

 

 

Waxa labada dhinac si weyn isula qaadaa dhigeen xaaladaha Guud ee Gobolka Geeska Africa, khaasatan ta Nabadgelyada, iyadoo wakhtigan xaadirka ah ay ka aloosan tahay Xaalad Cusub oo baaxaa degaysa, oo saameyn wayn ku yeelan karta, Somaliland iyo Nabadgelyada Guud ee Gobolka. Waxa weftiga Somaliland ka codsadeen Guddoomiyaha Ururka Midawga Africa in gacan laga siiyo Somaliland sidii ictiraaf buuxa oo deg deg ah ay u heli lahayd, dhaqaalaheeda loo kobcin lahaa, gacanna looga siin lahaa mucaawino toos ah sidii Somaliland ay uga heli lahayd beesha Caalamka.

 

 

 

Dood dheer iyo fallanqeyn ay ka muuqatay dareen is faham kadib, waxa uu ballan qaaday guddoomiyuhu in uu gaadhsiin doono Beesha Caalamka codsiyada Somaliland, Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyay inuu arrintaa ictiraaf raadinta wax ka qaban doono, Somaliland-na ay mutaystay isaguna uu ka hawli gali doono geedi socodkeeda.

 

 

 

Guddoomiyaha AU-da waxa shirka ku weheliyey, ku Xigeenkiisa Mr. Partick Mazamhaka iyo Guddoomiyaha Peace and Security Council-ka iyo saraakiil kale,

 

 

 

Waxa isla maanta weftigii uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeddu ee JSL, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale la kulmeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeda ee Ethiopia, Mudane, Seyoum Mesfin iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda Ato, Tekeda Alemu iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Arrimaha Debeda, halkaasi oo labada dhinac si weyn isaga waraysteen xaaladda ay ku sugan yihiin labada dal, iyo xaaladda guud ee Gobolka guud ahaan, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay xidhiidhka labada dal sii xoojintiisa, dhinacyada amniga dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimo badan oo khuseeya labada Dal,

 

 

 

Waxa la isla qaatay sii adkeynta Nabadgelyada Somaliland iyo joogteynta xasiloonida Gobolka Guud ahaan. Kullankaasi wuxuu ku dhammaaday is afgarad

 

 

 

Isla shalay waxa booqasho sharaf ku soo booqday Wasiirka iyo Weftigiisa, Amb. Franklin Esibilia oo ah Safiirka Dalka Kenya u fadhiya Addis Ababa, Kenya oo hadda ah Shir-guddoonka Guddoomiya Ururka Goboleedka IGAD.

 

 

 

Qarannews24

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this