Sign in to follow this  
Gabbal

The chicken has come home to roost: Civil War II?

Recommended Posts

Gabbal   

Warsaxaafadeed Col.Ismaaciil Timajilic:Indhacadde Haduu Ku Dhashay Marka Ama Guriceel Asagaa Kale Ogaan Doono

Sep 17,2006

by Garbahaarey-Gedo News Network

 

 

Waxaan halkaan ku cambaaraynaynaa hadaladii gafka ahaa ee ka soo yeeray ninka lagu magacaabo Yusuf Siyaad Indhacadde oo asagu muddo dheer si sharci darro ah ku haysta gobolka Shabelle Hoose, sheegtana inuu yahay madaxa nabadgelyada midowga maxaakiimta Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho.

 

Hadaladii gafka uu ka sii daayey idaacadaha Muqdisho Yusuf Indhacadde oo asagu runtii ismooday iskuna haysata inuu ku dhashay magaalada Marka ee gobalka Shabeelaha Hoose oo xoog ku haysto. Waxaan xasuusinaynaa in Indhacadde in maalin maalmaha ka mid ah uu jawaab ka bixin doono dhibka iyo halaaga uu ku hayo shacabka danyarta eh ee gobalka Shabeelaha Hoose uuna kala ogaan doono inuu ku dhashay Guriceel ama Marka.

 

Hadaladii gafka uu ka sii daayey Indhacadde idaacadda gudaha oo aanu aamisan nahay inuusan cabirayn mowqifka rasmiga ah ee midowga maxkamadaha Muqdisho ayaa hadana waxaa looga baahan yahay in masuuliyiinta ugu sareeysa maxaakiimta ay jawaab ka bixiyaan hadalka aflagaadada xambaarsan ee ka soo yeeray ninka lagu magacaabo Yusuf Indhacadde, iskana fogeeyaan wax alle waxii wax u dhimi kara kacdoonka ay shacabka Muqdisho isaga tuureen hogaamiye kooxeedyadii mudda dheer dhibaatada ku hayey magaalada Muqdisho.

 

Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo weerarka ku soo wajahan gobalada Jubooyinka, kaas oo keeni karo dhibaato weyn oo uu dhiig badan ku daato isla markaana horseedi karto dagaallo sokeeyo oo qaraar. Waxana u sheegaynaa kuwa hurinayo colaadaas in iyagu masuul ka noqon doonaan waxii dhibaata ah oo ka yimaado dagaalada ay hurinayaan.

 

Waxaan ognahay in ay arrintani tahay siyaasad shaar kale loo soo galiyay oo wajiyo cusub loo sameeyay ee aysan jirin hannaan sharciyaysan oo la raacayo iyo nidaam suuban oo laga anba-qaadayo. Waxaan u sheegaynaa kuwa abaabulayo dagaalka dhaca jubbooyinka ee ugu horeeyo Indhacadde in ayna suura galaynin in ay guluf colaadeed ku qaadaan deegaano iyo dad kale oo ay iyaguna nabad ku noolaadaan, sidaa daraadeed waa in uu caqligu shaqeeyo oo aanan lagu dag dagin dagaallo sokeeyo oo la imaan karo cawaaqib xun.

 

Waxaan si gaar ah ugu digayaa shakhsiyaadka aan fahansanayn u jeedooyinka dagaalkan ee laga yaabo in laga dhaadhiciyo in ay ku duulaan dalkooda iyo dadkooda ayago lagu rajo-galinayo oraaho af-ka baarkiisa ah oo aysan waxba ka jirin.

 

Dhamaan saraakiisha, ciidamada qalabka sido iyo malaysiyaad-ka G/Gedo waxaa la farayaa in ay galaan heegan buuxo laga billaabo taariikhdu markay tahay 17/09/06 oo ay ku diyaar-garoobaan goobaha loo cayimi doono. Sidoo kale waxaan faraynaa dhamaan wax-garad-ka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada G/Gedo in ay si buuxda ugu diyaar-garoobaan xaalada colaadeed ee ku soo wajahan gobalada Jubooyinka.

 

Col. Ismaaciil Cismaan Nuur (Tima jilic),

Garbahaarrey, Gedo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Iska horimaad ba'an oo ay dad ku geeriyoodeen oo maanta ka dhacay Deegaanka Deggan oo u dhow degmada Dhoobleey.

 

Muqdishu, Axad, Sept. 17, 2006 Radio Simba

 

Warar lagu kalsoon yahay, ayaa waxay sheegayaan inay xiisado-colaadeed ka taagan tahay Deegaanka Deggan oo 10 Km u jirta degmadda Dhoobley, iyadoo ay saakayto halkasi ku hardameen Maleeshiyooyin ay kala wateen Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo mar ahaan jirey Wasiir-ku-xigeenkii Ammaanka Qaranka ee DFKMGS iyo kuwo Deegaanka Dhoobley oo uu watay Kornel Deeq Caabi.

 

Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay, dhowr kalena wey ku dhaawacmeen, iska horimaadkaasi.

 

Ilo-wadareed ku sugan Deegaanka Deggan, ayaa sheegay inuu iska horimaadkaasi ka dhashay jidgooyo la doonayey in loo dhigto Maleeshiyadda uu horkacayey Xildhibaan C/rashiid Xiddig, kuwaasi oo iyagoo wata 10-Tekniko ah ka soo ambabaxay Magaalladda Kismaayo.

 

Isgaarsiintii Telefoonka iyo Fooneeyaha ee Deegaanka Libooyo-Dhoobley, ayaa hawada ka maqan, iyadoo ay adag tahay sidii warar dheeraad ah looga heli lahaa dagaalkaasi, inkastoo ay labada ddhinac wadaan dhaqdhaqaaqyo ciiddan.

 

Dhinaca kale, Engineer Ambassador Cabdi Shire oo ka mid ah Mas'uuliyiinta sarsare ee Isbahaysiga Dooxadda Jubba, ayaa ka soo ambabaxay Magaalladda Kismaayo, isagoo ku sii jeeda Gobalka Gedo, si uu Madaxda Gobalka iyo Ururradda Bulshadda kala soo hadlo Xaalladda guud ee haatan lagu sugan yahay iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa iskaashiga Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo.

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

My question is, are we in the eye of a storm that could ignite a civil war II that could be more dangerous and have more disastrous ramifications for all parties then the one that took place during the 91-93 period?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this