Sign in to follow this  
Xoogsade

The delegation representing the courts who will meet A/Y/Geeddi/Shariif-Speaker

Recommended Posts

Xoogsade   

Wafdi ka socda Maxkamadaha Islaamiga oo maanta u ambabaxay dalka Suudaan oo uu ka dhacayo kulan lagu wada hadalsiinayo Maxkamadaha iyo dowladda.

 

June 20, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa maanta wafdi Toban xubnood ka kooban oo isugu jira aqoonyahano iyo xubna ka tirsan Maxkamadaha u diray dalka Suudaan halkaas oo uu ka dhacayo kulan lagu wada hadalsiinayo Maxkamadaha iyo dowladda.

 

Xubnaha maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cisaley ayaa waxaa soo xulay midowga maxkamadah islaamiga oo shalay ilaa iyo xalay uga socday magaalada Muqdisho.

 

Xubnaha maanta ambabaxay ayeyna ku jirin Guddoomiyaha midowga maxkamahada iyo ku xigeenkiisa.

 

Wafdigan matalaya midowga maxkamadaha ee maanta u ambaxabay magaalada Khratuum ee dalka Suudaan ayaa ka qeyb qaadan doono kulan dowladda Suudan ay ku dhexdhexaadineyso midowga maxkamadah iyo dowladda fedraalka.

 

Wafdigan oo isugu jiray aqoonyahano culumaa'udiin iyo dhalinyaro ayaa waxaa hogaaminayey Dr. Maxamed Cali Ibraahim oo si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya horena guddoomiye ugu soo noqday ururka AL-islaax.

 

Xubnahaas aya sidoo kale waxaa ka mid ahaa.

 

Guddoomiyaha maxkamada Ifka Xalane Sheekh Xuseen Maxamuud Jimcaale

 

Bashiir Cadow Calasow

 

Prof. Cumar Aadan Qaadi

 

C/qaadir Maxmuud Geeddi

 

Ugaas Axmed Bile Xasan

 

Daahir Maxamuud Geelle

 

Sheekh Yuusuf Ceynte

 

Iyo Guddoomiyaha kacdoonka diinta iyo difaaca dalka Axmed Maxamed C/lle “Axmed Qareâ€

 

Wafdigan ayaa garoonka waxaa ku sii sagootiyey Guddoomiyaha midwoga maxkamadaha Islaamiga Sheekh Sharif Sh. Axmed, iyo guddoomiye ku xigeenka Sheekh C/qaadir Cali Cumar.

 

Safiirka jaamacada carabta u qabilsan arrimha Soomaaliya Cabdalla Mubraak oo saaka soo gaaray magaaalada Muqdisho ayaa wafdiga maxkamadaha u sii raacaay magaalada Khratuum ee dalka Suudaan oo uu shirka ka dhacayo.

 

Wafdigan oo ka duulay garoonka diyaaradaha Cisaley oo hore gacanta ugu heyn jiray ganacsade Bashiir Raage oo ka mid aha isbaheysigii la dagaalanka argagaxiosada ee looga awood roonaaday magaalada Muqdisho.

 

Waa markii ugu horysay oo culumaa'udiin Soomaaliyeed ay ka duulaan garoonkaas tan iyo xilligi ay la wareegeen gacan ku heynta garoonkaas midowga maxkamadaha Islaamiga

 

 

http://www.hornafrik.com/Newspage/news0349.htm#1

Share this post


Link to post
Share on other sites

I hope they all rise to the occasion, and come to the sort of understanding that will benefit Somalis. We can't afford anymore conflicts, certianly not one that might engulf da entire horn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this