Jacaylbaro Posted November 5, 2010 "Jaarkaaga ma dooran kartid, laakiin waxaad dooran kartaa sida aad jaarkaaga ula noolaanayso" Madaxweyne Dahir Rayale Kahin (12 March 2007) In ka badan Shan iyo labaatan sanadood oo ay shacbiga reer Somaliland indho cadho, murugo, iyo u qaadan waa ah ay ku eegayeen Dalka Jabuuti ayaa markii ugu horraysay taariikhda waxa ay Shacbi weynaha geesiga ah ee reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo debadiisaba ku nooli ay farxad iyo damaashaad aan kala hadh lahayn kusoo dhaweeyeen maamuuska qaran iyo soo dhawaynta heerka sare ah ee reer Jabuuti ay dawlad iyo shiciba kusoo dhaweeyeen wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti maalintii Arbacadii ee Saddexda bishan November 2010. Soo dhawayntan heerka sare ahayd ee ay dawlada Jabuuti u samaysay Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa ay yididiilo gelisay shacbiga reer Somaliland oo rajaynaya in Xukuumada Jabuuti ay soo afjari doonto siyaasadii murugada badnayd ee ku waajahnayd Somaliland, taasoo ahayd siyaasad dhagaraysan oo ku dhisan cadaawad oo ka soo burqanaysay Hogaanka sare ee dalka jabuuti sanadihii tirada badnaa ee aynu soo dhaafnay, inkasta oo siyaasadaasi ay Jabuuti kula dhaqmaysay Somaliland aanay noqonin mid usoo hoysa wax guul ah, shacbiga reer Somalilanna waxa ay kaga gudbeen Dulqaad iyo Samir iyo isku kalsoonaan, taasi oo ah sababta ugu weyn ee Somaliland iyo shacbigeedu ay uga guulaysteen cadaawad kasta oo lagula kacay, waana ta horseedka ka noqotay in Somaliland ay horumar dhinac kasta ah gaadho laguna ******to, duniduna ay maanta garawsato in Somaliland ay tahay Nuurka ugu weyn ee ka dhex bidhaamaya gobolka mugdiga ah ee Geeska Afrika. Dib hadii aynu u milacsano taariikhda xiligii ay dadweynaha reer Jabuuti u halgamayeen xornimadooda ee ay dagaalka kula jireen gumaystihii Faransiiska, waxaa is barbar taagay reer Somaliland waxaanay suurto galiyeen in ay Jabuuti xornimadeeda hesho, isla markaasna reer Somaliland waxay xorriyada Jabuuti u hureen dhiiggooda, maalkooda iyo muruqoodaba iyaga oo kaalin muuqata oo lama ilaawaan ah ka geystay xorriyada ay Jabuuti maanta ku naaloonayso, xiligaas ay Jabuuti xorriyadeeda u dagaallamaysay reer Somaliland waxaa saarnaa waajib ah inay garab iyo gaashaanba siiyaan walaalahooda reer Jabuuti ee xorriyada u halgamayay, maadaama dadweynaha reer Somaliland iyo iyo dadweynaha reer Jabuuti ay yihiin dad walaalo ah oo dhiig iyo dhaqanba uu ka dhaxeeyo Allaha awoodda lihina uu isku deegaan ku abuuray, shacbiga reer Somaliland waxay si haboon oo sharaf iyo geesinimo ay ku jirto ay uga soo baxeen waajibkoodii ku aadaanaa inay Jabuuti xorriyadeeda hesho kana hoos baxdo gumaystihii Faransiiska. Dalka Jabuuti ayaa xorriyadiisa helay 27kii bishii June ee sanadkii 1977, waxaana reer Jabuuti iyaga oo ka faaiidaysanaya dhibtii reer Somaliland ka gaadhay Middowgii koonfurta Somaliya ka dib markii reer Somaliland oo xorriyadooda helay 26kii June sanadkii 1960 ay si indho-la´aan ah ula middoobeen koonfur, ayaa reer Jabuuti waxay go´aansadeen in ay gaar isu taagaan oo aanay la middoobin labadii gobol ee kale ee Soomaliyeed ee middoobay 1dii July 1960kii, hase yeeshee xukuumadii Jabuuti waxay xidhiidh dhow la yeelatay maamulkii dhagarqabaha ahaa ee Soomaaliya ka talinayay ee uu hormuudka ka ahaa kaligii taliyihii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre, kaasoo xasuuq iyo dhiibaato aad u ba´an ku hayay shacbigii reer Somaliland ee ku noolaa wxii hore loo odhan jiray gobolada waqooyi ee Somalia, waxaana xukuumada Somaliya ay dawlada Jabuuti ka caawisay arrimo badan, iyada oo dhinaca dhaqaale iyo siyaasadeedba ka saaciday xukuumadii Jabuuti ee uu hogaaminyay Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon, taasi oo isaguna badalkeeda ka dhigay inuu culays xoog leh saaro ururkii SNM iyo taageerayaashiisa oo quwadoodu ay sii xoogaysanaysay, iyada oo xukuumada Jabuuti ay u arkaysay in aan danaheedu ku jirin in SNM ay guulaysto, iyaga oo si aad ah uga cabsi qabay in hadii ururkii SNM ku guulaysto inuu gacanta ku dhigo Waqooyiga Somaliya in markaas Jabuuti ay waayi doonto masaaliix badan oo ay ku qabtay xukuumadii Siyaad Barre, masaaliixdaas oo ay ka mid ahaayeen kuwa siyaasadeed iyo dhaqaale oo ay ka mid ahayd in hadii SNM ay guulaysto in Dekeda Berbera dib loo furi doono, oo ganacsatada reer Somaliland oo Jabuuti oo si weyn u isticmaali jirayna ay ka soo wareegi doonaan iyo arrimo kale oo badan Maalmihii Madoobaa ee Bishii April Sandkii 1988kii Bishii April ee sandkii 1988kii ayay ahayd markii khatartii ugu weynayd uguna halista badnayd ay Xukuumada Jabuuti kula kacday ururkii SNM iyo taageerayaashiisii ka dib markii ay Xukuumada Jabuuti si fool ka fool ah ay isu soo hor fadhiisisay labadii kali taliye ee Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya ka talinayay iyo Mengistu Haile Mariam oo Itoobiya ka talinayay, iyada oo uu Madaxweynihii geeriyooday ee Xasan Guuleed Abtidoon uu dalka Jabuuti isugu keenay labadaas kali taliye, waxaana uu Xasan Guuleed Siyaad Barre ka dhaadhiciyay in uu ka tanaasulo sheegashada dhulka kililika shanaada " ********iya" oo Soomaaliya ay sheegan jirtay, halka uu Mingistena ka dhaadhiciyay inuu ururka SNM dhulkiisa ka saaro, taageeradana uu ka joojiyo, taas badalkeedana uu Siyaad Barre damaciisa sheegashada Bariga itoobiya uu ka hadhi doono, arrintaasina ay Mingiste u saamixi doonto inuu ciidamadiisii xuduudka Soomaaliya ku teedsanaa uu ka qaadan karo una isticmaali karo dagaaladii uu kula jiray Tigrrrayga iyo Eritariyaanka. Labdii Kali taliye ee Siyaad Barre iyo Mingistu waxay u guuxeen fikradii Madaxweynaha Jabuuti, waxaanay kala saxeexdeen heshiiskii naxdinta lahaa oo uu kaligii taliye Mingiste ogolaaday inuu ururkii SNM kasoo saaro dhulka Itoobiya, kana jaro caawimadii milatarri ee uu siin jiray, waxaana heshiiskaasi uu noqday mid si weyn uga nixiyay dadweynihii taageeri jiray ururkii SNM oo ka werwersanaa waxa uu mustaqbalkoodu uu ku danbayn doono hadii ururkii SNM uu meesha ka baxo, dhinaca kale waxaa damaashaad iyo farxad ku soo dhaweeyay Xukuumadii cadawga ahayd ee Soomaliya iyo waliba Jabuuti oo u maleeyay inay soo afjareen halgankii SNM. Nin la Tumay bay talo Joogtaa: Ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM waxa uu markiiba qaatay go´aan degdeg ah, waxaana ay garawsadeen xasuuqa sugayay shacbigii SNM taageeri jiray, hadii SNM ay baaba´ado, waxaana si geesinimo leh oo naftood hurinimo ay ku jirto ay isugu soo shubeen gudaha magaalooyinkii waaweynaa ee Hargeisa iyo Burco, waxaana ay taasi dhabarjab ku noqotay maamuladii Somaliya iyo Jabuuti oo filayay inay SNM burburi doonto, inkastoo qasaare laxaad badan oo ahaa mid nafeed, dhaqaale iyo bulshaba soo gaadhsiiyay shacbigii taageeri jiray SN, hadana ma jirin dariiq kale oo u furnaa ururkii SNM, ugu danbayna ururkii SNM waxa uu Allah guusha gacanta u galiyay bishii January ee sandkii 1991kii oo xukunkii ay ka tuureen xukuumadii kaligii taliyihii Siyaad Barre, isla markaasna ay gacanta ku dhigeen dhulkii Jamhuuriyada Somaliland. Xidhiidhkii Jabuuti iyo Somaliland wixii ka danbeeyay markii lagu dhawaaqay Somaliland Tan iyo intii ay madaxbanaanideeda lasoo noqotay Somaliland sanadkii 1991kii siyaasada Xukuumada Jabuuti ee ku aaddan Somaliland waxay ahayd mid cadawnimo badani ay ku jirtay, waxaana dawlada Jabuuti ay geed dheer iyo mid gaabanba ay u fuuleen sidii ay u saqiirin lahaayeen una fashilin lahaayeen Somaliland, isla markaasna waxay dedaad aad u badan ay ku bixiyeen si aan Somaliland loo aqoonsan, waxaa dhinaca kale Jabuuti ay dedaal dheer u gashay inay dib u soo noolayso xukuumadii burburtay ee Soomaaliya, waxaanay shirar aan kala joogsi lahayn oo xukuumado maqaar saar ah Soomaaliya loogu dhisayo ay ku qabatay dalkeeda gudihiisa, iyada oo xukuumada Jabuuti dalkeeda kusoo dhistay xukuumadihii fashilmay ee ay kala hogaaminayeen Cali Mahdi Maxamed iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyada oo sidoo kale xukuumada Jabuuti ay hadana mar kale dalkeeda ku soo dhistay xukuumad ku sheegta Sheekh Shariif uu hagaamiyo ee imika sii shiikhaysa ee ka jirta Muqdisho. Ujeedoodada ugu weyn ee ay Jabuuti isugu luraysay inay koonfur dawlad u samayso waxaa ugu weynayd in dawladahaasi magaca Somaliya ku shaqaynayay ay iska hor taagaan in Somaliland uu caalmaku aqoonsado. Nasiib wanaag Somaliland way sii xooggaysatay, xukuumadihii macmalka ahaa ee Jabuuti ay dabada ka riixaysayna waxay ku dhamaadeen fashil. Raad Arooryo Dib Looma Raaco: Jabuuti Maxay reer Somaliland ka filayaan Maanta ? Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo saxaafada la hadlyay bishii March sanadkii 2007 ayaa yidhi Jaarkaaga ma dooran kartid, ee waxaad dooran kartaa sidaad Jaarkaaga ula noolaanaysid, sida xaqiiqdu tahay xukuumada Jabuuti waxay maanta leedahay waayo aragnimo ku filan oo fahamsiin karta inaanay guul ka gaadhi karin siyaasada qallafsan ee cadaawadu ay ku jirtay ee ay Somaliland kula dhaqmayeen sanadihii tirada badnaa ee lasoo dhaafay, waxa markaas daruuri ah in ay Jabuuti yiqiinsato oo ay si aan caadifadi ku jirin u eegto xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah ee ah in Somaliland ay tahay Qaran Jira oo ku taagan rukumo culus cid waxyeelli karta oo burburin karta qaranka Somalilandnna aanay jirin, waxaa kale oo muhiim ah in jabuuti ay garawsato dareenka iyo rabitaanka reer Somaliland ee ku aaddan madaxbanaaninada Somaliland oo aan cid ka liicin karta ama ka leexin karta rabitaankoodu aanay jirin, isla markaasna ay Somaliland tahay qaran koraya oo si xawli ah u socda oo ah xaqiiq jirta, duniduna ay garawsatay kaalinta muhiimka ah ee ay Somaliland kaga jirto mandaqada geeska afrika iyo dunidaba. Hadaba waxaa la gudboon xukuumada Jabuuti ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu soo afjaro siyaasada cadawnimada ku dhisan ee uu dalkiisu kula dhaqmayay shacbiga iyo xukuumada Somaliland, isla markaasna uu ku bedalo siyaasad caafimaad qabta oo ku dhisan walaalnimo iyo deris wanaag, isla markaasna ay xukuumada Jabuuti u hawlgasho sixitaanka qaladaadka taariikhiga ah ee ay ka galeen ummada reer Somaliland. Ugu danbayn Shacbiga reer Somaliland waxa uu ka rajaynayaa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukuumada Jabuuti inay horseed ka noqdaan Aqoonsiga iyo aqoonsi raadinta Jamhuuriyada Somaliland, taasi oo ah ta kaliya ee dib usoo noolayn karta walaaltinimadii taariikhiga ahayd ee ka dhaxaysay reer Jabuuti iyo reer Somaliland, iyada oo aan rajaynayo in maamuuska soo dhawaynta ah ee reer Jabuuti ay u sameeyeen Madaxweynaha Somaliland uu dhabada u xaadhi doono xidhiidh wanaagsan oo walaaltinimo oo si talantaali ah ugu adeega masaaliixda sare ee labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti. Kaysar Cabdilaahi Maxamed tafatiraha Somali Voice Bristol. UK kaysar@europe.com Quote Share this post Link to post Share on other sites