Jacaylbaro Posted July 23, 2009 Dagaal culus oo u dhaxeeya Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa daqiiqado ka hor waxaa uu ka bilowday Deegaanka Warxoolo oo ka mid ah deeganada hoostaga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen dadka deegaanka Wabxo oo u dhow deegaanka Warxoolo dagaal aad u culus ayaa halkaasi waxaa uu ku dhexmarayaa ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay halkaasi isku heystay. Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka balse waxaa la sheegayaa in dagaalka la isku weydaarsanayo hubka cul culus oo ka dhaca qoryaha daran dooriga u dhaca. Shalay ayey aheeyd markii deeganka Goobo ee ka mid ah degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan uu dagaal qaraar ku dhexmaray Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin iyo Maamulka degmada Maxaas oo garab ka helayay Ahlu Sunna Waljamaaca. Dagaaladaani ayaa waxaa ay daba socdaan dagaalo mudooyinkii ugu dambeeyay gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ku dhexmarayay Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin iyo Ahlu Sunna waljaamaca kuwaasi oo isku heysta gacan ku heynta deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud. Quote Share this post Link to post Share on other sites