Muslim Somali Posted January 26, 2008 Sidaanu wararka ku helnayo maalintii shalayto ahayd maleeshiya beeleedkii fadhiyey duleedka magaalada Laascaanood, waxay iska dileen laba nin, kaddib markii nin raggaas dhintay ka mid ahaa Aano qabiil loo toogtey isla markaana ay Xabbadihii lagu ridey nin kale iyo kii lagu ridey labadaba dileen oo ay halkaas ku nafwaayeen Dhacdadaas shalayto oo Khamiis ahayd dhacdayna waxay keentay inay labadii qolo ee uu weligoodba tartanka qabiil ka dhexeeyey kala shakiyaan iyagoo ay qolo weliba dhinacooda Tiknikadii ay gacanta ku hayeen xalay la guure galay oo la goosatay si ay ugu biiraan Qabiilooyinkii ay ka soo jeedeen, iyagoo ka baqaya inay dhacdadani saamayn weyn ku yeelato maadaama Ictiraafkii la doondoonayey la waayey, Ragga xalayto Tiknikada la guure galay waxay ka soo kala jeedaan Beesha Sac** *****is ee H*** ****nis iyo Beesha Bi**** Ee Ha*** ***lo oo iyagu wada dega Degmada Ceel Afweyn ee Galbeedka fog ee Gobolka Sanaag. Shakhsiyaad kale oo aanu wax ka weydiinay dhacdadan, waxay noo sheegeen in aanu xaalku aano qabiil ahayn, balse markii uu ogaaday taliyihii Maleeshiyadani in aysan jirin wax Ictiraaf ah oo la helay, taasina ay keentay nijad jab baaxad weyn maadaama kolkii hore lagu soo dagaal galiyey waa la ina aqoonsanayaa oo dawlad baynu noqonaynaaye, waa inaan xadka soo xidhnaa... Arrintani oo aanu wali daba socono wixii ka soo kordha Jidbaale.com Kala socda Source Quote Share this post Link to post Share on other sites