Sign in to follow this  
Dhubad.

People of Mogadishu are Fighting Back..?

Recommended Posts

Dhubad.   

Beelaha Mogadishu oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

 

Mogadishu 06, March.07 ( Sh.M.Network) Beelaha ****** ayaa maanta shirweyne looga hadlayo marxaladda uu haatan dalka marayo ku yeeshay magaalada Muqdisho..

 

Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan ilaa 300 oo ergo oo isugu jirtey Salaadiin, Waxgarad, Ugaasyo, Aqoonyahano iyo haween oo ka kala socda beelaha ****** ayaa looga hadlay sida ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan, ciidamada Puntland ee laga soo daabulayo gobolada bari ee la keenayo gobolka Banadir iyo waliba shirweynaha dib u heshiisiinta ee dhowaan ay ku baaqday dowladda kMG ah.

 

Xubnihii ka hadlay kulanka beelaha ****** oo maanta ka dhacay Xero Jarmalka ayaa waxa ay ku dhaliileen dowladda KMG ah in ay ku xadgudubtay dastuurka federaalka iyo awood qeybsiga lagu soo dhisay dowladda KMG ah, iyagoo si gaar ah ugu eedeeyay Madaxweynaha dowladda KMG ah in uu sameeyay awood Maroorsi iyo xukun kaligii talis ah.

 

Xubnihii shirkii ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Cabdi Daahir, Nabadoon Axmed Diiriye iyo Imaam Xaaji Cabdi Iimaan ayaa waxa ay ugu baaqeen in ciidamada dowladda Ethiopia ay dalka si deg deg ah uga baxaan iyo waliba in goboladooda dib loogu celiyo ciidamada Puntland ee la keenay gobolka Banadir iyo waliba in shirka dib u heshiisiinta qaran loo qabto dadka ka soo horjeeda dowladda oo ay ku jiraan golihii maxkamadaha islaamka.

 

Gabagabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray Baaq ku wajahan beesha Caalamka oo ku socda dowladda KMG ah iyo Shacbiga Somaliyeed.

 

Kulankaan ay isgu yimaadeen waxgaradka beelaha ****** oo ka soconaya Xarunta Xero Jarmalka ayaa maalmaha soo socda waxaa looga arinsan doonaa dhamaan marxaladaha uu dalka haatan ku sugan yahay iyo waliba sida shirku uu u noqon lahaa dhamaan dadka Somaliyeed si looga hadlo arimaha Somalia.

 

Shirkaan ayaa ah kii ugu horreeyay oo beelaha ****** ay isugu yimaadaan magaalada Muqdisho tan iyo markii dowladda KMG ah ee Somalia ay la wareegtay gacan ku heynta gobolka Banadir iyo gobolo kale oo ka tirsan koonfurta Somalia.

 

Bayaanka ka soo baxay kulanka iyo sawirada goordhow kala soco halkaan.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Kulan ay isugu yimaadeen in ka badan 250 xubnood oo ka kala tirsan odayaasha iyo waxgaradka beelaha ****** oo cambaareyn kulul dusha looga tuuray dowladda federaalka Soomaaliya

 

Ilaa 250 xubnood oo ka kala tirsan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha ******, kuwaasoo maalmahanba ku kulansanaa halka loo yaqaano xero Jarmal oo ku taala wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay uga hadlayeen xaalada guud ee dalku ku sugan yahay iyo qaabka dowladda federalka Soomaaliya ay uga howlgasho magaaladan Muqdisho ayaa laga soo saaray war murtiyeed dhinacyo badan taabanaya oo si aad ah loogu cambaareeyey dowladda federaalka Soomaaliya.

 

War murtiyeedka laga soo saaray kulanka beelaha ****** ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay iney iney sharci daro tahay in ciidamada Itoobiya ay soo galaan gudaha Soomaaliya iyadoo aan fasax looga heysanin baarlamanka Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena ku eedeeyey in dowladda federaalka in ay soo rogtay sharciyo aan u adeegeynin degenaanshaha iyo xasiloonida dalka Soomaaliya, xad gudubna ku ah xoriyadda muwaadiniinta iyo hantidooda sida hadalka loo dhigay.

 

War murtiyeedkaasu ayaa sidoo kale ku eedeeyey in dowladda federaalku ay ku xad gudubtay wax loogu yeeray mabda’ii awood qeybsiga ee ay dowladdu ku dhisneyd, iyagoo intaa ku daray maamulada loo magacaabay qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka ay tahay mid jebinaysa axdi qarameedka dowladda federaalka, waxaana dhinaca kale, war murtiyeedku uu ku eedeeyey in dowladdu ay ciidamo qaran u aqoonsatay kuwa ka socda waxa loogu yeeray beel gaar ah, taasoo dhaawaceysa ayey yiraahdeen is aaminkii bulshada ee xiligan xasaasiga ah.

 

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay mas’uul ka tahay waxyeeladii dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay madaafiicdii lagu garaacayey meelo ka mid ah magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri war murtiyeedkaasi oo sidoo kale lagu xusay in dowladdu ay ku dhawaaqday shir dib u heshiisiin ah oo aan marnaba daweyneynin qalalaasaha ka jira dalka Soomaaliya

 

“Anagu dowladda federaalka kama soo horjeedno balse waxaan diidanahay qaab dhaqameedka foosha xun ee ay la soo baxday” ayaa si cad loogu loogu yiri war saxaafdeedkaasi oo loogu baaqay beesha caalamku iney la hadlaan madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf.

 

Baaq ugu dambeyntii laga soo saaray kulankaasi ayaa lagu sheegay in la joojiyo madaafiicda lagu garaacayo magaalada Muqdisho, lagana noqdo shuruucda iyo xukunka deg deg ah ee dalka la geliyey iyo in wax lagu tilmaamay dowladda aan dhexdeeda heshiiska aheyn dadkeena heshiiska la aheyn aaney qaban Karin shir dib u heshiisiin ah, iyagoo cadeeyey beelaha ****** in aaney jirin wax colaad ah oo kala dhexeysa beelaha kale ee Soomaaliyeed oo sidaa darteedna ay tahay in dowladdu ay wada hadalo siyaasadeed la furto qeybaha iyada ka soo horjeeda sida dowlada dhexdeeda iyo maxkamadaha Islaamka, in xulashada ciidamada Qaranka iyo saraakiisha intaba u noqdo mid isu dheeli tiran muujinayana astaamaha ciidan Qaran isla markaana dib loo celiyo ciidamada laga keenay Puntland maadaama bey yiraahdeen dowladdu ay tahay mid federaal ah, iyagoo ugu dambeyntii ka codsaday beesha caalamka iney gacan ka geysato iney gacan ka geystaan sidii dalka looga saari lahaa ciidamada Itoobiya.

 

Waxaana xubnihii kulankaasi ka hadlay ka mid ahaa Nabadoon Axmed Diiriye, Xaaji Iimaan Cumar iyo Ugaas Cabdi Daahir.

 

 

Xafiiska Muqdisho, Somalia

 

 

News Update in English www.dayniileone.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

We are coming, the issue was about religion, now upon reer Qansax's request, things are turning out to be Qabiil X vs. Qabiil Y.

 

Let's see what comes out! this is exactly what the Ethiopians had wished for us!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alle Ubaahne "eye for an eye". are you ready. what side are you on. I am with Jilab! and we are ready to show force, this time . Qurac must realize this is not gone be like 1991! while Qansax and dheeredheere are re-occupaying ground zero.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this