Sign in to follow this  
SayidSomal

Shabeel Gurey - (I don't expect you to understand)

Recommended Posts

Waa baa waxaa jiri jirey shabeel garyaqaan ahaa oo Gurey loo dhaho. Wabar magac dheer oo gartiisa lagu kalsoon yahay buu ahaa. Maalin baa isagoo caraysan, dabaggaalle gar ugu yimid – sheekadiina sidatan ayay u dhacday:

 

Dabaggaalle: Wabarow, quulle ayaan duugtay

Shabeel Gurey: Waa rag iyo wax kaydsigii

Dabaggaalle: nin baa iga xaday quullihii

Shabeel Gurey: Taasi waa rag iyo xoolo jacaylkii

Dabaggaalle: Ninkii baan dharbaaxay

Shabeel Gurey: wixii nin la xaday samayn lahaa, baad samaysay

Dabaggaalle: wuu iga xoog badnaa, inta uu i dilay, buu midho kalena iga dhacay

Shabeel Gurey: Taasi waa guuldarro nin kastoo tabar yari muto

 

Markay sheekadu meeshaa maraysay, baa dabaggaalle gartay in uusan maalintaas goobta guul ka qaadeyn, isagoo guryamaya oo leh: “ haddii garti wabarradu sidaa tahay, ninkii xoog leh uun bay u meel mari” buu iska tegey.

 

Galab wanaagsan LST.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bal Fahan waa kane:

 

 

Miidaamo abidkeed, ismaqiiqiddeedaa

Qabri loogu moosaa, maqal baanay baran weli

 

Mugdi waxad ku garataa, maqanaha iftiinkee

Wax kaloo macneeyoo, maareeya loo waa

 

Marag waxan u haystaa, Mustafe ba siduu yidhi

“Maaleeyo taallaa, malab qiimo leeyahay”

Waxa muunaddeeda leh, nabaddiyo ismaqalkoo

Maamuuska noloshaa, laga wada macaashaa

Inta ay masiibadu, minankeeda jiiftaa

Miisaanka aayaha, nin maroodi le’eg yahay

Kol haddii se muruq go’o, ama murugto xaajadu

Rag ismaagganaa iyo, gardarrooyin muuqdaan

Ninna maalanmaayoo, horaa looga marag kacay

Adna maanta sheekada, waxan maagganahay filo

 

Ma intaan ma haystiyo, mid wasiir ahaa iyo

Maareeye keen iyo, maqal reerkan jaan iyo

Madaxdii badh baa maqan, iyo meeyey kii hadhay

Ku mashquulsanaa baa, muska looga soo dhacay?

 

 

Ma intaan miscirirtiyo, mayaygii Bu'aaliyo

Muqdishiyo sharkeedii, mayraca ka filayee

Ku maqnaa dhankaasaa, muska looga soo dhacay?

 

Miyirkaygu aragtaye, haddaan marada tuur iyo

Muddug loogu kala bixin, haddaan sida mahiigaan

Raggii miigganaan jiray, marka ay dhanaan tahay

Malaggeeda karin jiray, mooska uga soo degin

Maadhiin holcaayiyo, mindi bay ku tarantoo

Milyan wada halyeyoo, mid mid loo xusuustaa

Mawdka u badheedhaye, haddaan muruqyadoodiyo

Kuwii mililka dhiiggiyo, miiddooda laga jaray

Maanta na u xidhan soodh, Magacii ba' baan ahay....

 

Waygu muusannawdaye, haddaan malab ninka i biday

Malmal iyo qadhaadh iyo, dacar muudsan weligii

 

Maxastayda hoosiyo, ninka maatadaydii

Mindiyaha qarsoon iyo, ku deyaaye miiqee

Moqoraysigaygiyo, ku farxaaya murugada

Haddaan muruqyadiisiyo, mudka iyo leeggiisa ba

Muska loogu wadhin aar, Magacii ba' baan ahay

 

Midabkaan ahaan jiray, haddaan muran ka soo noqon

Halkaan maray dorraad subax, iyadoo mahiigaan

Mirtay xalay saqdii dhexe, haddaan maanta laga biqin

Meeshu meeshi weeyaan, marmarsiinyo laga dhigan

 

Waygu maaradowdaye, macshar la isu soo baxay

Haddaan mahadhadaydiyo, maansadayda laga tirin

Ficilkaygu maahmaah, noqon meelo lagu qoro

 

Maandeeq sedkeediyo, mugga cugashadeeda ba

Kolay meerayaal tahay, xiddiggiyo marriiqiyo

Marannada cirjiidhaha, haddaan meel san loo dhigin

Muuqeedu koonkiyo, ka mudhbixin adduunyada

Haddaan muunaddeediyo, mansabkeeda lagu toyan

Muslinka iyo Gaalku ba, u mashxaradin oogtii

Malahaygu inan yahay, wayska mooro jaan oo

Magacii ba’ baan ahay!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this