SayidSomal Posted September 15, 2010 Waa baa waxaa jiri jirey shabeel garyaqaan ahaa oo Gurey loo dhaho. Wabar magac dheer oo gartiisa lagu kalsoon yahay buu ahaa. Maalin baa isagoo caraysan, dabaggaalle gar ugu yimid – sheekadiina sidatan ayay u dhacday: Dabaggaalle: Wabarow, quulle ayaan duugtay Shabeel Gurey: Waa rag iyo wax kaydsigii Dabaggaalle: nin baa iga xaday quullihii Shabeel Gurey: Taasi waa rag iyo xoolo jacaylkii Dabaggaalle: Ninkii baan dharbaaxay Shabeel Gurey: wixii nin la xaday samayn lahaa, baad samaysay Dabaggaalle: wuu iga xoog badnaa, inta uu i dilay, buu midho kalena iga dhacay Shabeel Gurey: Taasi waa guuldarro nin kastoo tabar yari muto Markay sheekadu meeshaa maraysay, baa dabaggaalle gartay in uusan maalintaas goobta guul ka qaadeyn, isagoo guryamaya oo leh: “ haddii garti wabarradu sidaa tahay, ninkii xoog leh uun bay u meel mari” buu iska tegey. Galab wanaagsan LST. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 15, 2010 Bal Fahan waa kane: Miidaamo abidkeed, ismaqiiqiddeedaa Qabri loogu moosaa, maqal baanay baran weli Mugdi waxad ku garataa, maqanaha iftiinkee Wax kaloo macneeyoo, maareeya loo waa Marag waxan u haystaa, Mustafe ba siduu yidhi “Maaleeyo taallaa, malab qiimo leeyahay” Waxa muunaddeeda leh, nabaddiyo ismaqalkoo Maamuuska noloshaa, laga wada macaashaa Inta ay masiibadu, minankeeda jiiftaa Miisaanka aayaha, nin maroodi le’eg yahay Kol haddii se muruq go’o, ama murugto xaajadu Rag ismaagganaa iyo, gardarrooyin muuqdaan Ninna maalanmaayoo, horaa looga marag kacay Adna maanta sheekada, waxan maagganahay filo Ma intaan ma haystiyo, mid wasiir ahaa iyo Maareeye keen iyo, maqal reerkan jaan iyo Madaxdii badh baa maqan, iyo meeyey kii hadhay Ku mashquulsanaa baa, muska looga soo dhacay? Ma intaan miscirirtiyo, mayaygii Bu'aaliyo Muqdishiyo sharkeedii, mayraca ka filayee Ku maqnaa dhankaasaa, muska looga soo dhacay? Miyirkaygu aragtaye, haddaan marada tuur iyo Muddug loogu kala bixin, haddaan sida mahiigaan Raggii miigganaan jiray, marka ay dhanaan tahay Malaggeeda karin jiray, mooska uga soo degin Maadhiin holcaayiyo, mindi bay ku tarantoo Milyan wada halyeyoo, mid mid loo xusuustaa Mawdka u badheedhaye, haddaan muruqyadoodiyo Kuwii mililka dhiiggiyo, miiddooda laga jaray Maanta na u xidhan soodh, Magacii ba' baan ahay.... Waygu muusannawdaye, haddaan malab ninka i biday Malmal iyo qadhaadh iyo, dacar muudsan weligii Maxastayda hoosiyo, ninka maatadaydii Mindiyaha qarsoon iyo, ku deyaaye miiqee Moqoraysigaygiyo, ku farxaaya murugada Haddaan muruqyadiisiyo, mudka iyo leeggiisa ba Muska loogu wadhin aar, Magacii ba' baan ahay Midabkaan ahaan jiray, haddaan muran ka soo noqon Halkaan maray dorraad subax, iyadoo mahiigaan Mirtay xalay saqdii dhexe, haddaan maanta laga biqin Meeshu meeshi weeyaan, marmarsiinyo laga dhigan Waygu maaradowdaye, macshar la isu soo baxay Haddaan mahadhadaydiyo, maansadayda laga tirin Ficilkaygu maahmaah, noqon meelo lagu qoro Maandeeq sedkeediyo, mugga cugashadeeda ba Kolay meerayaal tahay, xiddiggiyo marriiqiyo Marannada cirjiidhaha, haddaan meel san loo dhigin Muuqeedu koonkiyo, ka mudhbixin adduunyada Haddaan muunaddeediyo, mansabkeeda lagu toyan Muslinka iyo Gaalku ba, u mashxaradin oogtii Malahaygu inan yahay, wayska mooro jaan oo Magacii ba’ baan ahay!!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites