Hunguri Posted May 14, 2010 MMA, saaxiib hadalka aad soo qortay waa wax jira weeye. Waa wax u baahan in lays waydiiyo maxay "Hargaysa" u noqon wayday "Hadh-gaysa". Maxaa "Baran" loo yidhaahdaa "Badhan" ama waamaxay magaceeda saxda ah. Haddaan ku horreeyo "Baran" ama "Badhan". Magacu labadaba waa yahay. ( Badhan iyo Baran ) labadaba waa la odhan karaa. Magacani wuxuu ka yimi ( Badha ama Bara ) Waxa weeye kala badhka ama kala barka Dhulka ay daganyihiin reerkaa magaaladaas iska lihi. Markaa, Aff-Soomaali waa margiye hadba dhinacaad u rogtaanba waa Ok. Dadka qaarna ( Dh ayay meelaha qaar isticmaalaan, qaarka kalena "R" ayay meelaha qaar isticmaalaan ). Oodis qaadis iyo jiidis waa isla guri gayn. Haddaan usoo laabto Hargaysa. Magacani wuxuu ka yimi ( Harag ama maqqaar ). Magaaladani waxay ahayd meel lagula kala wareego Badeecada Miyyiga ama Baadiyaha iyo lacagta. Somalida ama Qolyaha Hargaisa miyyigeeda daggan ayaa magacan bixiyey. Wuxuuna ka yimi ( Harag-Gays ) ama ( Harga-Gays) kadibna waxay noqotay (Hargaysa). Markaa marnaba ma noqonayso ( Hadhag ama Hadh-gays ). Intaasi, waa intaan anigu ka aqqaano. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted May 14, 2010 Hunguri, thanks for the lesson. Quote Share this post Link to post Share on other sites