Cowke Posted June 11, 2010 Isuduwaha Wasaarada Qorsheynta ee gobolada Bari iyo Karkaar Oo La Magacaabay (Sawiro) June 11, 2010 Kulan balaaran oo lagu qabtay Xarunta gobolka Bari ee magaalada Bosaaso ayaa waxaa lagu magacaabay Agaasimaha cusub ee Wasaarada qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga Puntland ee gobolada Bari iyo Karkaar. Waxaa kasoo qaybgalay masuuliyin ka tirsan Xukuumada Puntland oo ugu horeeyey Wasiirka Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga Puntland Daa’uud Maxamed Cumar,Xubno ka socotay maamulka gobolka Bari,Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax iyo Hay’addaha kala duwan sida kuwa samafalka iyo maxaliga ee ka howlgala gobolka. Ujeedada kulanka ayaa ahayd in la isbaro Agaasimaha cusub ee Wasaarada Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga ee gobolada Bari iyo Karkaar isagoo matali doona Wasaarada labadaas gobol,waxaana loo magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Cumar Dheere oo ah nin dhalinyaro oo wata 2 Bachelor degree oo ka qalin jebiyey Kuliyada Business administration iyo Computer Science. Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray sida ay u wada shaqayn lahaayeen Hay’adaha iyo Agaasimaha cusub,iyagoo soo dhoweeyey magacaabista Agaasimaha dhamaan Hay’adihii kasoo qaybgalay kulanka,waxayna balan qaadeen in la shaqayn doonaan masuulka cusub. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites