Sign in to follow this  
General Duke

North Mogadishu demo in support of courts.PICS....

Recommended Posts

This is the second demo today but one which is against the warlords attempt to bring the clan into the issue of thei allaince and terror...

 

 

banaanbax_lid1.jpg

 

banaanbax_lid2.jpg

 

banaanbax_lid4.jpg

 

banaanbax_lid5.jpg

 

banaanbax_lid6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaharaad lid ku ah go'aankii Hogaamiyaasha Mudulood oo asna ka dhacay Muqdisho

Last Updated::2006-06-06 05:18:47

 

Muqdisho:-Isu soo bax weyn oo looga soo horjeedo hadalkii kasoo yeeray Shaqsiyaadka Beesha Mudulood oo maanta ka dhacay Isgoyska Fagax.

Isu soo bax weyn oo ay kasoo qeyb galeen kumanaan qof ayaa maanta lagu qabtay isgoyska Fagax kaasi oo looga soo horjeeday hadalkii kasoo yeeray siyaasiyiin iyo hogaamiye kooxeed isku sheegaya in ay matalaan beesha Mudulood.

 

 

Isu soo baxan oo uu soo qaban qaabiyay golaha la baxay kacdoonka difaaca diinta iyo dalka ayaa waxaa ka hadlay culimaa’uddiin aad u fara badan oo kuwaasi oo dhamaantood sheegay in ay uga soo horjeedaan Banaabaxaasi marin habaabinta lagu hayo kacdoonka shacabka iyo shaqsiyaadka ku qaraabinaya magaca qabiilka ee ku doonaya in ay ku badbaadiyaan haraaga isbahaysiga islaam la dirirka.

 

 

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Sheekh Cali Dheere oo guddoomiye u ahaan jiray maxkamadii islaamiga ahayd ee laga hirgeliyay waqooyiga Muqdisho sanadihii sagaashamaadka ayaa ka hadlay isu soo bixii maanta

 

 

Waxa uuna Sheekhu sheegay in shaqsiyaadka ku shiray mowlaca Sheekh Muxyadiin ee ka soo saaray go’aanka qaldan in ahaayeen shaqsiyaadkii burburiyay maxkamadii islaamiga ahayd ee waqooyiga Muqdisho.

 

 

Sheekh Cali Dheere ayaa ugu digay shacabka in ay ku kadsoomaan been abuurka iyo qabyaalada ay faafinayaan shaqsiyaadkan u adeegaya hogaamiye kooxeedyada laga xaaqay magaalada Muqdisho ee la’ meel ay gabaad ka dhigtaan.

 

Culimadii ka hadashay isu soo bixii maanta waxaa ka mid Sheekh Xasan Dheere guddoomiyaha golaha midnimada iyo bad baadada Soomaaliyeed, waxa uuna ugu baaqay shacabka ku dhaqan waqooyiga Muqdisho in ay ku sirmin hagar daamada hogaamiye kooxeedyada iyo shaqsiyaadka lacagaha ka soo qaatay oo maleegaya in dalka uu dib ugu laabto jahligii iyo qabyaaladii laga soo gudbay.

 

Intii uu socday isu soo baxaasi waxaa soo gaaray isgoyska Fagax Macallin Xaashi Faarax iyo xubno kale oo ka yimid degmada Balcad oo ka qeyb qaadanaya dibad baxaasi lagaga soo horjeediyay quranka ay faafinayaan shaqsiyaadkan u xilanaya shilimaadka yar.

 

 

Macallin Xaashi oo ka hadlay isu soo baxaasi ayaa ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray hogaamiyaasha Beesha Mudulood in ay matalaan beesha Mudulood kuwa micno darro ah oo kasoo baxay shaqsiyaad aan dhawranayn sumcadooda.

 

Macallin Xaashi waxa uu mar kale u mahad celiyay midowga maxkamadaha islaamiga oo ka xoreeyay hogaamiye kooxeedkii gumaadka ku hayay dadka ku dhaqan degmada Balcad, isaga oo wax la la yaabo ku tilmaamay shaqsiyaadka iminka doonaya in dadka ay ku marin habaabiyaan qabyaalad iyo isir faquuq, waa suu hadalka u dhigayee.

 

 

Guddoomiye ku xigeenka maxkamada islaamiga Yaaqshiid Sheekh Ibrahim Weydow oo isagana ka hadlay isu soo baxaasi ayaa carabka ku dhuftay in shaqsiyaadkii ku shiray mowlaca Sheekh Muxyadiin aysan matalin beesha, magaceedana aysan meel uga dhici Karin, waxa uuna ku eedeeyay shaqsiyaadkaasi kuwa shar iyo shirqool u maleega shacabka Soomaaliyeed oo iminka ku mideysan hirgelinta kitaabka Alle.

 

Mudaharaad kale oo maanta ka dhacay Stadium Koonis ayaa maanta waxay kumaan qofood oo halkaasi isugu soo baxay ku taageereen Go'aan ay si wada jir ah usoo saareen siyaasiyiinta, odayaasha, culumaa'udiinka qaar kamid ah iyo hogaamiye kooxeedka Beesha mudulood.

 

Banaanbixii taageerada ahaa ayaa noqday kii ugu weynaa ee looga soo horjeedo Maxkamadaha oo ka dhaca Muqdisho.

 

Isu soo baxa garabsocday oo asaguna lagu dhaliilayo go'aankan ayey ayaguna dhankooda soo qaban qaabiyeen xubnaha kamid ah Maxkamadaha Islaamiga ee kasoo jeeda Beesha Mudulood.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this