Sign in to follow this  
Cowke

Kuwaiti Envoy Arrives In Bossaso. Pictures

Recommended Posts

Cowke   

2.jpg

 

4.jpg

 

6.jpg

 

11.jpg

 

12.jpg

 

16.jpg

 

Wafdi reer Kuweyt ah oo uu horkacay Sh Cabdiwaaxid Xaashi oo shalay soo gaaray Boosaaso

Posted to the Web Feb 27, 16:21

 

Boosaaso:-Wafdi uu horkacayo fadiilatu Shiikh Cabdiwaaxid Xaashi oo ka soo kicitimay dalka Kuweyt ayaa shalay waxaa ay soo gaareen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ,Wafdigaan ayaa waxaa uu ka koobnaa ilaa 10 xubnood waxaan wafdigu ka koobnaa masuuliyiin ka tirsan Hay'addo gargaar oo Islaami ah iyo Hay,adda Al-manhal Islaami,Wafdiga ayaa socdaalkoodu waxaa uu ku saabsanaa in ay furaan Isbitaal weyn oo ay ka dhiseen Jaamacad Bariga Afrika.

 

Halkaan ka fiiri sawirada Isbitaalka

 

Wafdiga uu Sh. Cabdiwaaxid Xaashi horkacayey ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaara daha ee Bandarqaasim ee magaalada Boosaaso waxaa uu Sh. Cabdiwaaxid saxaafada uga waramay ujeedada safarka wafdigaan waxaan uu yiri Shiikhu. ''u jeedada safarka wafdigaan waxaa weeye in ay furaan Isbitaal ay ka dhiseen Jamaacada bariga Afrika iyo mashaariic kale oo ay ka hirgeliyeen Puntlland ,Sh.Cabdiwaaxid ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Wafdiga ay u yimaadeen Puntlland in ay dhaqaalo gashtaan balse waxaa ay indha indhay nayaan xaalada guud ee Puntlland.''

 

Wafdiga reer Kuweyt oo shalay soo gaaray Boosaaso ayaa waxaa garoonka si weyn ugu soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan maamulka Puntlland ,masuuliyiinti Gobolka Bari oo uu horkacayey gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Al-xaaji Muuse Gelle,Isimo ,Ganacsato iyo culimo,udiin.

 

Wafdiga ayaa xalay casho sharaf loogu sameeyey magaalada Boosaaso waxaan ay maanta gaareen magaalada Garoowe iyadoo la filayo in ay kulamo gaar ah la yeeshaan Madaxweynaha Puntlland iyo Golahiisa Wasiirada.

 

Markii ay maanta gaareen Magaalada Garoowe wafdigaan reer Kuweyt ayaa waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Golaha wasiirada waxaan ka mid ahaa wasiiradii soo dhaweeyey wasiirka Caaafimaadka Puntland Dr Bashiir Cali Biixi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Axmed Xassan Doonyaale iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Hidaha Cabdi xakiim Axmed Guuleed.

 

 

Culumo,udiinka ku dhaqan Puntlland ayáa iyagu ah lafdhabarta ay ku taagan tahay Hay'addaha Waxbarashada ,Isgaarsiinta , gargaarka, iyo xalinta khilaafka beelaha kala dhexgala , Waxaa xusid mudan in Hay,add Al-Manhal Islaami ay mashaariic la taaban karo ay ka fulisaya dalka Soomaaliya arinkaas oo dadka waxgaradka ah ay u aqoonsan yihiin kartid dheeraadka ah ee ay Hay'addu muujisay xili dalka uu ku jiro xaalada qalafsan.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

nin-reeeeeeeeeeeee-300x225.jpg

 

xaaaaaaaaaaaaaaa-300x225.jpg

 

jjjjjjjjjjjjj-300x225.jpg

 

files.php?file=ws1_416529641.jpg

 

files.php?file=ws4_923876963.jpg

 

Wafdi ka socda Dalka Kuwayt oo galabta Soo gaaray Magaalada Garowe

 

 

(Garowe)RBC: Waxaa galabta soo gaaray Magaalada Garowe wafdi heer caalmi ah oo ka socda dalka Kuwat wafdigaan ayaa waxaa hor kacayay oo ka soo dejiyay airapoorka Magaalada Bosaaso Wasiirka Wsaaradda Xanaanada Xoolaaha aale Axmed Xasan Doonyaale iyo wasiirka Caaafimaadka Puntland Dr Bashiir cali bixi.

 

Wafdigaa oo ka koobnaa 10 xubnood iyo laba xubnood oo Soomaali ah ayaaa waxaa ku jira nin la taliye dhanka dhaqaalaha u ah Madaxwaynaha Dalka Kuwayt ahna Ganacsade wayn oo reer Kuwayt ah sida xogta aan ku helayno.

 

Socdaalka wafdigaan oo rasmi ahaan loo ogayn waxa uu la xariiro ayaa hadana ilo xog ogaal ah oo u waramay Warbabhinta RBC u sheegeen in uu la xariiro socdaalkooda in Dowlada puntland ay kala hadlaan sidii loo anba qaadi lahaa xariir wanaagsan oo dhaxmara Puntland iyo Kuwayt.

 

Waxaana sidoo kale la filayaaa in Madaxwaynaha ay kulan caawo la qaataan si ay ugala hadlaan waxyaabaha uu safarkooda ku wajahan yahay inkastoo loo badinayo in ay ka wada hadli doonaan sidii Gacan uga gaysan lahayen dhanka waxbarashada Caaafimaadka kaalmaynta dadka danyaryarta ah iyo arima kale.

 

Ma jirto cid katirsan Dowlada oo ilaa iyo haatan arintaan ka hadashay walow saacadaha soo socda laga yaabo in ay Xukuumadu ka hadasho oo ka warbixiso waxa uu socdaalkooda la xariiro iyo ujeedka Socdaalkooda ka danbeeya.

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C.raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this