Sign in to follow this  
Liibaan

Cuqaasha gobolka Sanaag oo ku tilmaamay dagaalka S/land ay soo qaadey gardaro qaawan

Recommended Posts

Liibaan   

Cuqaasha gobolka Sanaag oo ku tilmaamay dagaalka S/land ay kusoo qaadey Laascaanood gardaro qaawan, iyo abaabul ciidan oo laga dareemaayo gobolka Sanaag.

 

Dhahar: Odayaal dhaqameedka Sanaag ayaa ku tilmaamay dagaalka ay Soomaaliland kusoo qaaday degmada Laascaano mid gardara ah iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxay odayaashu ugu baaqeen in shacbiga woqooyi Bari ay iska difaacaan wixii dulmi ah oo uga yimaada woqooyi galbeed.

 

 

Ciidama beeleedka Sanaag ayaa sidoo kale waxaa laga dareemayaa heygan diyaar garow dagaal iyadoo aanan lagaraneynin abaabulkooda ciidan meesha u toogo noqoneysa.

 

 

Magaalooyinka Gobolka Sanaag ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa colaada gobolka Sool iyadoo ay saameeyn weyn mar walba ku yeelato gobolka Sanaag ayaa hadana waxaa aad u xun guud ahaan tayada isgaarsiinta dalka Soomaaliya taasoo dhalisay khasaaraha dhabta ah inaan wali meelo badan laga ogayn.

 

 

Dagaalka Laascaanood ayaa kululaaday mar ay madaxda Somaliland ku eedeeyeen fadeexadii dagaalkiiDhahar in uu ka dambeeyey Riyaale, laakiin hada Laascaano in sidii Dhahar aan loogu ceeboobin, waa siday warka u dhigeenee.

 

 

Sikastaba ha ahaatee, maamulka Soomaaliland ayaa inta badan weerarkiisu wuxuu soo hagaagaa bilaha ramadaan ee barakaysan, Xiryaha ciidan ee Puntlandna waxaa ugu waaweyn xeryaha gobolka Bari kuwaasoo iyagu juuqla ah oo aan wax abaabul ah ka jirin.

 

 

 

Ismaaciil Maxamed

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Sikastaba ha ahaatee,
maamulka Soomaaliland ayaa inta badan weerarkiisu wuxuu soo hagaagaa bilaha ramadaan ee barakaysan,
Xiryaha ciidan ee Puntlandna waxaa ugu waaweyn xeryaha gobolka Bari kuwaasoo iyagu juuqla ah oo aan wax abaabul ah ka jirin.

Ramadan is the month of Ibaada , but this reminds fiqi tolkiis kama jana tago. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this