Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Saameynta dagaalka ONLF iyo Itoobiya ee deegaanada Puntland (dagaalka Qarsoon)

Recommended Posts

puntland_region.jpg&cat=1&pid=3472&cache

 

by Hussein Farah(Horseed Media)

 

Bilihii lasoo dhaafay waxaa isa soo tarayey xaaladaha amni ee deegaanada Puntland iyo shirqoolo kala gedisan oo ka dhacay gudaha gobalada Puntland, kuwaasi oo dhamaantood la rumeysan yahay inay salka ku hayeen dagaal hoose oo qarsoon, kaasi oo u dhaxeeya kooxo kala duwan oo ay kamid yihiin Jabhada ONLF iyo Maamulka Kiilka Shanaad ee Itoobiya, xiisadan oo Dowlada iyo Shacabka Puntland gelisay marlaxad adag.

 

Waxaa ayaguna garab socday shirqoolada ka dhacay gudaha Puntland, hawlgalo ay wadeen ciidamada amniga iyo kuwa sirdoonka ee Puntland oo ay ku qab qabnayeen rag lagu tuhunsan yahay inay lug ku leeyihiin weeraro ka dhacay gobalada Puntland, iyo kuwo kale oo looga shaki qabo inay ku lug lahaayeen falal amniga wax udhimi kara.

 

Horseed Media ayey u suurto gashay in wareysi kala gedisan ay la yeelato xubno kala gedisan oo xog ogaal ah oo qaarkood kamid ah Jabhada ONLF, kuwa kamid ah Sirdoonka Puntland iyo waliba ciidamada Booliiska oo aan ka wareysanay arrimaha la xariira cabsida amni xumada ee ka jira Puntland iyo meesha ay salka ku heyso xiisadan saameeyey magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

 

Maqaalkan waxaanu kusoo qaadan doonaa xog iyo warbixino kala gedisan oo aan kasoo aruurinay dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Puntland saameeyey, ayadoo ay noo suurto gashay in markii ugu horeysay ay warbaahinta madaxa banaan uga waramaa qaar kamid ah saraakiisha Puntland xaalada iminka ka jirta deegaanadan iyo waxa ay ku tilmaameen “…Dagaalka Qarsoon….”.

 

Puntland iyo Soomaali Galbeed

 

Deegaanada Puntland ee Soomaaliya waa goobta la oronkaro maanta waxaa ku dhaqan inta ugu badan Soomaalida degta gobalada Soomaali Galbeed ama Kiilka Shanaad ee Itoobiya ama ********ya (qofba siduu u yaqaan), ayadoo xiriirka u dhaxeeya labada dhinac u ahaa mid salka ku haya is-dhexgalka bulshada, oodwadaag, tolnimo, Soomaalinimo iyo ganacsiga.

 

Marka laga yimaado isdhexgalka shacabka Soomaali Galbeed iyo reer Puntland, deegaanadan Puntland ayaa lagu tilmaamaa halka ay ku sugan yihiin xubno badan oo kamid ah Jabhada ONLF oo siyaabo kala gedisan u yimaada deegaanadan, ayadoo taasi salka ku heysa xiriirka soo jireenka ah ee bulshada labada gobal u dhaxeeya.

 

Hadaba xiriirkan ayaa ah mid khal khal kusoo kordhay bilihii lasoo dhaafay kadib markii ay dhaceen falal kala gedisan oo amniga Puntland wax u dhimay, isla markaana shaki ku dhex abuuray shacabka.

 

Xiriirkan soo jireenka ah ayaa waxaa bishii lasoo dhaafay ee Oktober 2009 uu gaaray heerkii ugu hooseeyey xili marxalado amni lasoo gudboonaatay deegaanada Puntland.

 

Qabashadii shanta nin iyo xiisadii ka dhalatay

 

30kii bishii September waxaa lagu qabtay dekkada magaalada Bosaaso shan nin oo la sheegay inay kasoo jeedaan gobalka ********ya ee Itoobiya maamusho, ayadoo raggan ay Dowlada Puntland ku tuhuntay in ay qeyb ka ahaayeen koox ay sheegtay dowlada Puntland in lagu soo tababaray dalka Eritereya. Ayadoo mid kamid ah ragan la sheegay in loo dhiibay dowlada Itoobiya taasi oo keentay xiisad weyn, iyo eedeynmo kasoo baxay qaar kamid ah cuqaasha iyo culumaa’ udiinka Puntland.

 

Weerarkii Gaalkacyo

 

7dii bishii Oktoober koox askar ah oo la sheegay inay kasoo tilaabeen xadka Puntland iyo Itoobiya, ayaa magaalada Gaalkacyo ka fuliyey weerar lala beegsaday guri la sheegay inuu ku sugnaa nin ay ku raad joogeen.

 

Falkan ayaa waxaa si weyn uga carooday mas’uuliyiinta Dowlada Puntland oo si deg degleh uga codsaday dowlada Itoobiya inay jawaab ka bixiso falkaasi, ayadoo arrintan ay gaartay in la bedalo sarkaalkii qaabilsanaa xiriirka labada maamul ee Itoobiya iyo Puntland.

 

Hadaba labadan dhacdo ayaa la oron karaa waxay salka ku hayaan xaaladaha amni ee wakhtigan saameynta ku yeeshay siyaasada iyo hawlgalada amni ee ka jira deegaanada Puntland.

 

Eritereya, Xisbul Islaam iyo Puntland

 

Wareysi aan la yeelanay xubno kamid ah ciidamada amniga ee Puntland oo si hoose ugu waramay Horseed Media, ayaa sheegay in ay jiraan arrimo salka ku haya dhaq dhaqaaq cusub oo kusoo kordhay deegaanada Puntland, dhaq dhaqaaqaasi oo keenay in Puntland feejignaan dheeraad ah ka yeelato xubno ay ku tilmaameen inay ka yimaadeen dalka Eritereya.

 

Mid kamid ah sarkaalada amniga oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Puntland ay soo gaartay xog la xariirta kooxo dhalinyaro ah oo lagu soo tababaray dalka Eritereya kuwaasi oo soo mara dalka Yemen, ay soo galayaan gudaha deegaanada Puntland, kuwaasi oo uu sarkaalkan sheegay in ay yihiin kuwo kamid ah Jabhada ONLF iyo waliba kooxda Xisbul Islaam ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.

 

Arrintan ayuu sheegay sarkaalkan in Puntland ay qabato qaar kamid ah dadka ay ku tuhunto inay kamid yihiin raggaasi la sheegay inay Eritereya soo tababartay isla markaana dib ugu soo noqonaya gudaha dalka Soomaaliya, ayagoo wado ka dhiganaya deegaanada Puntland.

 

Mar aan weydiinay cadeynmaha ay u hayaan arrimahan ayuu sarkaalkan sheegay inay jiraan xog dhanka xariirka ah oo ay heleen isla markaana ay la socdaan dhaq dhaqaaqa xubno muhiim ah oo uu ku tilmaamay inay isku xiraan dhinacyada kala gedisan ee koonfurta Soomaaliya iyo dalka Eritereya.

 

Hadalkan sarkaalkan ayaa ah mid uu ka guuxayo hadal uu horey u jeediyey Madaxweynaha Puntland Md.Cabdiraxmaan Faroole oo 4tii bishii Oktoober khudbad uu ka jeediyey furitaankii Airporka Bosaso ku sheegay inay jiraan xog badan oo ay ka hayaan dad lagu soo tababaray Eritereya oo soo galaya gudaha Puntland.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in aysan arrintan ahayn mid ku kooban shan qof balse ay hayaan xog ah in ka badan 100 dagaalyahan oo lagu xoojinayo Xisbul Islaam isla markaana ka amar qaata Wadaadka Shiikh Xassan Turki ay hada ku sugan yihiin dalka Eritereya kuwaasi oo uu sheegay in lagu doonayo in si qarsoodi ah dib loogu soo geliyo gudaha Puntland kadibna u gudba koonfurta Soomaaliya. Sarkaalkan ayaa sheegay in arrintan aysan ku koobneyn Jabhada ONLF ee ka dagaalanta gudaha Itoobiya.

 

Maamulka Kiilka Shanaad (Itoobiya), ONLF iyo Puntland

 

Dhanka kale Sarkaalkan ayaa sheegay in xiriirka Puntland iyo maamulka Itoobiya heerkii ugu liitay uu gaaray kadib weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay fuliyeen sirdoonka Itoobiya.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay 7dii Oktoober magaalada Gaalkacyo, ay fuliyeen askar Soomaali ah oo u shaqeeya maamulka Kiilka Shanaad ee hoostaga Itoobiya, kuwaasi oo uu sheegay inay hogaaminayeen xubno u dhashay gobalka ********ya oo ayagu soo hogaamiyey inay farta ugu fiiqaan xubin kamid ah ONLF oo ku sugnaa guri ku yaal magaalada Gaalkacyo.

 

Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dhaawacay labo nin oo midi kasoo jeedo deegaanka Puntland, halka kan labaadna uu dhashay beesha ******, waxaana la sheegay weerarkaasi inuu ka bad baaday oo uu ka fakaday xubnitii ONLF ka tirsaneyd oo ay ciidamadaasi ku raad joogeen inay khaarajiyaan.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamadan Itoobiya ka yimid dhamaantood ahaayeen Soomaali isla markaana dhulka kala yaqaan, qorshahoodana uu ahaa inay khaarajiyaan xubnaha ONLF ee ku sugan magaalada Gaalkacyo.

 

Horseed Media oo sarkaalkan weydiisay cadeynmaha ay u hayaan in weerarkan fuliyeen askar Soomaali ah oo u shaqeeya dowlada Itoobiya, ayaa sheegay in ciidamadan gaari shibil ah kusoo galeen magaalada Gaalkacyo, ayagoo aan wax shaki ah laga qabin maadaama ay Soomaali ahaayeen, wuxuuna sheegay in raggan gurigii ay doonayeen markii ay tageen irida laga furi waayey, wuxuuna sheegay in markii gurigaasi dadkii ku jiray ay shaki ka muujiyeen ragga wakhtiga danbe socda uu mid kamid ah raggaasi Itoobiya ka yimid uu afsoomaali kula hadlay, asagoo u yeeray mid kamid ah dadkii guriga ku sugnaa oo uu magaciisa xafidsanaa, asagoo iska dhigaya ehelada reerka guriga degen si irida looga furo, sidaana guriga gudaha ugu galeen.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in xubntii ONLF ahayd uu ka baxsaday guriga si dirqi ah kadib markii u maqlay rasaasta ay ku fureen mid kamid ah raggii guriga joogay, kooxdan ayaa sidoo kale waji garanayey qofka ay raadsanayaan balse u suurtoobi weyday inay fuliyaan shirqoolkooda, ayagoo markaasi isla habeenkii dib uga baxay magaalada.

 

Falkan ayaa waxaa si weyn uga carooday sida uu sheegay sarkaalkan Madaxda Puntland oo dalka ka cayriyey sarkaalkii u qaabilsanaa xiriirka Dowlada itoobiya iyo Puntland ee fadhigiisu ahaa magaalada Garowe.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan weeraro ay wadaan xubno lagu soo tababaray dalka Itoobiya kuwaasi oo si qarsoodi ah kusoo gala gudaha Puntland, ayagoo baadi goobaya xubnaha lagu tuhmo ONLF, isla markaana khaarajinaya.

 

Halka Kooxda ONLF dhankeedana ka baadi goobeyso xubnaha u shaqeeya Dowlada Itoobiya ee sirdoonka ah.

 

Go’ aanka Puntland iyo hawlgalada Amni

 

Arrintan ayuu sheegay sarkaal kamid ah ciidamada Booliiska Puntland oo ku sugan magaalada Gaalkacyo in ay jahwareer ku riday maamulka Puntland oo uu sheegay in xiligan uu go’ aansaday inay xabsiga dhigaan cidii ay ku tuhmaan ay kamid yihiin labadan kooxood ee is raadsanaya.

 

Dhinaca kale mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Sirdoonka Puntland oo asaguna ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa Horseed Media u xaqiijiyey in dowlada Puntland gacanta ku dhigtay mid kamid ah ragga u adeega Dowlada Itoobiya oo falal shirqool ah ka fuliyey gudaha Puntland.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in wafdi dhawaan yimid maamulka Puntland oo ka socday Dowlada Itoobiya uu codsaday in dib loogu soo celiyo ninkaasi loo heysto inuu ka danbeeyey dilka xubno ka tirsanaa ONLF oo gudaha Puntland lagu khaarajiyey.

 

Dowlada Puntland ayaa sheegtay inaysan dowlada Itoobiya ku wareejin doonin ninkaasi ayadoo sheegtay inay sharciga soo hortaagi doonto.

 

Dhawaan ayuu socdaal qarsoodi ah ku yimid magaalada Bosaso Wasiirul Dowladaha Itoobiya ee dhanka Arrimaha Dibada Mr.Takedu Alum, asagoo la kulmay Mas’ uuliyiinta Puntland asagoo kala hadlaya sidii dib loogu hagaajin lahaa xiriirka labada dhinac.

 

“….dhibka jira waxaa weeye dagaalkii ka jiray ********ya wuxuu siduu u socday soo galay gudaha Puntland, magaalooyinka waaweyn ee Puntland dhexdooda ayey isku ugaarsanayaan kooxahan iska soo horjeeda, tilaabada kaliya ee nala gudboon inaanu qaadano waa in aan amniga Puntland sugno oo wixii amniga wax u dhimaya dhinicii ay doonaan ha ahaadeenee aan gacanta ku dhigno…” ayuu yiri Sarkaalkan ka tirsan Ciidamada amniga Puntland oo sheegay in ahmiyadooda ay tahay sidii amaanka loo sugi lahaa.

 

“…shacabka way kacaan markii ay maqlaan qof baa la qabtay ama qof baa Itoobiya loo dhiibay, balse waxaysan ogeyn in xataa ay jiraan rag sirdoon ah oo u shaqeeya Itoobiya oo xabsiyada Puntland lagu hayo, kuwaasi oo ay Itoobiya ku sheegto inay yihiin ONLF ayadoo uga danleh si gacanta loogu soo galiyo oo ay hadhowna u siidaayaan si ay hawlahooda u wataan….” Ayuu yiri sarkaalkan oo sheegay in Puntland amnigeeda khal khal geli doono hadii aan wax laga qaban xiisadan ka timid gobalada Kiilka Shanaad ee gudaha usoo gashay deegaanada Puntland.

 

Mid kamid ah Xubnaha ONLF ee ku sugan magaalada Bosaso oo Horseed Media u waramay ayaa sheegay inay si weyn uga xun yihiin xariga qaar kamid ah dad aan waxna galabsan, asagoo qiray inay jiraan falal shirqoolo ah oo ay fuliyeen sirdoonka Itoobiya oo uu sheegay in ay si qarsoodi ah gudaha Puntland usoo galaan una fuliyaan weeraro lala beegsado xubno kamid ah jabhadooda.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay ineysan jirin xiriir ka dhaxeeya ayaga iyo kooxda Xisbul Islaam ee la sheegay in maleeshiyaad loogu tababaray dalka Eritereya kuwaasi oo la rumeysan yahay inay gudaha Puntland doonayaan inay soo galaan.

 

Wuxuu sheegay ninkan kamid ah Jabhada ONLF in deegaanada Puntland ku sugan yihiin in badan oo kamid ah jabhadooda balse aysan wax dhibaato ah u hayn shacabka Puntland, isla markaana aysan dooneyn in wax khal khal ah ku abuuraan amniga Puntland, walow uu sheegay inay ku jiraan dagaal ka dhan ah Itoobiya oo uu sheegay inay wado walba u marayaan.

 

“….anagu xiriirka naga dhaxeeya shacabka Puntland waa mid adag, balse dowlada Puntland ayadu waxay dooneysaa inaanan wax far ah nuuxin oo aynan wax jawaab ah ka bixin duulaanka Itoobiya….”

 

Mar aan wax ka weydiinay xubintan kamid ah ONLF ciidamada badan ee Soomaalida ah oo kasoo jeeda gobalka Soomaali Galbeed ee ayagu u fulinaya weerarada lala beegsanayo xubnaha ONLF sida ay shacabka ama dowlada Puntland ku kala garan karto, ayuu ku jawaabay.

 

“…anagaa is naqaan….balse maaha in ONLF gacmaha la qabto….”

 

Puntland iyo marxalada cakiran

 

Waxaa hubaal ah in dowlada Puntland xiligan ku jirto xaalad adag.

 

· Dowlada Puntland waxay eedeyn kala kulmeysaa shacabkeeda iyo waxgaradkeeda oo si weyn uga soo horjeeda in dadka Soomaalida ah gacanta loo geliyo Itoobiya.

 

· Marna waxay Dowlada Puntland dhibaato kala kulmeysaa shirqoolada iyo falalka amniga wax u dhimi kara ee ka dhaca gudaha Puntland, taasi oo eedeedana ay dowlada qaadaneyso, waa hadii amniga faraha ka baxo.

 

· Puntland inkastoo aysan ONLF ku tilmaamin si rasmi ah Jabhad ka mamnuuc ah dhulkeeda, hadana waxay sheegtaa in Puntland dhulkeeda aan weerar meel kale ku jiheysan laga qaadi karin.

 

· Dhanka kale Itoobiya waxay si hoose Puntland ugu eedeysaa in tilaabo adag aysan ka qaadin xubnaha ka tirsan ONLF ee ku sugan magaalooyinka waaweyn ee Puntland, taasi oo hada keentay in si qarsoodi ah ay shirqoolo ulla beegsato dadka ay u aragto inay khatar ku yihiin, ayadoo adeegsaneysa dad Soomaali ah oo tababaran.

 

Aragtida shacabka iyo baaqyada Cuqaasha Puntland

 

Marka laga yimaado hawlgalada ay ciidamada amniga Puntland wadaan waxaa ayaguna soo baxaya cuqaasha Puntland iyo Culumaa’ udiinka oo ku baaqaya in aan lagu xad gudbin xaquuqda dadka walaalaha ah ee ku dhaqan gobalada Puntland, kana soo jeeda gobalada Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya kamid ah.

 

Waxaase hubaal ah in shacabku ay taageersan yihiin in amniga Puntland uusan faraha ka bixin, maadaama hadii ay taasi dhacdo uu burbur ku imaan karo amaanka ay ku nool yihiin dadkii kasoo baro kacay Gobalada Kiilka shanaad, iyo koonfurta Soomaaliya ee hada ka jirta deegaanada Puntland.

 

Waxaana lama huraan ah in Dowlada Puntland kasoo baxdo kaalinteeda ku aadan sidii ay shacabka ugu soo bandhigi lahayd marxaladaha jira, si ay shacabka xog uga helaan arrimaha amnigooda saameynta ku yeelan kara ee weli ka daahsoon ee u baahan in bulshadu wax ka ogaato, si ummadu u dareento halka xalka dhabta ah ku jiro.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this