Cowke Posted September 28, 2009 Galkacyo, Sept 28 - Hay’adda Islamic Relief oo ka hawlgasha Puntland ayaa deeq raashin ah gaarsiisay ku dhawaad labo kun oo qoys oo qaxooti ah, kuwaasi oo ku nool kaamam qaxootiga ee ku yaalla magaalada Galkacyo iyo nawaaxigeeda. Deeqdaan ay bixisay hay’adda Islamic Relief oo ka koobnayd cunnada qutul-daruuriga ah iyo saliid, ayaa si rasmi ah loo gaarsiiyey 1993 qoys oo ah dadka tabaalaysan ee ku nool xeryaha barakacayaasha ee ku teedsan gudaha iyo daafaha magaalada Galkacyo. Deeqdaan oo la bilaabay bixinteeda 17-kii bishaan September ee aan ku gudo jirno, ayaa laga qabiyey siddeed xero qaxooti oo ay ku nool boqolaal qoys oo aad u tabaalsayan, kuwaasi oo inta badan ku tiirsan deeqaha bini’aadantimo ee ay ka heleen hay’adaha gar-gaarka. Meelaha la gaarsiiyey deeqdaan raashinka ah, ayaa waxaa ka mid ah Kaamka Tawakal oo ku yaalla duleedka magaalada Galkacyo, waxaana deeqdaasi la guddoonsiiyey 700 oo qoys oo ku nool kaamkaasi. Sidoo kale Kaamka Siinaay oo isna ku yaalla gudaha magalaada Galkacyo, ayaa deeqdaasi gacanta loo galiyey 200 oo qays, oo ah dadka masaakiinta ah ee xeradaasi ku nool, waxaana sidoo kale isna gar-gaarka raashinka ah la gaarsiiyey Kaamka Garsoor oo ku yaalla isla gudaha magaalada Galkacyo, waxaana isna mucaawinada qaatay oo la siiyey 320 qoys. Kaamka Buulo-Koontarool, ayaa isna ka mid ahaa kaamamkii hay’adda Islamic Relief ay deeqda ka qaybisay, waxaana wax ka qaatay deeqdaasi qooysas gaaraya illaa 200 oo qoys, waxaana isna deeqda la gaarsiiyey Kaamka kale ee lagu magaacbo Hala-bookhad, kaas oo ay hay’addu gar-gaarka raashinka ah ka siisay 73 qoys. Dhanka kale Kaamka Margaaga oo ku yaalla aga-gaarka Beesha Bacadweyn, kana mid ah meelaha qoxootiga badani ku nool-yihiin ayaa isna la gaarsiiyey deeqda rashinbka ah ee hay’adda Islamic Relief ugu talo-gashay dadka tabaalaysan, waxaana halkaasi wax loo qaybiyey 200 oo qoys, dhammaanna dadkii deeqdaasi raashanka ahi ay gaartay ayaa u mahad-celiyey hay’adda Islamic Relief oo iyadu dadkaan taagta-daran gar-gaarkaasi u qaybisay, waxaana mas’uul u hadlay hay’adda uu sheegay in ay deeqdaan ugu talo galeen farxadda ciidda. Munaasabadda lagu bilaabayey qaybinta raashinkaan oo ka dhacday Kaamka Qaxootiga ee Tawakal, ayaa waxaa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin ka socday ha’adda Islamic Relief oo uu ka mid ahaa agaasimaha guud ee Barnaamijyada hay’adda Islamic Relief Somaliya, ninka lagu magacaabo Ifti-kaar Axmed, Xiriiriyaha Barnaamiyada hay’adda Islamic Relief Galkacyo, Eng. Ibraahim Jaamac Nuur, guddoomiye kuxigeenka gobolka Mudug Bashiir Maxamed Mire, duqa magaalada Galkacyo C/raxmaan Maxamed Xaaji Xasan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay ururrada bulshada iyo maamulkaba. Mas’uuliyiinta as oo badan koodi ka hadlay munaasabadda lagu furayey qaybinta raashinkaasi, ayaa ku dheeraaday mahad-celin iyo hambalyo ay u soo jeedinayeen hay’addaasi, waxayna kula dar-daarmeen in ay sii labo jibaarto gar-gaarka iyo quudinta dadka taagta-daran. Ma’ahan markii ugu horraysay oo hay’adda Islamic Relief ay sidaan oo kale deeq gar-gaar ah ugu qaybiso dad qaxooti ah, waxaana ay meelo badan oo ka mid ah gobollada Puntland ay gaarsiisay mucaawimo noocaan oo kale ah taasi oo ay badankeeda ku saacidday dadka tabaalaysan. C/fitaax Cumar Geeddi, Idaacadda Daljir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted September 28, 2009 This an excellent development and i am happy to see this. This is one of the huge areas that has been neglected in Puntland because the world aid firms don't give puntland its fair share of quota to deal with this influx of displaced ppl. If this sector is ignored, it leads to unstable puntland and security worsens, so it is in the interest of the state to make sure all aid firms are based in puntland to help deal with this which was signed in galkacyo accord apart of one of the 15 agreements. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted September 29, 2009 GOOD NEWS AFTHER GOOD NEWS woWO :eek: :eek: keepit up Puntland!! Quote Share this post Link to post Share on other sites