General Duke Posted May 29, 2008 Waxaa soo baxaya warar hor dhac ah oo ku saabsan xubnaha mucaraadka somalia ee ka qayb gali doona golaha wasiirada ee dawladda fedaralka somalia. Wararkaasi oo aan ka soo xiganay dad wargal ah oo ku dhow dhow dawladda KMG,isla markaana aan dooneyn in magacooda la sheego,waxay xoojinayaan in qaybta mucaaradku ka heli doonto qaybsiga kuraasta dawladda ay ka mid tahay jagada R/wasaaraha oo lagu wado inuu qaban doono Sheikh Shariif iyo Dr Cadaw oo maxkamadaha u qaabilsan arrimaha dibadda oo noqon doona wasiirka r/wasaare ku xigeen iyo wasiirka waraafinta. Waxaa kale oo qorshuhu yahay in speakerka barlamaanka loo celiyo Shariif Xasan iyo ilaa 14 xubnood oo hore looga eryey barlamaanka oo ku biiray kooxda Asmara iyagana loo soo celiyo kuraastoodii barlamaanka. Warku wuxuu intaasi ku darayaa in jagooyin kale oo wasiiro ah ay qaban doonaan xubno kale oo mucaaradka ka tirsan,isla markaana tirada golaha wasiirada la kordhin doono oo laga dhigi doono ilaa 25 wasiir oo lagu saleyn doono hab-qaybsiga 4.5 ee beelaha somalida. Waxaa kale oo la sheegayaa in xubnaha banneyn doona jagooyinka la siin doono mucaaradka oo ay ka mid yihiin R/wasaaraha haatan Nuur Xassan Xussen "Nuur Cadde" iyo Ahmed Abdisalam ay qayb ka sii ahaan doonaan dawladda iyagoo la taliyayaalna noqon doona. Dadka laga soo xigtay xogtaan waxay aaminsan yihiin in iminka laga sii shaqeynayo oo uu ka socda Barlamaanka baydhabo gudihiisa sidii barlamaanku u ansixin lahaa go'aanada shirka Jabouti lagu qaadan doono,iyadoo aragtidu tahay in mucaaradka iyo dawladu heshiiyaan,garabka kale ee mucaaradka ee Tuulada Asmara oo hogaamiya kooxaha dagaalada ka wada dalka somalia gudihiisana la tuso somalida iyo beesha caalamka in aysan nabad doon ahayn. Wixii ka soo kordha xaaladahan cusub,kala soco Carmooyin.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted May 30, 2008 C'mon, give us break ...this thread belongs to the joke's section yaa Duke. I dont think why Shariifka or anyone else would join to a dying amxaaro slave entity if he hasn't lost his grasp on reality. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 30, 2008 ^^^Allamagan the TFG is here to stay, thats why the Sharif Xasan wants to be speaker and Sharif Ahmed wants to be PM or minister. Its logical, this govenremnt is going beyond 2009 and on and on. Quote Share this post Link to post Share on other sites