guraad Posted July 28, 2003 Monday, July 28, 2003 at 21:10 Muqdisho, (AllPuntland) - Qarax wayn ayaa caawa laga maqlay Hotel Saxafi oo ku yaala Muqdisho halkaas oo ay dagan yihiin guddiga sahanka hub ka dhigista Soomaaliya ee ka socda Midowga Africa. Lama soo sheegin cid wax ku noqotay, hayeeshee waxaa dad joogay hoteelkaas ay AllPuntland u sheegeen in qaraxu aad u waynaa isla markaasna laga dareemay hoteelka iyo xaafadaha u dhow oo dhan. Lama yaqaan cidda ka dambeysa, waxaase jirtey waraaqo digniin ah oo Arbacadii lagu daadshay Muqdisho kuwaas oo loogu digayo guddigaasi inay magaalada isaga baxaan. Waxaa waraaqahaas digniinta ahaa, lagu sheegey in guddigaani u shaqaynayaan Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites