Sign in to follow this  
Juje

Ciidamada dowladda kmg ah oo gaadiid dagaal laga qabsaday. (pics)

Recommended Posts

Juje   

Ciidamada dowladda kmg ah oo gaadiid dagaal laga qabsaday.

Ciidamada dowladda kmg ah ee somalia ee fariisinka ku lahaa waddooyinka koowaad iyo labaad ee suuqa Bakaaraha ayaa maanta halkaasi laga saaray kadib markii ay dagaal la galeen kooxo hubeysan iyadoo gaadiid dagaal ciidamadaasi laga qabsaday.

ugu yaraan labo gaadiidka dagaalka ah oo kala ahaa cabdibile iyo nuuca biiteenka loo yaqaano ayaa laga wareegay ciidamada dowladda iyadoona xoog looga saaray fariisimadii ay ku lahaayeen isgoyska H/wadaag iyo kan aadan cade walow ay hada dib ugu soo laabteen ciidamadu saldhigyadaasi.

 

ugu 5 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi kuwaas oo ay ka mid yihiin dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah waxana jira dhaawacyo aad u tira badan

 

Iska hor’imaadkaan oo la isagu adeegsanayo nuucyada hubka fudud ayaa waxa saameyn ku yeeshay howlihii ganacsiga ee suuqa Bakaraha waxaana la maqlayaa sawaxanka rasaasta.

 

Lama oga khasaraha rasmiga ah inta uu dhanyahay balse waxa iska cad uu jiro khasaare.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal nuucaan uu ka dhaco suuqa Bakaaraha waxana dadka qaar sheegayaan in ciidamada dowladda kmg ah ee fariisinka ku leh isgoyska h/wadaag ay doonayeen inay gudaha gudaha u galaan saaka goobo ganacsi oo ku yaala wadada koowaad ee suuqa Bakaaraha iyadoo ciidamadaasi lagu eedeeyay inay dhac u gaysanayeen baqaar saliida lagu kaydiyo.

 

gaadiidka.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

macag dowlad baa iska ba'ay: xage lagu arkey a dowlad that attempts to rob it's own citizens and the flees when it is resisted?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this