Liibaan Posted June 21, 2010 Mustafe Galaal oo si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Buuhoodle {Buuhoodle}21-06-10Mustafe Galaal iyo ciidamo uu hogaaminayo oo iskaga soo baxeen maamulka Somalidiidka ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn. Soo dhawayntan oo ay ka qayb qaateen dhamaan shacab waynaha SSC ee magaalada Buuhoodle, Shacabka reer Buuhoodle ayaa kaga hortagay meel magaalada Buuhoodle dhanka Widhwidh ka xigta 19KM. shacabkan oo uu hogaaminayay Garaad abshir Saalax Maxamed, waxaan mustafe Galaal iyo ciidamadiis lagu soo dhaweeyay Caleemo Qoyan. WidhWidh Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 21, 2010 Soo Dhaweynta Mustafe Galaal Monday, 21 June 2010 08:38 Buuhoodle(Jidbaale.com):-Ka dib markii Mustafe Galaal iyo ciidamo uu hogaaminayo iskaga soo baxeen maamulka Somalidiidka ayaa waxaa soo dhaweyn weyn u sameyey dadweynaha reer Buuhoodle oo kaga hortagay meel magaalada Buuhoodle dhanka Widhwidh ka xigta 19KM. Dadweynahan oo uu hogaaminayey Garaad Abshir Salaax Maxamed ayaa waxay Mustafe iyo Ciidamadiisa ku soo dhaweeyeen Caleemo qoyan. Daawo Sawiradda Markii la soo gaadhay gudaha magaalada Buuhoodle ayuu Mustafe dadkii la hadlay isla markaana halkaas ka soo jeediyey qudbad aad u heer saraysa. Mustafe wuxuu sheegay in uu go'aansaday in uu raaco talada Tolkii iyo rabitaanka shacabka SSC guud ahaan oo uu sheegay in ay isku wada talo yihii. Wuxuu sheegay Mustafe in uusan jirin nin tolkiis ka talo noqon karaa, lama huraankuna uu yahay Cawkaska jiilaal sidaas daraadeedna uu go'aan cad ku qaatay in uu adeeco talada Jaaliyada beeshiisa oo dedaal weyn ka muujiyey arintan. ' Aad ayaan ugu faraxsanahay imaashahayga halkan' runtii anigu waxaan la talo ahay Tolkey' waxaan u imid in aan wanaaga dadkeyga ka qayb qaato' isla markaana aan muujiyo in aan ahay mudwaadin reer SSC ah ayuu yidhi Mr: Galaal. Jaaliyadda beesha uu Mustafe ka soo jeedo ayaa dedaal badan ku bixisay in Mustafe Galaal ay ku qanciyaan in uu fekerkiisa bedelo. Taasoo Mustafena uu si weyn uga aqbalay, wuxuu kaloo Mustafe ku guulaystey in uu dhamaan Ciidamadii beeshiisa ka soo jeeday ka wada saaro maamulka Somalidiidka. Asagoo dhamaantood hada isugu geeyey meelaha ay ku sugan yihiin Ciidamada kale ee SSC halka qaarna ay asaga horey u sii raaceen. Dadaalkan Midhaha dhalay ee ay qaadeen jaaliyada qurba joogta ah ee Beesha Mustafe Galaal ayaa ah mid si weyn ay u soo dhaweeyeen dhamaan Shacab weynaha SSC meel ay joogaanba taasoo ay ku tilmaameen mid ku dayasho mudan. Waxay kaloo shacabku ugu baaqeen in kuwa kale ee ku hadhsan maamulkaas ay qaataan fekerka Geesinimada leh ee uu qaatay Mustafe Galaal taasoo uu tolkiis geesta kaga raacay. Isku soo wada duubo hadii jaaliyadaha SSC ay arimahan oo kale ku dhaqaaqaan isla markaana ku qanciyaan xubnaha Beelahooda ee ku jira maamulkaas, waxaa biyo kama dhibcaan noqonaysa in maleeshiyaadka Somaalidiidku iskaga huleelaan deeganada. Marka ay waayaan cid ay dugsadaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites