Sign in to follow this  
Abwaan

Wadada Wadnaha oo saakay dib u furantay, kadib maleeshiyaadkii kooxda mbagathi oo cag

Recommended Posts

Abwaan   

Wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dib u furantay, kadib markii dhowrkii maalmood ee laga soo gudbay ay xirneyd wadadaasi oo dagaalo ay ka soconayeen, iyadoo sababtuna tahay dagaalkii weynaa ee dharaar cad lagu qabsaday laguna gubey Saldhiggii Howlwadaag oo ahaa xarunta ugu weyn oo maleeshiyada kooxda mbagathi laga hagi jirey.

 

Gaadiidka Bl-ka ah ee isaga kala goosha sanco iyo Bakaaraha, Siinaay iyo km4 ayaa dib u howl galay, iyada oo dadka badankiisa ay socod wadadaasi ku marayeen,waxayna arrintan ku soo beegantay kadib markii maleeshiyaadka dharka ciidan loo geliyey ee halkaasi ku sugnaa ay halkaasi isaga baxeen.

 

Wararka ayaa sheegaya in ganacsigii Suuqa Bakaaraha iyo meelo ka mid ah wadada wadnaha ay saakay dib bilowdeen,waxayna dadka soo dhaweeyeen arrintaas.

 

Sedexdii maalmood ee laga soo gudbay waxaa xirnaa wadada wadnha ee magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay jireen wadahadallo dhex maray hoggaamiyaasha maleeshiyada kooxda mbagathi iyo ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo weliba Oday dhaqameedyo.

 

Maleeshiyo beeleedka dharka ciidan loo geliyey ayaa ku sugan meel aan sidaasi uga fogeyn Saldhigga Howlwadaag, oo dhowaan ay qabsadeen, burburiyeen, Xoogagga Xoreynta Dalka ee dagaalka kula jira Ciidamada tigreega iyo maleeshiyaadka u adeega ee kooxda mbagathi.

 

Si kastaba, waxaan la ogeyn sida ay u sii furnaan karaan wadadan iyo suuqa Bakaraha, maadaama maleeshiyaadka kooxda mbagathi aaney bililiqo la,aan noolaan karin, Xoogagga xoreynta dalkuna aaney falalkaas oggolaan karin. Dalkanews.com

 

Mujaahidiinta Soomaliyeed oo dagal culus kukadiyay ******** joogtay suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Dayax halkaasoo gacan kuheyntiisa lawareegeen

 

Allaahu akbar mujaahidiinta Soomaliyeed ayaa saakay lawareegay gacan kuheynta suuqa Dayax ee lagu iibiyo xoolaha nool ee kuyiil xaafada Huriwaa kadib markii saakay halkaasi dagaal culus kudhex maray mujaahidiinta iyo ********ta Mbagaati.

 

Sida dad goob jooga noo xaqiijiyeen mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa si buuxda ula wareegay gacan kuheynta suuqaasi oo lacago fara badan oo baada looga qaadi jiray xoolaha lageeyo suuqaasi iyo dadka doonaya iney iibsadaan.

 

********tii Mbagaati ee joogtay suuqaasi ayaa laga dhigay kuwa ladilay iyo kuwa cararay sida ay noo sheegeen dad goob joogayaal ilaa iyo hadana nama soo gaarin qasaaraha xoogan ee gaaray dabadhilifyada Tirkeega. Qaadisiya.com

Meles Zanawi oo doonaya in dalka Soomaaliya laga dhigo laba dal oo gobolo qabaa'il kataliyo loo sii qeybiyo

 

Kaafirka lagu magacaabo Meles Zanaawi ee xooga kuheysta shacabka Etoobiya ee maatida ah ayaa maleegaya shirqool lagu kala qeybinayo dalka Soomaaliya iyadoo gudi uu horey umagacaabay ay soo jeediyeen in kala qeybiyo dalka Soomaaliya.

 

Sida lagu helay xog lagu kalsoon yahay oo laga helay rag kudhow Kaafirkaaasi waxa ay muujinayaa in gudi uu madax ka ahaa kaafir lagu magacaabo Tekeda Alemu oo nidaamkaasi ktirsan ay soo jeediyeen talaabooyin ay kamid tahay in laba dal laga dhigo Soomaaliya labadaasi dalna gobolo hoos yimaado qabaa'ilo loo sameeyo.

 

Qodabada uu soo saaray gudigan lixda bilood diyaarinayay sida laga yeelayo mustaqbalka Soomaaliya ayaa waxaa kamida in Soomaaliland aqoosni lasiiyo nidaamka Sanaawi uu door muhiima kaqaato sidii aqoonsi caalami ah uheli lahaa maamulka isku magacaabay Soomaaliland.

 

In koonfurta Soomaaliya laga dhigo dal goono oo loo qeybinayo afar gobol oo kudhisan qaab qabiil sida Putland, Hawiyeland,Jubaland iyo *********land kuwaasoo nidaam fedaraali lagu sheegayo loo sameynayo.

 

iyo qodobka 3aad oo ah in dhulka Soomaali galbeed laga go'doomiyo gobolada kale ee Soomalida iyadoo laxadidiyo isusocodka gaadiidka ee kadhaxeeya iyo arimaha ganacsiga si aysan wada shaqeyn udhex marin.

 

Shirqooladan ayaa waxey qeyb kayihiin shirqoolada loo maleegayo umada soomaalyeed ee gumeesiga kusoo duulay waxaana haboon in shacabka ka feejignaado shirqooladaasi. Qaadisiya.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jidkaas ma taqanaa? Laba tilaabo uu u jiray gurigeyna, oo Isgoyska Bakaaraha talaabooyin u jiray. Kii ka imaanaaye Isgoyska Sanca, soo maraaye kan Wardhiigleey, Howlwadaag, Bakaaraha, Kaasa Balbalaare ilaa iyo Tarbuunka, kuna leexanaaye Digfeer.

 

Laakiin goormaa Jidka Wadnaha loo bixiye? Dagaaladdii Cali Mahdi iyo Caydiid ka bacdi aan filaa, maadaama jidkaas noqday kan ugu weyn isku xiro waqooyi iyo koonfurta ee Xamar. Awal kan Maka Almakurama ee ka imaado Ceelgaab oo sii jeexo Sayidka, Dabka, Lambarafar, Isbitaal Banaadir iyo ilaa Lafoole socdo ayaa ugu muhiimsanaa Xamar.

 

Sugba jidadkii waa weynaa ee Xamar waqooyi iyo koonfur u kala goyn jirtay aanba soo xasuustee, ee waxee kala ahayeen miyaa kor haddii laga soo bilaabo jidadka Warshadaha, Sodonka, Wadnaha, Maka Almakurama, Dekedda. Saas aan filaa inay iskugu xigeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this