Sign in to follow this  
Gabbal

Aqoon-iswaydaarsi lagaga hadlayo Nabada Gobalka Gedo

Recommended Posts

Gabbal   

Aqoon-iswaydaarsi lagaga hadlayo Nabada Gobalka Gedo oo maanta ka furmay Deg Buurdhuubo ee Gobalka Gedo

 

Wararka ka imaanaya degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta uu degmadaasi ka furmay aqoon isweydaarsi looga hadlayo baraarujinta nabada Gobalka.

 

Aqoon-iswaydaarsigan oo ujeedadiisu tahay in kor loogu qaado nabada Gobolka, in lasoo Celiyo isdhexmarkii iyo isku socodkii dhamaanba dadwaynaha ku nool Gobolka ayaa ugu danbaybta laga soo saari doonaa qodobo ka hadlaya sidii nabad waarta loogu heli lahaa Gobolka Gedo iyadoo la dhisi doono Gudi Heer Gobol ah oo nabada ka shaqeeyn doona.

 

Aqoon-isweydaarsigani oo sidoo kale lagu qaban doono dhamaan degmooyinka Gobalku ka koobanyahay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay howlwadeenada Hay’ada marka Magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo Somali Agricultural Development Organization (SADO), wuxuuna socon doona mudo 5 maamlood ah.

 

Aqoon-iswaydaarsigan oo mid la mid ah horey loogu soo gabagabeeyay degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, iyadoo ay ka soo qeybgaleen dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degmada Buurdhuubo sida odayaasha, culuma udiinka, aqoonyahanada Haweenka, iyo dhalanyarada ee degmadaasi.

 

Maxamuud Cumar Daahir oo ah xiriiriyaha Barnaamijka dhisida nabada ee gobolka Gedo oo ka hadlay furitaanka aqoon isweydaarsigaani ayaa sheegay ujeedada ay u qabteen inay laxiriirto horumarinta nabada gobolka Gedo iyo ilaalinta xaquuqda aadanaha, islamarkaana ay ku baahin doonaan degmooyinka kale ee gobolka Gedo si loo helo nabad iyo xasilooni buuxda.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka degmada Buurdhuubo waxaayna tibaaxeen baahida loo qabo nabada iyo sida ugu haboon ee nabad loogu soo dabaali lahaa degmooyinka gobolka Gedo.

 

Keynaan

Gedonet-Mogadisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this