Jacaylbaro Posted January 31, 2008 Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inuu cafis Madaxweyne ku soo dayn doono Maxaabiista u dhalatay Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii dhawaan dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland. Warkan oo laga soo xigtay qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer Sool oo muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa dedaal ay ku doonayeen in Madaxweynuhu cafis u fidiyo maxaabiistaas, waxa la sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dayn doono.... Maxaabiista Somaliland ka qabatay ciidamada Puntland ayay tiradoodu gaadhaysaa 60 Maxbuus, waxaana ka mid ah kuwo badan oo u dhashay Somaliland balse ka bar bar dagaalamayay ciidamada Puntland. Siyaasiyiin iyo wax garad u dhashay gobolka Sool ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa sidii Madaxweyne Rayaale cafis ugu fidin lahaa maxaabiista lagu qabtay dagaalka ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, taas oo la sheegay in Madaxweynuhu hadda ogolaaday, waxaana maxaabiistaas ka mid ah taliye ku xigeenkii ciidanka Puntland Col. Dayr Xaaji Cabdi Iska-toos oo isagu dhalaho ahaan ka soo jeeda Somaliland. Warku ma sheegin xilliga maxaabiistaas oodda laga soo qaadi doono, laakiin waxa la sheegay in dedaalkii soo dayntooda loogu jiray gebo gebo ku dhow yahay. HAA Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted January 31, 2008 A good and positive gesture from Riyaale! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 31, 2008 EXCLUSIVE AFNUGAAL.COM:::Sida uu goor dhowayd khadka telefonka noogu xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada Somaliland waxaa dhowaan la soo dayn doonaa dhamaanba maxaabiista ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag Cayn Mudug, Nugaal iyo Waliba gobola Bari ee ku jira xabsiyada Somaliland.. Maxaabiistan la soo daynayo ayaa ah kuwa lagu qabtay dagaaladii gobolka Sool ku dhexmaray Maamulada Somaliland iyo Puntland , sarkaalkan aanu warka ka soo xiganay oo ka gaabsaday magaciisa ayaa intaasi raacshay in maxaabiista la siidanayo uu ku jire Taliye ku xigeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland Col: Deyr Cabdi Iska toos iyo wali abaanduulihii ciidamada Puntland qaybta gobolka Sool Col: Siciid Doob .iyo waliba maxaabiis kor udhaafaysa 60 maxbuus.. DHamaanba Maxaabiista ayaa lagu siidaynayaa Cafis uu u fidiyey Madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale ka dib markii ay arintaasi dadaal dheeraada ugaleen siyaasiinta ka soo jeeda Gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn oo aakhirkii ku qanciyey Madaxwaynaha Somaliland in uu cafis u fidiyo maxaabiista ay ciidamada Somaliland ku qabteen dagaaladii dabayaaqadii sanadkii hore ka dhacay Gobolka Sool .. Maxaabiista Iyagu Ka soo jeeda Gobolada Mudug. Nugaal iyo Bari, ayaa la sheegay inay mudo aan la cayimid ka danbayn doonaan kuwa Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ka soo jeeda , Sarkaalka ka tirsan Madaxtooyada Somaliland ee ay la xidhiidhay Afnugaal.com Maanta ayaa ka gaabsaday Maalinta iyo Saacada ay bilaabmayso sii daynta maxaabiistaasi , isagoona ku gaabsaday oo keliya in dhowaan la sii dayn doono.. Waxaa indhowaale ka socotay Magaalada Hargaysa dhaqdhaqaaq ay wadaan siyaasiyiinta Gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn kaas oo ay ku doonayaan in la siidaayo dhamaanba maxaabiista lagu qabtay dagaaladii dhexmaray Puntland iyo Somaliland dadaaladaas oo hada umuuqda kuwa midho dhalay . Siidaynta Col: Deyr Cabdi iyo maxaabiista kale ee ku jira gacanta Somaliland ayaa sid aada looga soo dhowayn doonaa gobolada SSCayn , waxaana hadeer ku sugan magaalada Hargaysa qaar ka mid ah ehelada Col: Deyr oo iyagu hore usii raacay Siyaasiga Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo safar ku yimid magaalada buuhoodle isla maalintii la qabtay Col: Deyr Cabdi iyo Ciidamo uu watay .. NB: Kala Soco Shabakada Afnugaal.com Wararka Sii daynta Maxaabiista Ku jira Gacanta Somaliland oo aanu deg deg idiin ku soo gudbin doono marba wixii ka soo kordha Quote Share this post Link to post Share on other sites