General Duke Posted July 18, 2007 Kurta-Waarey: Mas’uuliyiinta Sh/Hoose oo maanta la wareegay maamulka Kurtun Waarey 18. July 2007 Kurta-Waarey(AllPuntland)- Mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha oo ay wehliyaan kuwo gobolka Sh/Hoose ayaa maanta la wareegay maamulka degmada Kuntu Waarey, iyadoo munaasabad ka dhacday halkaasina ay xilkii kula kala wareegeen maamulkii hore midka cusub. Guddoomiyaha cusub ee degmada Kurta Waarey Maxamed Axmed (Maxamed Nuur) auaa lagu wareejiyay maamulkaasi iyadoo guddoomiyihii hore Salaad Nuur uu halkaasi si dimoqraadiyad ah ugu warejiyay xilka mas’uuliyiinta cusub ee loo soo magacaabay degmada Kurta Waarey. Mas’uuliyiinta dowladda iyo kuw Sh/hoose ayaa maalmahanba waday sidii maamulada cusub ee gobolka Sh/hoose ay ula wareegi lahaayeen degmooyinka iyagoo horay ula soo wareegay Degmada Baraawe, Marka, Shalaambood, Buulo Mareer iyo deegaano kale. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites