Abwaan Posted May 12, 2009 May 10, 2009 at 02:08 PM Dagaal-Ooge Xasan Daahir Aweys ayaa furinta hore ee dagaalka ku jirey labadii maalmood ee ina dhaaftey si uu isugu laayo dadka Walaalaha ah ee dagaalkii uu ka cararey ee Amxaarada soo wada galey. Dagaal-oogaha xukun u dirirka ah ayaa ciidamadiisu dhabar jebin ku sameeyeen ciidankii Maxkamadaha oo aan filayn in kooxdiisu ay dagaalka ku jiraan. Dagaalka ayaa haatan ku faafey inta badan Koonfurta magaalada Muqdisho iyadoo Xasan Daahir oo hore u caddeeyey inuu dalka ugu soo laabtey si uu u diriro uu soo lebistey sida wararku sheegayaan lebiskii dagaalka isagoo u soo diyaar garoobey inuu dhiig Muslim daadiyo. source: Dhagaxuur.com Quote Share this post Link to post Share on other sites