Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops take over more areas...IfkaXalin, Jarmalka

Recommended Posts

Ciidamada DFKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo fariisimo hor leh ka sameystey Muqdisho

 

Ciidamada Dawlada Federaalka KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo wada jira ayaa maanta waxay fariisimo ka sameysteen goobo hor leh oo ka mid ah magaalada Muqdisho, taasi oo qayb ka ah hawlgal la doonayo in lagu sugo amaanka magaalada.

 

Ciidamada ayaa waxay fariisin ka dhigteen deegaano ku dhaw Isgoyska Ex-Control Balcad, waxaana ciidamada saaka ay halgal baaritaan ah ka sameeyeen xaafada Suuqa Xoolaha iyo SOS, iyagoo halkaasi si weyn baariraan xoogan ugu sameeyey.

 

Sidoo kale ciidamada Dawlada iyo kuwa Itoobiya ayaa waxay saaka hawlgal hub ururin ah ka sameeyeen Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho hub kala iigsiga ee caanka ah Cirtoogte, halkaasi oo la sheegay inay qabteen hub kala duwan, inkastoo qaar ka mid ah Ganacsatada hubka ee Suuqa Cirtoogte ay sheegeen in hubkaasi uu ahaa mid ganacsi oo aanu aheyn mid amaanka Qatar ku hayey, waa sida hadalka ay u dhigeen’e.

 

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska sare ee ciidanka Boooliiska Gobolka Banaadir ayaa goor sii horeysay waxay ka shanqariyeen inaanu jiri karin wax hub oo si sharci daro ah loogu haysan karo magaalada Muqdisho,waxaana ay sheegeen in cidii lagu qabto ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda + Ethiopia oo Hawlgalo Amaan Soo Celin ah Ka Wada Caasimadda (Ciidamada Oo Saakay Gudaha U Galay Deegaanka Suuqa Xoolaha).

Posted to the Web May 07, 04:32

 

MOGADISHU: Ciidamada Dowladda KMG oo ay weheliyaan Kuwa Ethiopia oo maalmahanba fariisimo cusub iyo hawlgalo ka waday Caasimadda ayaa hawlgalkii ugu horeeyey saakay ka bilaabay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan oo ah kuwa aad u fara badan, islamarkaana ku hubaysan Gawaarida Dagaalka ayaa waxa ay saakay degeen Xarunta Warshadda Nacnaca ee Banaadir iyo goobaha ku dhow dhow ee ku yaala wadada dheere Deegaanka Suuqa Xoolaha.

 

Waxa ay baarayaan dhammaan gawaarida BL-ka iyo kuwa gaarka loo leeyahay, ka dib markii ay jarteen Wadada, iyagoona mararka qaar gudaha u galaya dhismayaal halkaasi ku yaala oo ay ka shaki qabaan.

Guud ahaan goobihii ganacsi ee Suuqa Xoolaha ayaa albaabadu u laaban yihiin saakay, ka dib markii ganacsatada qaar sida ay sheegayaan loo diiday in ay gudaha u galaan Suuqa.

 

Shalay ayaa Ciidamada is weheshanaya ee Dowladda KMG iyo Kuwa Ethiopia waxa ay degeen Xaruntii hore ee Ifka Xalane iyo halka loo yaqaano Xero Jarmalka, iyadoona saakay lagu arkayo Isgoyska Ifka ciidamo badan oo baaraya gawaarida halkaasi isticmaasha taasi oo qeyb ka ah Hawlaha la doonayo in amaan buuxa loogu soo dabaalo caasimadda.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

 

 

Puntlandonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka oo saakay howl gal xoogan wada

May 7, 2007 Markacadeey

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Ciidamada dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dowlada Itoobiya ayaa saakay howl gal balaaran ka bilaabey qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

 

Intii aanu baryid waaga waxaa saakay ciidamadan ay qaadeen howl gal ay isku balaarinayeen, ayna ku baarayeen gobo cayiman oo ciidamada u calaamadeysnaa.

 

Ciidamada ayaa howl galkooda ka bilaabay isgoyska SOS ee degmada Heli waa, iyaga oo u dhaqaaqey dhinaca suuqa xoolaha, isla mar ahaantaasina degey gobo sida la sheegay ay ka mid yihiin warshada Nac-naca Banaadir iyo Shirkada S, kuwaasi oo Suuqa xoolaha ku yaala.

 

Ciidamada ayaa gooyay wadad aada Suuqa xoolaha, iyaga oo baaris halkaasi ka wadey, waxaana jirin ganacsigii goobahaasi ay dadka ku lahaayeen.

 

Dhinaca kale, Ciidamada dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa saakay iyaguna howl gal baais ah ka wadey goobihii ay shalay dageen ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ee ay ka midka ahaayeen Ifka Xalan, Xero Jarmalka iyo xaruntii dhul bixinta.

 

Waxaa la arkayay ciidamo aad u faro badan oo ah kuwa dowlada federaalka oo taagan hareeraha wadooyinka, isla markaasna baarayay gaadiidka halkaasi marayay, iyaga oo ka hor baaris ku sameeyay dhismayaal halkaasi ku dhowaa.

 

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo shalay maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen in ay wax badan ka qaban doonaan amaanka gobolka, shalayna la magacaabey 8- ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka.

 

Maxamed Cali Madka

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Wareegto lagu amrayo in laga baxo xarumah Milateriga ee Muqdisho oo ka soo baxday Xafiiska Abaanduulaha Ciidanka Xoogga

Posted to the Web May 07, 13:59

 

Muqdisho (PP) - Wareegto ka soo baxday xafiiska Abaanduulaha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye-gaas: C/llaahi Cali Cumar ayaa lagu sheegay in shacabka deggen xarumaha Milateriga dalka ay uga guuraan muddo 5-casho ah.

 

Qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in goobaha ay leeyihiin ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee laga guurayo ay kala yihiin: Waxaaradda Gaashaandhigga, Xaruntii Shiirkole, Xarunta Villa Baydhabo, Warshaddii Tolmada Millateriga, Guriyihii Saraakiisha Ciidammada, Kulliyadii Jaalle Siyaad, Kulliyadii Ciidammada ee 77, Kuliyadda Ciidammada ee Axmed Gurey, Xarunta Istiraatiijiyada ee Ciidammada, Xaruntii Ciidammada ee Horseed, Xero Ruush, Isbitaalkii Xoogga dalka Soomaaliyeed, Guryaha Saraakiisha ee ka dambeeyay Warshadda Caanaha, Talisyada Ciidammada Cirka, Dhulka iyo Badda.

 

Wareegtadaan ayaa waxaa lagu xusay in ciddii aan uga guurin xarumahaas ay mudan karto ciqaab aad u daran, iyadooa dadkaas horay loogu diiday inay ku laabtaan xarumahaas kaddib markii ay ka qaxeen dhawaan.

 

Dadkii deggenaa xarumahaas oo cabashooyin ka muujinayay sababaha looga celiyay inay ku laabtaan xarumahaas oo ay sheegeen inay deggenaayeen ayaa waxaa ku soo beegmay wareegtadaan.

 

Dadkii deggenaa xarumahaas ayaa waxay qaarkood dib ugu laabteen xarumahaas iyadoo dadkaas qaar ka mid ahna ay weli ku maqan yihiin goobihii ay u qaxeen, iyagoo sheegay in loo soo diiday inay ku laabtaan xarumahooda.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this