Sign in to follow this  
General Duke

FAALLO: Sharciga Xaalada Deg-dega ah !! Ma maarshaal Law baa ??

Recommended Posts

FAALLO: Sharciga Xaalada Deg-dega ah !! Ma maarshaal Law baa ??

 

Posted to the Web Jan 30, 00:27

 

 

Sweden:(pp) - Waxaa fasiraado kala duwan laga bixay Sharciga xaaladda degdegga ee uu Barlamaanka Somalia ku ansixiyay magaalada Baydhabo toddobaadkii hore. Waxaa ugu qaylo dheeraa fasiraadahaas kuwa ka soo baxayay xoogagaa Qaran-diidka ah ee gacanta ku haya idaacadaha loo yaqaanno BUQBUQOOYINKA iyo maamulayaashooda dadku ugu yeeraan FADHI_KU-DIRIRKA. Idaacadaha noocaas ah waxaa ugu caansan laanta Af-somaliga ee BBC-da iyo maaamulaheeda.

 

 

 

Si ay dadka u jiha-wareeriyaan Waxay waraysiyo ka qaadaan dad aan xog-ogaal ahayn iyo kuwo suuq-joog ah oo ay ku sheegaan aqoon-yahan iyo gar-yaqaan, Haddaba si ay dadku u helaan xaqiiqda iyo nuxurka dhabta ah ee sharcigaan ayaan halkaan idiin ku soo bandhigayaa noocyada sharxciyada degdegga iyo xaaladaha loo isticmaalo aniga oo ku iftiiminaya tusaalooyin camali ah. Waxaa kale oon idin soo hor-dhigaa qoddobada uu ka koobabyahay shargaan ka soo baxay Barlamaanka Qaranka ee Baydhabo. Waana tan:

 

 

 

Qawaaniintu waa noocyo fara badan. Qaar waa kuwo xagga Alle-wayne ka soo degay oo Nabiyada loo soo dhiibay SCS. qaarna waa kuwo Aadamuhu dejay. Labada noocba waxay nidaamiyaan nolosha Aadamaha. Qawaaninta maanta Caalamku ku dhaqmo badankeedo waxay ka soo jeedaan qawaanintii kacaankii Faransiiska ee qarnigii 18aad. Culimadii qaanuunka ee kacaankii faransiisku waxay ka soo xigteen shareecada Islaamka aqlabiyadda qawaaniintii ay dejiyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NOOCYADA QAANNUUNKA :

 

Qawaaniintu inkasta oo ay guud ahaan wadaagaan Nidaaminta noolasha Aadamaha, haddana waa qaybo badan, oo qayb-kasta waxay nidaamisaa dhinac ka mid ah noolasha Insaanka. Sidaas ayaad u maqlaysaa magacyada kala jaadhka ah ee qawaaniinta sida : Qaanuunka ciqaabta, qaanuunka madaniga, qaanuunka badda, qaanuunka ganacsiga, qanuunka caalamiga ah …iwm.

 

QAANUUNKA DASTUURIGA:

 

Qawaaniinto waxay u qaybsamaan guud ahaan laba nooc oo waawayn. Kan hore waxaa yiraaha Qaanuunka Caamka ah. Wuxuu nidaamiyaa arimaha ay dawladdu daraf ka tahay iyada oo wakiil ka ah Mujtamaca. Kan labaadna waxaa lagu magacaabaa qaanuunka Khaaska ah. Wuxuuna nidaamiyaa arimaha u dhaxeeyaa afraadda mujtamaca. Labada qayboodba way sii kala baxaan.

 

Qaauunka Dastuuriga oo ka mid ah kuwa caamka ah waa kan khuseeya arinta mawdduuca aan ka hadlaynno ee Xaladda degdegga ah . Qaanuunka dastuurigu wuxuu la xiriiraa hab-qaybinta AWOODDA Dawladda. Wuxuu qeexaa nooca Nidaamka dalka ,. Ma boqortooyaa mase waa Jamhuuriyadda? Ma barlamaani baa mase Ri’aasi (presidential )? Waxaa kale uu qeexaa qaanuunkaani xiriirka saddexda qaybood ee awoodda Dal ee Sharci-dejinta, Fulinta iyo gar-soorka. Qaanuunka dastooriga wuxuu caddeeyaa xuriyadaha asaasiga ah ee muwaaddinku leeyahay iyo xuquuqdiisa lama taabtaanka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAA MAXAY XAALADDA DEGDEGA?

 

Waxaa looga jeedaa xaaladaha degdega in ay soo foodsaaraan dal duruufo ADAGG oo u baahan in qaanuunkii dastuurka dalka wax laga bedelo si looga gudbo duruufahaas adagg.Waxyaalaha laga beddalayo dastuurka ama qodabada la LAALYO ayaa lagu qeexa shaci ay soo saaraan hay’adda xaqa u leh dejinta sharciga ( Barlamaanka )

 

 

Haddaba waxaad halkaas ka garan kartaa :

 

1- Sharciga Xaaladda degdgaa ma laha qaab midaysan oo dalalka oo dhan si isku mid ah ugu dabaqmaya. Balse dal kasta waxuu samaysanayaa Sharcigiisa degdega ah isaga oo ku salayna duruufaha iyo dhibaatooyinka soo waajahay iyo tabaha ama xeeladaha uu u arko in uu kaga gudbi-karo. Sharcigaan gaarka ah waxaa lagu xaddidaa makaanka iyo samaanka la dabbaqayo xaaladdan gaarka ah.

 

2- Xaaldda degdegga waxay saamaysa oo qur ah arimaha ku cadd qodobada sharcigeeda. Ma aha sida uu ku addacoonayaan qaarkood in Barlamaankii, Xukuumaddii, Maxkamadihii iyo qawaaniintii dalka la wada baabi’iyey

 

3- Qaanuunka degdega Waxaa loo adeegsada sida qaalibka ah marka ay dal la soo gudboonaadaan duruufo amni daro, dagaallo ama musiibooyin dabiici ah sida dhul-gariirka, abaaraha, duufaannada iyo daadadka. Wuxuuna siiyaa AWOOD dheeraad ah hay’adaha qaabilsan wax ka qabashada dhibaatooyinkaas.

 

4- Sharcigan gaarka ah sida inta badan lagu magacaabo waxuu saamayn karaa waddanka oo dhan. Waxaana dhici karta in lagu xaddido Gobol ama gobolo ka mid ah dalka.

 

Waxaad marar badan la socotaan in USA marka ay dhacaan musiibooyin dabiici ah sidaa dhul-gariir ama duufaan in uu Madax-waynuhu ku dhawaaqo xaalaadd degdegg ah meelahaas mashaqado ka dhacday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

5- MARTIAL-LAW IYO SIDA LOO YAQAAN:

 

Waxaa la maqlaa waddan lagu soo rogay martial law oo macnihiiso yahay XUKUN-MILILITARI ama askareed. Waxaana looga jeeda in awooddii dalkaas ay si buuxda gacanta ugu dhigeen kooxo askar ah ama ciidan ah. Tani waxay dhacdaa marar dhif ah oo lagu tilmaami karo meesha lagu soo rogo meel balaayo ku habatay. Xaaladahaas tirada yar ee Martialka waxaa kamid ah kuwaan :

 

 

A- INQILAAB ama AF-GANBI militeri : Markaas oo awoodda cusubb ee dalka qabsatay ( Askar) waxay baabi’yaan dhamaan tiirarkii uu ku taagnaa nidaamkii hore ee dalku. Tusaale ahaan waxay baabi’yaan sharciyada dalka oo uu ugu horeeyo DASTUURKU. Waxaa kale oo ay kala diraan hay’adihii Dastuuriga ee dalku lahaa sida Barlamaanka, Xukuumadda, Garsoorka, Axsaabta siyaasadda, Ururada-bulshada …iwm. Waxayna ku xukumaan dalka amaro ay soo saaraan oo ay huwiyaan xoog-sharci, Waxaa kale oo uu Martial lawgu saameeyaa xuquuqda muwaaddinka iyo xorriyadihiisa asaasiga ah sida xoriyadda hadalka, qoraalka, qabashada kulamada, isu-socodka ( bando) , hantida gaarka ah oo la-la-wareego karro iyo qofka oo la xiro maxkamadd la’aan..

 

Awoodda cusubbi markaas ka kaddib ayay la soo baxaan qawaaniinta iyo hay’adaha ay rabaan in ay ku maamulaan dalka. Af-ganbiyaasha-ciidan waxay ka soo billaabmeen Laatiin-Amerika qarnigii tagay billawgiisii. Waxayna ku baaheen Asia iyo Afrika intii u dhaxaysay 1960-1990. Intii ka danbaysay waqtigaas si aad ah u yaraadeen markii bulshada caalamka canbaaraysay cuna-qabataynna ku soo ragtay, Xaladdan Martial- lawga ah Somalia waxay soo martay markii ciidamada qalabka siday oo uu hoggaaminayay M.S. Barre la wareegeen xukunka dalka 21 Oktobar 1969kii.

 

B- DAL LA QABSADAY: haddii waddan xoog ku qabsadu waddan kale Waxauu ku soo rogaa xukun militari ama martial law. Taasina wax badan ayay soo martay dunido. Sidii markii Jarmalku uu qabsaday dalal badan oo Europ ah bilawgii dagaal-waynihii 2 aad ee dunida sida Poland, Austria, jeegga,, Holan, Danmark.iyo France oo uu dhamaantood ku soo rogay xukun askareed.

 

 

 

C- QALAANQAL:

 

 

 

Waddan hadday soo waajahaan rabshadu iyo degganaansho- la’aan Guud. Oo uu farha ka baxo sharciga iyo kala-danbaynto waxaa lagu soo ragaa qaanuunka martialka si looga daaweeyo dhibaatada la soo darista dalkaas oo loo soo celiyo dagganaanshi , kala-danbayntii, sharcigii iyo amnigii lumay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SHARCI-GAAR AH!

 

Waxaa la is-waydiin kara xagee buu gelayaa sharciga degdega ah ee uu Barlamaanka Soomaaliya meel-mariyay toddobaadkii hore? Ma martial law baa mase qaanuun gaar ah? Jawaabto waa ma aha Martial-law. Balse waa sharci GAAR ah oo CAADI ah. Waxaan uga jeedaa gaarnimada sharcigan in uu Dawladda siinayo Awood ka ballaaran tii Cahdi-qarameedku uu u siiyay sugidaa amniga dalka oo kaliya

 

Caadinimadana waxaan u la jeedaa qaabka iyo nidaamka ( procedure) loo maray soo-saariddiisa oo la mid ah tan ay maraan sharciyada kale ee caadiga ah ee uu soo saaro golaha-shacabku qaranka . Waa sharci-barlamaani ah oo looga jeedo xoojinta amaanka dalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

NUXURKA SHARCIGGAAN MUXUU YAHAY

 

Haddaan wax yar oo tilmaan ah ka bixinno qaanuunkaan waxaa innoo muuqanaya tilmaamaha soo socda:

 

1- Waa sharci kooban oo ku tacalluqa qodobo kooban oo loogu xoojinayo ammaanka iyo nabad-gelyada guud ee dadlka.Waxaan qofna ka daahnayn in dalka oo muddu 16 sano ah ku jiray xaaladd fawdda ah oo shaci, kala-danbayn, nabadd iyo amniba la illaaway. Taas oo ka dhigaysa laga-ma-maarmaan in fiiro gaar ah la siiyo arimahaas.

 

2- Sharcigani wuxuu khuseeyaa saddex arimood oo la xiriirta amniga wuxuuna ka koobanyahay saddex qoddobb oo ku wajahan xoojinta iyo sugidda amniga. Kuwaas oo ay ugu muhimsanyihiin:

 

A- Mamnuucidda haysashada hubka gaadiidka saran ee loo yaqaan taknikada iyo kaydsashada waxyaalaha qarxa. Waxaana la baari kara meelaha lagu tuhmo alaabadaasi waxaana la qaban karaa dadka lagu maleeyo in ay ku lug-leeyihiin.

 

B- Manuucidda ururada qarsoodiga ah ee amniga lagu wax-yeellaynayo ama u dhaqma hab argagixiso ama xiriir la yeesha ururo argagixiso oo ka jira gudaha dalka ama dibaddiisa

 

C- Waxaa la mamcuucaay bannaan-baxyo aan rukhso loo qaadan iyo shirarka looga soo horjeedo dawladda.

 

3- Saddexdaas qodobb ee uu ka koobayahay shaciga xoojinta amnigu waxuu soconayaa muddo 3 bilood ah. Haddii loo baahdo muddadaas dhamaadkeeda in la sii-wado shacigaan waxaa kordhin kara oo kaliya Barlmaanka Qaranka.

 

4- Sharcigaan ISTICMAALKIISA waxay gaar u tahay oo kaliya Madax-waynaha Jumhuuriyadda.

Waxaad halkaas ka garananayaa in aysan jirin Martial- law iyo xaaladd degdeg ah oo lagu soo rogay dalka guud ahaan .Barlamaankii iyo awooddiisii wax iska dhimay ma jiraan. Xukuumaddii iyo garsoorkii lama taabannin. Axdi-qarameedka iyo sharciyadii dalka waxba is-kama-beddelin.

 

Haddaan garab-dhigno Shaciyada amniga ee ka jira dhammaan dadlalka Carabta iyo Dalalka Afrika badankooda- oo ah dalal aan dagaal ahli ah iyo fawddo soo marin-waxaaynno arkaynaa in kan Somalidu yahay fardo kula carar.iyo caano iyo nabadd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tusaale waxaa innoogu filan Dalka Masar oo ah kan ugu da’wayn caalamka weligna aysan ka dhicin Dagaal ahli ah wuxuu ku jiraa xaalaad degdeg ah oo khaas ku ah adkaynta amiga. Shacigaas Masar:

 

1- Waxaay socotaa muddo 30sano ah.

 

2- Waxaa la cusboonaysiiyaa 5tii sanoba hal mar ( Innagana waa 3 bilood)

 

3- Arimaha la xiriira amniga waxaa qaada maxkamado gaar ah oo la yiraaho MAXKAMATO AMNU_DAWLA. Waxaay la midd tahay Maxkamadii Badbaada ee kacaankii S.Barre.

 

 

 

Dawladda F.Somalia sharcigaan ay soo-saartay ma abuurin maxkamadd u gaar amniga, ee kuwa caadiga ayaa iska leh wixii garsoor ah oo idil.

 

 

 

Sharigaan midd shabbaha ayaa Somalia laga soo-saaray 1964kii waqtigii Xukuumaddii Md. Abdi-risaaq xaaji Xusseen.oo aan isagu haddana marna ku isticmaalin. Waxaase sharcigaas isticmaalay markii ugu horraysay 1968 Md. Maxamed Ibraahin Cigaal oo madax ka noqday Xukuumaddii ku xigtay

 

.

 

Waxaa si xadd-dhaaf ah ugu dhaqmay kacaankii M. S. Barre intii uusan soo dejinin qawaantiisii yaabka lahayd 1970kii ee lagu magacaabay BADBAADINTA KACAANKA ee ka koobnayd 26 ka qaddub ee toogashada u badnayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GABOGABO:

 

Mar haddii la ogyahay in dalalka Afirika iyo Carabta ay badabkoodu leeyihiin shuruuc u gaar ah Amniga iyo Nabadda Waxaan is-waydiiin karnaa Somalia oo aysan Dawladd, Sharci iyo nabaddba ka maqnayd muddadaas dheer, Sharciyo noocee ah ayay u baahan tahay si loogu soo dabbaalo dagganaasho iyo amni ??

 

Anugu waxaan qabaa in Somalia oo burbur iyo balaayo aan Sheeko iyo shaahid lagu maqlin laguna arkin- ay ka dhacday, in ay u baahan tahay sharciga ugu qallafsan uguna adagg si loogu soo celiyo xaaladd caadi ah. Waxaa loo baahnaa Sharciga MARTIAL-LAWGA in lagu soo rogo maanta. Ama shaciyo shabaha kuwii badbaadada kacaanka oo kale ee M.S. Barre iyo Maxkamadihii gaarka ahaa,

 

Haddayse Xumamaddii iyo Barlamaankii ay dusha ka saarnayd Mas’uulidda dalku-isla-garteen sharcigaan khafiiifka ah haddii loo qiyaaso duruufta dalka Waxaa la gudboon Umadda Somalida in ay isla garab-taagaan TAAGEERDOODA HIIL IYO HOOBA. Oo aysan dhegg u jalaqsiinin tuhunka iyo tashwiishka qaran-diidka.

 

 

Dr. Abdi Xasan (Dhaan-Wade).

Daabacaada:Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this