Sign in to follow this  
General Duke

Puntland leaders return home.. discuss latest battles in Bay..

Recommended Posts

GAROOWE : Cadde iyo Wafdigiisa oo goordhawayd soo gaaray Garoowe kana warbixiyay xaalada dagaal ee Baydhabo

Posted to the Web Dec 21, 10:09

 

 

Garoowe:-Cadde Muuse M/waynaha Puntland iyo wafdi u hogaaminayo oo 2-dii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa maanta soo gaaray magaalo-madaxda Puntland ee Garoowe , markii uu M/waynuhu soo gaaray xarunta Madaxtooyada Puntland ayuu wuxuu ka warbixiyay xaalada dagaal ee iminka ka socda deegaamada Iidaale iyo daynuunay wuxuuna sheegay in si wayn loogu jabiyo Ciidanka Maxaakiimta.

 

Cadde Muuse wuxuu sheegay in Ciidanka Maxaakiimta laga dilay 75 qof lagana dhaawacay 125 baabuur dagaal oo 30 ahna waxna laga gubay waxna laga qabsaday iminkana uu dagaal culus uu socdo.

 

Wuxuu kaloo sheegay in dagaalka maanta lagu dilay 2 Nin oo dhaqaatiir ah oo mid ka mid ah uu u dhashay dalka Pakistan midna uu Somali yahay oo uu dhashay Col . Maxamed Cumar Jees.

 

Maxamed Cali Yuusuf (gaagaab) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa isagu sheegay in safka hore ee dagaalka ay ku jiraan in ka badan 6,000 oo askari oo ajnabi ah oo tababaran waa siduu hadalka u dhigaye , hase ahaatee ay laga adkaan doono.

 

Waxaa xusidmudan M/waynaha iyo Wafdigiisaba aysan wax warbixin ah oo intaas dheer aysan ka hadlin iyadoo beryahaan la isla dhexmaray in safarka Cadde Muuse iyo Wafdigiisa uu la xiriiro khilaaf dhanka Macndata ah oo dhexmaray Raysalwasaare Geedi iyo Cadde Muuse.

 

Axmed C/salaam

Garoowe , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Wafdigii maamulka Puntland oo dib ugu soo noqday gobolada Puntland.

 

Khamiis, December 21, 2006

 

Gaalkacyo (AllPuntland)- Wafdi ka socda maamul goboledka Puntland oo dhowaanahaan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa saaka soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Wafdigani uu hor kacayo madaxwaynaha DGPL ayaa waxa uu u gudbay magaalada Garoowe ee caasimadda DGPL.

 

Wafdiga madaxwayne Cadde ayaa maalmo waxa ay ku sugnaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyaga oo kulamo la qaatay madaxda dawladda Soomaaliya.

 

Madaxwayne Cadde iyo wafdigiisa oo la filayay in ay magaalada Baydhabo ka soo ambabaxaan maalinnimadii shalay ayaa waxaa ku yimid dib u dhac ka gadaal markii ay kulamo la qaateen wafdigii ka socday midawga Yurub.

 

Wasiirka war faafinta dawlad goboleedka Puntland ayaa waxa uu dhowaan inoo sheegay in wafdigaasi ay ku soo guulaysteen dhamaan wax yaabihii ay u tageen, iyo kulamadi ay la soo qaateen madaxda dawladda Soomaaliya.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this