BN Posted October 13, 2004 KULAN LAGU TAAGEERAYEY MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOOMAALIYA OO KA DHACAY DEGMADA KAARAAN Waxgarad iyo dadweyne aad u fara badan ayaa kasoo qeybgalay kulan lagu taageeryay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa saakay ka dhacay degmada Karaan ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen xubno ka kala socday ururada Bulshada, Aqoonyahanada ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka degmada Kaaraan Muxidiin Calasow oo oo sheegay in isagoo ka wakiil ah maamulka degmada Kaaraan ay si weyn ugu faraxsan yihiin doorashada Col. C/laai Yuusuf ee loogu doortay Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay iney la shaqeyn doonaan oo ay garab istaagi doonaan, sidoo kale xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ciise Maxaed Dalabey, Cumar Maxamuud Barre (Ciriblo), Xasan Xuseen Geedi iyo Muxamad Jugyare Shadoor oo si weyn u soo dhoweeyay natiijadii kasoo baxday shirkii Nayroobi ee loogu doortay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya inuu noqdo Col. C/laahi Yuusud. Quote Share this post Link to post Share on other sites