Sign in to follow this  
General Duke

Ahmed Xuseen Doonyaale Galgala has been invaded by Al Shabaab

Recommended Posts

Axmed Xuseen Doonyaale “Xal aan dagaal ahayn ma jiro”

 

Axmed Xuseen Doonyaale oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda goobaha hadda mashaqadu ka taagan tahay ayaa mar uu u waramaayey VOA-da sheegay in dhulkoodi lagu soo duuley oo ay ku soo duuleen al-Shabaab, Doonyaale ayaa hoosta ka xariiqay in Attam uu u adeegaayo al-Shabaab

 

“….Waxaa nagu soo duuley dad aan u dhalan dhulkayaga, waxna nala wadaagin waxayna dadkaasi ku sugan yihiin agagaarka Galgala, kadib markii ay xir xireen beeralaydii halkaas ku sugneyd, kuwa aan la dagalaamaynaa waa al-Shabaab….” ayuu yiri Axmed Xuseen Doonyaale

 

Axmed Xuseen Doonaayle ayaa sheegay dadka deegaanka u dhashey ee kamid ah ciidanka ku sugan buuraha degmada Galgala, in ay yihiin kuwo aad u yar, waxaana hadda talada haya kuwa doolaalka ku yimid ayuu yiri Doonyaale.

 

Ugu danbeyntii Axmed Xuseen Doonyaale oo horey u ahaan jirey wasiir ka tirsan dawladda Puntland sheegay in dhibta dhacdey aan wax kale lagu xalin karin, shirar badan ayaa la qabtey, kuwaas oo ka dhacay Dhahar, Buraan, Maraje Ceelaayo iyo Balibusle waxaana shirarkaas la isku raacey in dagaal mooyee aan wax kale wax looga qaban karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this