Thankful Posted August 12, 2010 Garoweonline Kate Leming oo bushkuleeti ku timid PL 12 Aug 12, 2010 - 1:18:13 AM Madaxweynaha Puntland oo sagootinaya gabadhaan saaran Bushkileetiga Gabdha la yiraahdo Kate Leming oo la u dhalatey wadanka Australia ayaa maalintii shaley 11.08.2010 socod bushkileeti ah ku timid magaalo madaxda Puntland ee Garowe. Kate Leming oo socodkeeda ay ku saaran tahay Bushkileetiga ka soo bilowdey Galbeedka Africa ayaa ku dhameyneysa magaalada Xafuun ee ku taala cirifka barri Puntland. Kate oo dhexmareysa magaalada Garowe.xuquqda GO Gabdhaan oo ay wheliyaan walaasheed iyo nin filim duube ah ayaa habeenkii xaley casho sharaf loogu sameeyey aqalka Madaxtooyada halkasoo kulan la qaateen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole. Kate Leming ayaa saakey 12.08.2010 socodkeedii fuulista bushkuleetiga dib uga bilowdey xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe iyadoo halkaas uu ku sii sagootiyey Madaxweynaha Puntland Mud. Cabdiraxman Farole waxeyna ku wajahan tahay magaalada Xafuun. Saraakiil sii amabaxineysa Kate leming/Xuquuqda GO Socodka fuulista bushkileetiga oo ay gabadhaan u dhalatey wadanka Australia ku soo martey 22 wadan oo Afrikan ah ayaa waxaa loogu magac daraa " breaking the cycle in Africa" iyadoo la adeegsanyo wax barshada, waxaana ay arinkaan kala shaqeynaya shirkado reer Galbeed ah. Dhinaca kale gabadhaan ayaa kasoo gashey Puntland dhinaca Somaliland iyadoo halkaas uga timid wadanka Ethiopia. Kate oo ka baxdey magaalada Garowe/ xuquuqda sawirka GO Hadii aad rabtid inaad la socotid halka gabdhaan socodka ku mareyso ka daalaco boogeeda ay ku leedahay Internetka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted August 12, 2010 Let's be honest, does Faroole look concerned with what's going on in the mountains? Nope! He knows it is completely under control. Also, do you think if Puntland wasn't peaceful she would have chosen to go through it? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Land_Soldier Posted August 12, 2010 I wonder what she said to Faroole on the whole situation In the Mountains. Quote Share this post Link to post Share on other sites