Sign in to follow this  
General Duke

Warlords isolated and alone leave the alliance..

Recommended Posts

Guess the American money is no longer available.

 

Muuse Suudi iyo Bashiir Raage oo ka baxay isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada

Last Updated::2006-06-14 18:26:13

 

Muqdisho:- Muuse Suudi oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka lagana qaaday xilkii uu hayey ee Wasiirka Ganacsiga, ayaa shaaca

ka qaaday in uu isaga baxay Isbaheysigii ay kuwada jireen hogaamiye kooxeedka Muqdisho ee laga awood roonaaday.

 

Sidoo kale Bashiir Raage oo kamid ah Ganacsatadii ku jiray Isbaheysigaasi ayaa asaguna sheegay inuu ka baxay isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada.

 

Labadan hogaamiye oo kasoo jeeda beesha Mudulood ayaa qoraal laga soo saaray kulan maanta ka dhacay Waqooyiga Muqdisho ay ku saxiixeen in ay ogolaadeen taladii uga timid beelaha ay kasoo jeedaan.

 

Labadan hogaamiye ayaa ku dhawaaqay in ay isaga baxeen Isbaheysiga saacado kadib markii uu asaguna ka baxay isbaheysiga Col.Cabdi Qeybdiid oo kamid ahaa xubnihii isbaheysigaasi, Col.Qeybdiid ayaa asaguna sheegay in culeys uu uga yimid beesha uu kasoo jeedo ee Sacad H/Gidir.

 

Sadexdan xubnood ayaa maanta isaga baxay isbaheysigii lagu aasaasay Deyniile ee la dagaalanka argagaxisada oo ay ku jireen 11 xubnood oo isugu jira hogaamiye kooxeedyo iyo Ganacsato.

 

Arrintan ayaa kusoo aaday wakhti maanta ay Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ay gacanta ku dhigeen magaalada Jowhar, oo uu gacanta ku hayn jiray Maxamed Dheere oo kamid ahaa hogaamiyaashii ugu awood weynaa Isbaheysigaasi.

 

Magaaladaasi ayay sidoo kale todobaadyadii lasoo dhaafay ku sugnaayeen qaar kamid ah hogaamiyaashii isaga baxay Muqdisho oo ay ku jiraan Maxamed Qanyare Afrax, Bootaan Ciise Caalin iyo Cabdi Siyaad (Cabdi Waal), kuwaasi oo u baxsaday dhinca Gobalka Galgaduud ee magaalada Ceel Buur.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdi Shukri Cali Xirsi oo isaga baxay isbaheysiga la Dagaalanka argagixisada

 

Mogadishu 14 June. 06 ( Sh.M.Network) Cabdi Shukri Cali Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga baxay isbaheysiga la dagaalanka argagixisada sida ku cad nuqul warsaxaafadeed la soo gaarsiiyay shabakada warbaahinta Shabelle oo uu ku saxiixan yahay Mas'uulkaasi.

 

 

Cabdi Shukri Cali Xirsi

Cabdi Shukri waxa uu sheegay in sababaha ka bixitaankiisa ee isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ay tahay in uu cadaadis kala kulmay dhanka beeshiisa iyo waliba qabaa'ilka waa sida ku xusan qoraal saxaafadeedkiisa.

 

Waxa uu ku sheegay qoraal saxaafadeedkiisa oo nuqul ka mid ah soo gaaray shabakada warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu ku sheegay in uu soo dhaweynayo lana shaqeynayo cid kasta oo dhibaatada ka saari karta umadda Soomaaliyeed Sida ku cad qoraal saxaafadeedkaan hoos ku qoran.

 

Cabdi Shukri Cali Xirsi ayaan ku soo sheegin war saxaafadeedkaan halka uu ku sugan yahay., iyadoo hadal heyntii ugu dambeysay ee siyaasigaani uu joogay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this